dhaymoolenews.com
Wafti xaqiiqa raadisa oo booqday suuqa Waaheen
April 18, 2022 - Written by wariye999

Hargeysa (Dhaymoole) Wafti balaadhan oo ka socday Qaramada Midoobay ayaa maanta booqasho indha indheyn ah ku tagay suuqii gubtay ee Waaheen.

Waftigan ayaa waxaa Suuqa ku soo dhaweeyay maayar ku xigeenka caasimadda Hargaysa, xoghayaha fulinta dawladda hoose, qaar ka mid ah mudanayaasha golaha deegaanka Hargeysa.

Waftigan ayaa Sharaxaad kooban laga siiyay dhibaatadii ka dhacday Suuqa Waheen.

Maaha wefti koobaad ee sidan oo kale ugy kuurgala, xaalada suuqa Waaheen, balse waxa jiray wuufud kala duwan oo hore suuqan u booqday.

COMMENTS
Latest News