dhaymoolenews.com
Wasiirka Biyaha Somaliland oo Ceel-biyood ka Dhagax-dhigay Deegaanka Gol-jano Ee Gobolka Sool
March 15, 2020 - Written by wariye999

Goljano (Dhaymoole) Wasiirka wasaaradda horumarinta biyaha Somaliland mudane Maxamed Muuse Diiriye, oo maalmahanba hawlo shaqo u joogay gobolka Sool, ayaa Ceel-biyood ka dhagax dhigey deegaanka Gol-jano ee gobolka Sool.

Waxaa dhagax dhiga ceel biyoodkani soo dhaweeyey, bulshaweynta deegaanka Goljano, islamarkaana xukuumadda Somaliland ku amaanay waxqabadka muuqda ee ay sameysay mudadii ay jagada madaxtinimo ee dalka heysay.

COMMENTS
Latest News