dhaymoolenews.com
Wefdi ka Socda Midowga Yurub oo loo sheegay in Doorashada Ururadu Dhacayso Sannadkan
June 3, 2022 - Written by wariye999

Hargeysa (Dhaymoole)- Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha Md. Maxamed Kaahin Axmed ayaa shalay xafiiskiisa ku qaabilay wefti ay hogaaminaysay Safiirka Midawga Yurub Ambassador Tiina Intelmann, ayna wehelinayeen Safiirka Dalka Sweden u fadhiya magaalada Nayroobi ee dalka Kenya Ambassador Per Lindgärd iyo La-taliyaha siyaasada ee Midowga Yurub Maria Groeneveld.

Kulanka oo Wasiir Kaahin ay ku wehelinayeen Wasiir Kuxigeenka Amniga Md. Cabdilaahi Xuseen Maxamed, Agaasimaha Guud ee Amniga Ibraahim Cali Ismaaciil iyo Lataliyaha Wasiirka ee dhinaca Xidhiidhka Hay’adda Siciid Yusuf Cabdi Siciid.

Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha Md. Maxamed ayaa u sheegay wefdiga in xasilooni iyo nabadgelyo buuxda (Ilaahay mahadii) ka jirto Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana sheegay in horumar balaadhan ka socdo dalka, taasoo saldhig u tahay wax-wada-qabsi iyo iskaashiga shacabka iyo xukuumadda.

Dhinaca kale, Wasiir Kaahin ayaa shaaca ka qaaday inay Somaliland sannadkan u diyaargaroobayso qabashada doorashada ururadda, oo furmi doona bisha June, maadama ay tahay sharci in tobankii sannadood mar la furo ururadda, sidoo kalena diyaar u tahay xukuumadu qabashada doorashooyinka ka dambeeya.

Qoraal Wasaaradda Arrimaha gudahu ka soo saartay kulanka ayaa lagu sheegay in Wefdiga midowga yurub ay dhinacooda Somaliland ku ammaaneen horuumarka iyo nabadgelyada ay ku tallaabsatay, isla markaana diyaar u yihiin inay Somaliland kala shaqeeyaan horumarka iyo nabada, kulankaasina isfaham ku soo dhamaaday.

COMMENTS
Latest News