dhaymoolenews.com
Xukuumadda Oo Sii Daysay Laba Haween Ah Iyo Kanada Oo Muwaadiniinteeda Uga Digtay Somaliland
April 27, 2019 - Written by wariye999

Hargeysa(dhaymoole)Xukuumadda Somaliland ayaa xabsiga ka sii daysay laba dumar ah oo magaalada Hargeysa ku xidhna saddexdii bilood ee u dambeeyay. Haweenka ayaa lagu xukumay xabsi dhan laba bilood iyo badh kadib markii lagu eedeeyay in ay isticmaaleen daroogo.

Qareennada difaacayay iyo dumarka ayaa diiday in ay isticmaaleen mukhaadaraad mamnuuc ka ah Somaliland waxaanay ku doodeen in aan laga helin wax maandooriye ah gurigii laga soo qabtay laakiin, dhawaan ayay si joogta ah warbaahinta Canada wax uga qortay arrinta dumarkan taas oo keentay in xeer ilaalinta Somaliland kiiska ka noqoto lana sii daayo.

Wargeyska Globe and Mail oo ka soo baxa dalka Kanada oo arrintan markii u horaysay wax ka qoray ayaa sheegay in dawladda Kanada, safiirka Somaliland ee dalka Ingiriiska Ayaan Maxamuud iyo Garyaqaan Guuleed Axmed Jaamac (Dafac) u xaqiijiyeen sii daynta labada dumarka ah lagana noqday kiiskii loo haystay.

Dawladda Canada ayaa wargeyska u sheegtay in ay gacan ka gaysatay sii daynta labada dumarka ah oo kala ahaa Maymuuna Cabdi oo 28 jir ah iyo Karima Watts oo 23 jir ah kuwaas oo Somaliland u yimid hawlo la xidhiidha la dagaallanka tacadiyada haweenka.

Dawladda Canada oo aan aqoonsanayn Somaliland ayaa ku tilmaantay dawlad iskeed ugu dhawaaqday madax bannaani oo citiraaf raadis ah waxaanu wargeyska Globe And Mail sheegay in dawladda Canada dhammaan muwaadiniinteeda uga digtay u socdaalidda Somaliland iyo Soomaaliya iyada oo kula talisay in aanay u socdaalin loona qabsan karo madax furasho lacageed.

“Dhammaan Ajaaniibtu waxay halis heerkeedu sareeyo ugu jiraan in lagu afduubto guud ahaan Soomaaliya oo ay ku jirto Somaliland. Dhawr qof oo ajaanib ah oo arrimo bani’aadanimo ka shaqaynayay ayaa la afduubtay,” Sidaas ayuu wargeysku ka soo xigtay Bogga dawladda Canada ee talooyinka siiya muwaadiniinteeda.

Ma cadda in digniintani la xidhiidho kiiska labadan dumar ah oo ay si weyn indhaha ugu hayeen todobaadadii u dambeeyay warbaahinta Canada iyo ururada xuquuqal iinsaanku.

Madaxweyne Geelle Oo Ka Cabsi Qaba In Kacdoon Shacbi Xukunka Lagaga Tuuro Iyo Dalal Uu Ku Eedeeyey Inay Dabada Ka Riixayaan 

Jabuuti(Waaberi) Madaxweynaha dalka Jabuuti, Md Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ka casbi in qaba kacdoon shacab kursiga uu muddada dheer ku fadhiyey lagaga tuuro, waxaanu sheegay in isaga illaahay ka bad-baadiyey waxa ku dhacay Madaxweynayaashi dalal ka mid ah Qaaradan Afrika muddo dheer ka talinayey keligood. Waxa uu xusay in la doonayo in la mariyo dhabihii ay mareen saaxiibadiisa Al-bashiir, Qadaafi, Xusni, Mubaarik iyo kuwa kale, waxaanu ugu baaqay shacbiga reer Jabuuti in haddii ay arrintaas ka feejignaan waayaan uu dalku halis gelayo.

