dhaymoolenews.com
Xabadda Caasha-badhida ahi Wanankeena waaweyn ayay la qiime tahay
October 4, 2021 - Written by wariye999

Deegaanka iyo nooleyaasha kala gedisan ee  ku dul nool ayaa lagu tilmaamaa khayraadka koowaad ee uu dal leeyahay,  kaasoo la isku raacsan yahay inuu saamayn weyn ku leeyahay nolosha iyo jiritaanka bini’aadamka.

Waxaana sanadihii  danbe si weyn la isaga xil saaray guud ahaanba caalamku sidii loo bad-baadin lahaa dhibaatooyinka kala duwan ee soo waajahay deegaanka iyo nooleyaasha ku dul nool.

Marka aynu ka hadlayno ilaalinta deegaanka waxaa hoos imanaya nooleyaasha kala gedisan ee dhulka guudkiisa ku nool, kuwaasoo isugu jira xayawaan iyo cayayaanba.

Hase yeeshee waxaa Somaliland ka jira dhibaatooyin aad u xoogan oo loo gaystay ama soo gaadhay deegaanka iyo duur joogtaba, taasoo gaadhay in xukuumadda Somaliland ay si weyn dagaal ka dhan ah u qaaday.

Xayawaanka dhibaatooyinka aadka u darani ay soo gaadheen waxaa ka mid ah Harimacadka oo la tilmaamo inuu adduunkaba ka sii dabar-go’ayo, isla markaana wadamo kooban oo dunidda ah ku sii hadhsan.

Hadaba qormadeena todobaadkan ee DEEGAAN JIRRE, waxaynu ku soo qaadan doonaa wasiirka deegaanka Somaliland oo ka hadashay nooc cusub oo ka mid ah xayawaanka Xamaarratadda loo yaqaano oo la qabtay iyadoo Somaliland laga dhoofinayo.

Xayawaankaasi oo ah Caasha-badhida ayaa tiro aad u badan oo ka mid ah ay dhawaan ciidamadda laanta socdaalka ee Somaliland qabteen iyadoo laga sii dhoofinayo garoonka diyaarradaha Hargaysa.

Wasiirka wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyiga Somaliland ayaa markii u horaysay ka hadashay tiradda rasmiga ah ee xayawaanka Xamaarratadda ee loo yaqaano Caasha-badhida oo dhawaan la qabtay iyadoo dalka laga dhoofinayo.

Waxaanay sheegtay wasiirku in xayawaankaasi tiraba saddex jeer oo kala duwan lagu qabtay iyadoo sifo sharci darro ah dalka looga dhoofinayo, taasoo tiradda imika la hayo ay tahay 575 xabadood oo Caasha-badhi ah.

Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, ayaa tilmaantay in xayawaano fara badan oo kala duwan oo dalkeenna ku nool in dadyow ajaanib ahi ay si sharci darro ah dalkeenna uga ugaadhsadaan, kadibna ay wadamadda dibadda u dhoofiyaan.

Xayawaanadaasi oo ay ka mid tahay Caasha-badhida oo todobaadkii ina dhaafay tiradii ugu badnayd lagu qabtay garroonka diyaarradaha Hargaysa, taasoo ay wasiirku ku tilmaantay in ay ka mid tahay khayraadka dalkeenna.

Wasiir Shukri Baandare, waxay sidan ka sheegtay hadal ay 19-kii bishii September ee sanadkan ay ka jeedisay tababar ku saabsan la dagaalanka ka ganacsiga sharci darradda ah ee Harimacadka oo maanta lagu qabtay magaaladda Hargaysa.

Waxaana tababarkaasi ka qayb qaadanayay saraakiil ka tirsan ciidamadda ilaaliladda xeebaha Somaliland, xubno ka kala socday wasaarradaha dawladda ee ay khusayso arrinta la dagaalanka ka ganacsiga sharci darradda ah ee   duur joogta.

Sidoo kale waxaa shirkaasi ka qayb galay weftiyo ka socday dawladaha Yemen iyo Itoobiya, oo ay si dhaw uga wada shaqeeyaan Somaliland dhoofinta duur joogta ee sharci darradda ah.

Maadaama oo inta badan duur joogta laga dhoofiyo xeebaha Somaliland laga keeno dhinaca dalka Itoobiya, halka Yemen-na ay ka mid tahay dawladaha looga sii gudbiyo wadamadda Khaliijka Carrabta.

Wasiirka oo arrintaasi ka hadlaysaysna waxay tidhi, “Markaynu ka hadlayno bad-baadinta duur joogta oo ka mid ah khayraadka dalkeenna. Dhawaan Caasha-badhida 575 oo xabadood ayaynu soo qabanay. Saddex jeer oo kala duwan ayaynu soo qabanay, saddexda jeer ba garroonka diyaarradaha Hargaysa ayaa laga soo qabtay. Dadka lagu soo qabtayna waa dad gaar ah, oo maalin walba lagu soo qabto”.

