dhaymoolenews.com
Xildhibaan Rambo oo ka Hadlay Xeerka Caasimadda oo Golaha Wakiilada Horyaalla
November 10, 2022 - Written by admin

Hargeysa(Dhaymoole):-Xildhiban Maxamed Xuseen Jaamac Rambo oo ka mid aH Xildhibaanada Golaha Waliilada ayaa sheegay in sifo sharciya lagu bedeli karo Xuduudaha Gobolada dalka.

Maxamed Xuseen Jaamac ayaa tilmaamay in Xeerka Caasimaddu hor yaaallo Golaha Wakiilada,

Xildhibaan Rambo ayaa sidaa ka sheegaay qoraal usoo dhigay barta uu ku leeyahay Facebookga.

Waxaana ay u dhignayd sidan.

“Dastuurka iyo Xeerka Ismaamulka Gobolada iyo Degmooyinku waxa ay dejiyeen hannaan cad oo wax ka bedel loogu samayn karo xuduudaha degmooyinka iyo gobolada,. Waxa horyaalla Golaha Wakiilada mashruuca sharci ee Xeerka Caasimadda oo si sharci ah loogu dejin doono xuduudaha caasimadda dhammaan afarta jiho.

Sidaas darteed, waxa aan la socod siinayaa bulshada Gobolka Hawd in aanay werwerin oo ay ogaadaan in sifo sharci oo keliya wax looga bedeli karo xuduudahooda.”

COMMENTS
Latest News