dhaymoolenews.com
Warbaa Jira Aan La Baahin, Waxbaa Jira Aan La Sheegin
September 12, 2019 - Written by wariye999

Warbaa Jira Aan La Baahin, Waxbaa Jira Aan La Sheegin

Mudo haatan laga joogo 28-Sannadood iyo waxoogaa war baa jiray aan la baahin, waxbaa jiray aan la sheegin, heeso ayaa jiray ay ka xishoon jireen baahintooda wariyayaasha ka hawl-gala barnaamijyada  Dalabaadka Heesaha warbaahinta Maqalka-Baahiyaha ee Radio Hargeysa, sababo jiray awgood.

Markii uu talada dalka la wareegay Madaxweynihii labaad ee Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, M.X.I. Eggal lagama baahin jirin warbaahinta Maqalka-Baahiyaha ee Radio Hargeysa, heestan tidhaahda, Waadigan’se liitee, leexadu ku sidatee hadba laan cugsanayee.

 

Markii uu ku guuleysatay hoggaaminta talada dalka Mudane, Daahir Rayaale Kaahin waxa jiray laba heesood oo aan laga baahin jirin warbaahinta Maqalka-Baahiyaha ee Radio Hargeysa, heesta tidhaahda, Daahir, aramadaadiidii waxay uurka jiifataba afka aan ka dhowraba ka adkeysan waayee, iyo heesta tidhaahda Xilkaanu kuu dhiibanee, Naf iyo dhimashaba lahaa.

Ka dib, markii uu ku guuleysatay hoggaaminta talada dalka Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa jiray sadex- heesood oo aan laga baahin jirin warbaahinta Maqalka-Baahiyaha ee Radio Hargeysa, heesta tidhaahda, Sumal yahow Darbani, naylaha duduuc, oo dacawadii dabada hunbulneyd yey kaa daldalan, heesta labaad ee tidhaahda, Nin agoon ku xaday qalin qaaxo kama fogaadee… iyo Heesta saddexaad ee tidhaahda, Siyaasadii dibadiyo, Dalkiyo tii tiil gudaha…..

Isla wakhtigan uu ku guuleysatay hoggaaminta talada dalka Mudane, Muuse Biixi Cabdi waxa jiray afar heesood oo aan laga baahin warbaahinta Maqalka-Baahiyaha ee Radio Hargeysa, heesta tidhaahda, korneyladii dhaartayow, dharaar yaable baad baxdeen, dhulkiinaad u hiiliseeneey dhurta, walaalayaal dhurtoo midhkaa dhacay ha guranina iyo heesta labaad ee tidhaahda.

Aduunbaan wax dhaadinee
Anba dhibaha jilaal
Xilliyadaan is dhalan rogey
Dhibta kaa illaashee
Dhaxanta iyo abaaraha
Kaa dhowrey adigoo
Dhito subag lo\’aadiyo
Ku cabsiiye dheydoo
Yey dhicin intaan lahaa
Dhugan waayey teydoo
Dheel-dheeli awgaa
Igu dhaafey maalmuhu

Igu dheeridaa ma dhul gaaxdey ba tahey
Mana soo dhawaatidee
Ma midaad u dhalataa, Ma midaad u dhalataa

Sidoo lay dhiijaan wali
Kugu dul dherersanahayoo
Aduun baan ku dhawraa
Dhanna kaama aadee

Dhillow yahan sidiisii
Intaan kugu dhaloollaa
Dhexda kugu duubnaa
Haddaan dhagaxa tuujo

Ammaa aan dhulkaba qodo
Dhirtaa ii magooshaa
Dheef noqon lahaydoo
Dhexda maan ka liiceen
Igu dheeridaa

Igu dheeridaa
Ma dhul gaaxdey ba tahey
Mana soo dhawaatidee
Ma midaad u dhalataa, Ma midaad u dhalataa

Dhabaduu u seexdaan
Dhibanaha iska qaadoo
Dhulka kaa jiraan ahay
Dhaxan tiyo dugaago

Anoo dheel arooryaad
Dharabtiisa igu taal
Dhab markaa u toostaad
Dheeraad igu fashaayoo

Dhaxal kayga uma helo
Sidaan kuugu dhiibtoo
Hadda dhimashadayda
Dhagartaada weeyoo

Igu dheeridaa
Ma dhul gaaxdey ba tahey
Mana soo dhawaatidee
Ma midaad u dhalataa, Ma midaad u dhalataa

 

Marka aynu ka nimaadno Xisbiga tallada dalka ahaya ee Nabada, Midnimada iyo Horumarka (KULMIYE) oo aaminsan afkaarta iyo mabaadii’da ku salaysan dimuqraadiyadda aan ka hor imanayn shareecada islaamka, kaasoo la aassaasay bishii May Sannadkii 2002-dii iyo Xisbiga CADAALADA IYO DARYEELKA ee (UCID) oo afka qalaadna loogu yeedho Justice and Welfare party (JWP) xisbigan siyaasiga ah oo aaminsanaa afkaarta iyo mabaadii’da ku salaysan dimuqraadiyadda ee aan ka hor imanayn shareecada islaamka, kaasoo la aassaassay 18-kii bishii Siddeedaad ee Sannadkii 2001-dii.

Ka dib, markii la aassaassay Xisbi siyaasadeedka WADDANI oo aaminsanaa afkaarta iyo mabaadii’da ku salaysan dimuqraadiyadda ee aan ka hor imanayn shareecada islaamka, Xisbigaas oo la aassaassay taariikhud markay ahayd 6-dii bishii 10-aad Sannadkii 2011-kii.

Mudadaasi waxa jiray heeso ay ka xishoon jireen baahintooda wariyayaasha ka hawl-gala barnaamijyada dalabaadka heesaha warbaahinta Maqalka-Baahiyaha ee Radio Hargeysa, heesta tidhaahda,

Waa loo dhashaa wadani
Mise waa la iska dhigi karaa wadani
Waa loo dhashaayee sideebaa
la iskaga dhigi karaa Wadani

Kuwii ku dhaantee
Gobonimada dhowra
Xilka dhabarka saaray
Kuwa dhuuni raaca
Dhadhamo raaca
Haddana is dhuuba
Sideebaa dhakhso loogu kala gartaa

Waa loo dhashaa wadani
Mise waa la iska dhigi karaa wadani
Waa loo dhashaayee sideebaa
la iskaga dhigi karaa Wadani

Ruuxii dhulkiisaa u dhaarsanaayee
ee u soo dhibtooda, u soo dhibtooda
Ee dhaqaalihiisaa iyo dhaxal galkiisaa
Waligii dhisaayee dheeliga u diidoo
Dhidiba u adkeeya Iyo kii dhankiisaa
Guryaha dhexdeena ku dhuumanaaya
Waa dhowr wajiilaha
Waa dhunkaal qudhqudhiya
Waa dhiig ku naaxaha
Ay dhimashadiisuu
Noloshiisu dhaantoo
Labadaba Dhulkaa og
Dhirtaa og, Dhagaxaa og
Dhoobadiyo ciidaa og
Dharkeysitaan iyo dhuunigay cunaan

 

Haddaba dhibic ka mid ah sheekadan waxaan u dhaafayaa dadweynaha illa wadaaga baraha bulshada Afartaa heesood ee hadhay waa kuwee?

Qoraa: Maxamed Faarax Qoti

COMMENTS
Latest News