“Waxaanu ogaanay, oo aanaan markii hore war ka haynin, oo aanu la yaabnay, in aanay dadkeenu kaba fekeraynin, Caasha-badhida shaydaamad ayaynu u naqaanaa.

Bal hadaba ka warran, ka isaguna khayraad u yaqaana? Adigu ka aad shaydaanka u taqaano, oo khayraadkaagii ah, isaguna khayraad buu u yaqaanaa” ayay tidhi wasiir Shukri Xaaji Baandare.

Geesta kale wasiirka deegaanka Somaliland waxay sheegtay in xabadda Caasha-badhida ah marka dalkeena laga guranayo in lagu kala iibsado qiime dhan qiyaas ahaan ilaa $40 dollar, qiimahaasi oo u dhigma inta lagu kala iibsado Wananka Adhiga ah ee dalkeenna.

Hase yeeshee marka wadamadda dibada la geeyo in lagu kala iibsado lacag aad u fara badan oo gaadhaysa ilaa $500 oo dollar, taasoo  loo sameeyo xayaysiisyo aad u badan oo dadka loogu sheegayo in guryahoodda loogu keenayo.

Waxaanay tidhi, “Xabadda Caasha-badhida ah, waxaa laga yaabaa, in ay qiyaas ahaan inaga dalkeena kaga baxdo $40. Wanankeena waaweyn ayay a qiime tahay. Laakiin, marka ay dalka dibadiisa u baxdo, qiimaha lagu kala iibsadaa waa $500 oo dollar.

Xayaysiinteedda haddii aad eegtaan, waxaa ku qoran Caasha-badhidaasi waxaa laguugu keenayaa gurigaaga adigoo jooga. Waxaana lagu soo qaadayaa, dhamaanba wax allaale iyo wixii wax lagu qaadi jiray, ayaa gurigaaga kuugu keenaya”.

Dhinaca kale wasiirka deegaanku waxay  ka warbixisay waxyaabaha ay wasaaradu qaranka masuulka uga tahay iyo waajibaadyadeedda shaqo, iyo sidoo kale shuruucda iyo xeerarka la meel mariyay ee ilaalinta deegaanka iyo duur joogta.

Shukri Baandare, oo arrimahaasi ka hadlaysayna waxay tidhi, “Wasaaradda deegaanka maxay shaqadeedu tahay? Wasaaradda deegaanku waxay qaranka masuul uga tahay ilaalinta iyo daryeelka deegaanka iyo horumarinta reer miyiga, si loo cidhib tirro saboolnimadda. Iyadoo kor loo qaadayo heerarka nololeed ee bulshadda Somaliland.

Sida uu dhigayo qodobka 18aad ee dastuurka jamhuuriyadda Somaliland dawladu waxay mudnaan gaar ah siinaysaa, ilaalinta iyo fayo-dhawrka deegaanka, oo aasaas u ah caafimaadka bulshadda iyo dhawrista khayraadka dalka, oo ay ka mid yihiin duur joogtu, oo aynu og nahay halka ay inagaga taallo.

Sidaa daraadeed, hab dhaqanka iyo dhibaatadda loo gaysto deeganka, waxaa inooga meel yaalla xeerar aynu ku joojino, kuna dhaqan-no, aafooyinka deegaanka ee   kala duwan. Mudooyinkan danbe waxaa isa soo tarayay ugaadhsiga iyo ka ganacsiga duur joogta ee sharci darradda ah. Waxaanay ka gudbaan xuduud ilaa xuduud.

Dalka ay inta badan ka imanayaa waa dibadda, laakiin, wadankeenu wuu ku jiraa, oo maalin walba wuu ka socdaa.Xeerarkeenu waxay dhigayaan in ay mamnuuc tahay in la ugaadhsado, in ay mamnuuc tahay in la dhoofiyo, in ay mamnuuc tahay in la dillo, in ay mamnuuc tahay in laga ganacsado”.

Wasiirku waxay intaasi raacisay in ka wasaarad ahaan iyo haayadaha kala duwan ee xukuumadda Somaliland ay wadaan wacyigelin joogto ah oo la xidhiidha sidii bulshadda loogu baraarujin lahaa ilaalinta duur joogta.

“Waxaa jirta wacyigelin is-daba joog ah, oo maalin walba socota, oo dalka gudihiisa ka socota, oo diabdiisa ka socota, oo ay dawladda Somaliland ku hawlan tahay. Ma aha wasaaradda deegaanka oo keliya, waa dawladda Somaliland oo dhan. Maxkamadaha iyo xeer ilaaliyeyaasha, iyo maamuladda goboladda oo aan badhasaabyadda halkan uga mahad celinayo.

Wacyigelintaasi oo aan doonayno in aan ku bad-baadino khayraadkeena lanbar wanka ah, oo ah duur joogta” ayay tidhi wasiirka deegaanka Somaliland Shurki Xaaji Ismaaciil Baandare.

COMMENTS
Latest News