dhaymoolenews.com
Ururka Dhakhaatiirta Somaliland Oo Shirweynahoodii 7aad Ku Doortay Hogaan Cusub
August 31, 2019 - Written by wariye999

Hargeysa(dhaymoole):-Ururka dhakhaatiirta somaliland ayaa shirkii 7aad ee ay yeeshaan ku doortay gudoomiye cusub oo labada sanadood ee soo socda hogaamin doona ururkaasi.

Shirka 7aad ee dhakhaatiirta somaliland oo laba cisho uga socday magaalada Hargeysa ergooyin ka socday dhakhaatiirta somaliland ayaa lagu soo gaba gabeeyey in lagu doorto gudoomiyaha ururkaasi hogaamin doono labada sanadood ee soo socda.

Gaba gabada shirka ayaa ergooyinkii ka qayb galay waxay gudoomiyaha ururka u doorteen Dr Maxamed Muuse Xasan, halka gudoomiye ku xigeenka ururkaasna loo doortay Dr Mustafe Jaamac Barkhadle.

COMMENTS
Latest News