Madaxweyne Geelle ayaa sheegay in kooxo aan dalka joogin iyo dalal shisheeye ay ku hawlan yihiin dhaq-dhaqaayo la mid ah kuwii galaaftay saaxiibkiisa Sudan Al-bashiir oo ay ka wadaan Jabuuti, isla markaana  la rabo in dalka Jabuuti uu ka istaadhmo dagaal sokeeye iyo qalaasi siyaasadeed

Ismaaciil Cumar Geelle ayaa hadalkiisu u dhignaa “ Nebigeenii wuxuu yidhi “CSW” fidna wey hurudaa nacladii illaahay ayaa ku degta ninkii kiciya , fidnad ayaa wadankeena lasoo gelinayaa kolba si ayaa lagu dayayaa waxa loo jeedaana waa in wadanka qas la geliyo, waxa loo jeedaa in aan galno meel dad kale galeen oo annagana illaahay naga bad-baadiyey xoogbay ku dayayaan dilbay doonayaa mashaakil noqonaya dagaal sokeeye ayey doonayaan , haddii dadkeenu uu ka feejignaan waayana halis ayuu wadanka oo dhani geli doonaa .”

Isagoo hadalkiisa sii wata Madaxweyne Geelle waxa uu  intaasi ku daray “Annagu waxaanu leenahay Dowladu dadka oo dhan ayey Dowlad u tahay ay ilaalin u tahay, ay wax siin u tahay, ay is barbar joog u tahay , cid ay cid kale uga dhaafi kartaayi ma jirto , haddii qabiil la dayona qabiil qudhaata ayaanu nahay calan midaata ayaan wadaagnaa diin mid ah ayaanu wadaagnaa , walaal-nimadu waa in la abuuro oo la dhaqo weeye.”

Geesta kale Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sheegay in aanu dalka iyo dadka wax u tarayn nin siyaasi ah oo doonaya inuu kursiga ku gaadho dhiig “Nin Siyaasi ah oo dhiiga dadka inta uu dul socdo leh waxaan ku gaadhayaa madax-nimada wuxuu ummada u tarayaa majiro dalkana wax-ba uma tarayo qasmooyaane .”

Dhanka kalena Madaxweyne Geelle ayaa si dadban u sheegay in dad reer Jabuuti ah oo aan dalka joogin iyo wadamo kale ay wadaan qorshahan, kuwaas oo uu sheegay inuu diiday amaradoodii ay farayeen, isla markaana ay duulaan ku soo qaadeen “Waxa aan annigu afkaygaasi aan ka dhawrayo dadka fidnada soo abaabulayaa halkan lanama joogaan , meel kale ayey joogaan , kuwaasina kuwa kale ayaa ka dambeeya , waxa ay doonayaan waxa weeyaan in aan horumarkeena joojino, dadka aan xidhiidh wanaagsan oo walaal-nimo ah aan la leenahay iyo wax-qabad inay na garab mariyaan ayey doonayaan, halkaa maxaad u maraysaan ayaa nala leeyahay, maxaad Dowlada ula shiraysaan ayaa nala leehay, maxaad taa usoo dhaweynaysaan ayaan nala leeyahay, xor ayaanu nahay ayaan leenahay.”

Madaxweynaha Jabuuti ayaa ka sakow duufaannada ah kacdoono shacab oo saameeyay dalalka dariska la ah ee Itoobiya iyo Suudaan  waxa dul hoganaya danaha is diidan ee reer Galbeedka, Shiinaha iyo xulufada Carabta ee Imaaraadku ka mid yahay kuwo ugu firfircoon. Reer Galbeedka oo Maraykanku ugu horeeyo ayaa si weyn uga soo horjeeda galaangalka Geelle la samaystay Shiinaha, Imaaraadka iyo xulufadiisa ayaa ka soo horjeeda Geelle kadib eryiddii Dp World waxaana jira dad mucaarad ku ah oo reer Jabuuti waana arrimaha u muuqda in ay tushuush ku fureen madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo wakhti dheer ka talinayay Jabuuti.

COMMENTS
Latest News