dhaymoolenews.com
Waxa Aan Dhambaal Tacsi Tiiraanyo Leh U Dirayaa Qoysii iyo Qaraabadii Ay Ka Baxday haynaxariistii Marxuumad Amaal Cabdiraxmaan Cadaan
March 18, 2020 - Written by wariye999

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN (waxa aan halkan dhambaal tacsi ah uga dirayaa, qoyskii, qaraabadii,Eheladii iyo Asxaabtii ay ka baxday ILLAAHAY haynaxariistii Marxuumad Amaal Cabdiraxmaan Cadaani oo maalintii Isniintii ku geeriyootay Magaaladda Hargeysa

Hadii aan wax yar ka taabto shaqsiyadii wanaagsanayd ee Marxuumadaasi qof iyo wax qabadkeedii,runtii waxay ahayd shaqsiyad dabeecad  wanaagsan leh oo dad jecel isla markaana aad ugu fiican gargaarka Bili,aadanimo iyo caawimooyinka dadka danyarta ah

Sidoo kale waxay ahayd qof mar walba heegan u ah ka qayb qaadashada caawimada xaaladaha abaaraha iyo masiibooyinka kala duwan ee la soo darsa dalkeeda iyo dadkeedaba

Waxa kale oo ay marxuumadaasi dalka ka fulisay mashaariic ay ugu dhisaysay Masaajidyo iyo Madarasado dadka reer miyiga ah,iyo waliba iyada oo ceelal ay ka cabaan u qoday

Alle ha u naxariistee Waxaana  Marxuumadaasi lagu Aasay Xabaalaha Baqiic ee degaanka Xeedho waxaana ka soo qayb galay Aaska Marxuumadaasi dadwayne aad u tira badan Kuwaas oo  Dhammaantood ILLAAHAY uga baryayaa inuu Alle qabriga u nuuro, u waasiciyo ugana dhigo beer ka mid ah kuwa Janno  fardawsa,isla markaana RABI waafajiyo Xaqa samir iyo Iimaan Saadiqana ka siiyo qoyskii, qaraabadii,Eheladii iyo Asxaabtii ay ka baxday Marxuumadaasi . Aamiin

Dhaymoolenews.com Hargeysa

 

COMMENTS
Latest News