dhaymoolenews.com
Wasiirada warfaafinta iyo arrimaha gudaha Raysal wasaaraha Soomaaliya ku tilmaamay shakhsi Musuq-maasuq badan
October 8, 2021 - Written by wariye999

Laascaanood (Dhaymoole)  – Wasiirada warfaafinta iyo arrimaha gudaha ee Somaliland, ayaa raysal wasaaraha Soomaaliya Maxammed Xuseen Rooble, ku tilmaamay shakhsi musuq-maasuq badan, waxayna sheegeen in musuqiisa  dartii hay’adda ILO ee Qaramada Midoobay Somaliland looga saaray.

Wasiirka warfaafinta Saleeban Yuusuf Cali Koore, ayaa Rooble ku eedeeyay in markii loo adkaysan kari waayay musuq-maasuqiisa ay xukuumadda Somaliland go’aansatay in la erido hay’adda ILO oo uu madax ka ahaa.

Wasiir Koore oo arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi.”Ninkaa raysal wasaaraha ahi wuxuu ka shaqaysan jiray Hargeysa, wuxuu u shaqayn jiray hay’ad la yidhaa ILO, wuxuu ahaa qofka ugu musuq-maasuqa badan oo bini-aadan soo mara, Maxammed Kaahin oo wasiirka arrimaha gudaha ah ayaa Hargeysa ka caydhiyay, markii loo adkaysan waayay musuqmaasuqiisii iyo wuxuu hay’adda ku hayay, maantana dad ayuu soo hor-fadhiisanaya oo uu wax u sheegayaa”

Koore ayaa dadka Soomaalida ku tilmaamay qaar habaar qaba haddiiba shakhsi Rooble oo kale ah ay madax ka dhigteen, wuxuuna tilmaamay in Rooble uu jeebka ku shubtay gar gaarkii Qaramada Midoobay ugu talo gashay shacbiga taagta daran ee Somaliland.

Waxaanu yidhi.”Waa qofka sababay in hay’adda ILO dalka laga saaro, sidii uu u samaynayay shilimadii dadka tabaalaysan ee reer Somaliland loogu soo talo galay, maantana wuxu ka hadlayaa amni, dadka Soomaalidu waa dad habaar ku dhacay, waayo kaas oo kale, ayaa masuuliyad u qabanaya oo usoo fadhiisanaya”

Wasiirka arrimaha gudaha Maxammed Kaahin Axmed oo madasha Koore ka hadlayay joogay, ayaa sheegay in uu isagu Rooble iyo hay’adda uu madaxda u ahaaba Somaliland ka eryay.

Wasiir Kaahin isaga oo arrintaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi.”Wasiir Koore waa runtii raysal wasaaraha Soomaaliya hay’ada ILO ee shaqaalaha adduunyada ka shaqaysa ayuu madax ka ahaa oo uu joogay, saddex wasaaradood ayaa la shaqaynayay, saddexdayadii wasiirba waxaanu is ku raacnay in nin kaasi aanu ahayn masuul, Qaran iyo umad u joogi kara, warqadiisiina aniga ayaa qoray”

Xukuumada Somaliland ayaa hay’adDa ILO oo hoostagta QM Somaliland ka saartay 10 bishii May ee sannadkii 2019, waxayna xukuumaddu ku eedaysay in hay’addu ay ku guuldaraysatay in ay la shaqayso wasaaraddaha ay howl wadaagta leeyihiin, howl gudasho la’aan iyo in ay soo jawaabi wayday markii loo sheegay cabashada laga qabo.

COMMENTS
Latest News