dhaymoolenews.com
Ururka Solja Oo Xukuumada Ku Cambaareeyey Talaaboyinka Sharciga Ka Hor Imanaya Ee Ay Hay’addaha Warbaahinta Ku Xidhayso
September 6, 2019 - Written by wariye999

Hargeysa(dhaymoole):-Ururka suxufiyiinta somaliland ee Solja ayaa si adag uga hadlay talaabooyinka ay xukuumadu ku xidhayso hay’addaha warbaahineed ee dalka ka hawl gala.

gudoomiyaha ururka suxufiyiinta somaliland ee Solja Maxamuud Cabdi Jaamac Xuuto oo goor dhawayd soo saaray warsaxaafadeed ayaa ka hadlay talaabadii ugu dambaysay ee ay xukuumada caawa ku xidhay xarunta telefishanka Horyaal24 ee magaalada Hargeysa.
warsaxaafadeedka uu soo saaray gudoomiyaha Solja oo Hadhwanaagnews soo gaadhay ayaa u dhignaa sidan:-

Ururka Suxufiyiinta Somaliland isagoo ka duulaya Dastuurka Qaranka Somaliland, Xeerka Saxaafadda iyo Dastuurka SOLJA marnaba ma taageerayo wax kasta oo wax u dhimaya shareecada islaamka iyo Dhaqanka suuban ee reer Somaliland.

Ururka SOLJA, waxa uu si adag uga hawl-galay joojinta barnaamijkii telefishanka Horyaal sii daayay xayaysiiskii uu hordhaca uga dhigay, kaasoo ay bulshada reer Somaliland u aragtay mid xad-gudub ku ahaa Haweenka Somaliland.
Sidoo kale, ururka waxa uu maanulka Telefishanka ka dalbaday in uu raaligalin ka bixiyo barnaanijkaasi maadaama xeerka Saxaafadda Somaliland ku waajibinayo warbaahinta Somaliland wixii khalad ah ee ka dhaca inay ka garaabaan oo saxaan.
Ururka SOLJA, waxa kala shaqeeyay hay’addaha Qaranka ee dhacdadani khusayso sida Diinta iyo Aw-qaafta iyo Booliiskaba sidii loo soo af-jari lahaa arrintan ee cida ay khusayso looga xisaabtami lahaa.
Hase yeeshee, waxa aanu ururku SOLJA marnaba Aqbali karin in Hay’ad warbaahineed Xukuumaddu iska xidho iyadoon laga Garsoorin dhacdada lagu eedaynayo warbaahintaasi oo aanu xukun kama danbays ahi ka soo bixin.
SOLJA, waxay mar walba u maraysaa difaaca suxufiyiinta iyo hay’addaha warbaahinta nimaadka sharciga ah iyo talaabo kasta oo loo arko in lagu xalin karo gefka laga tirsanayo suxufiyiinta iyo hay’addaha warbaahinta.
Ururka SOLJA, waxa uu xukuumadda kula talinayaa in ay ka dheeraato talaabo kasta oo ay u qaado nidaam aan sharci ahayn, isla markaana ku fuliso awood aan waafaqsanayn sharciga dalka u yaala.
SOLJA, waxay hay’addaha warbaahinta iyo suxufiyiinta ka hawl gala ba ugu baaqaysaa inay ka fogaadaan wax kasta oo wax u dhimaya sharafta, karaamada iyo wadajirka bulshada reer Somaliland, si aanay ugu mutaysan ciqaabta ka dhalan karta dhibaatada ay baahintoodu samayso.
Maxamuud Cabdi Jaamac
Guddoomiyaha SOLJA

 

COMMENTS
Latest News