dhaymoolenews.com
Tafsiirka Qur’aanka Kariimka ah ‘Suuratul Faatixa’ Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir
May 3, 2022 - Written by wariye999

Hargeysa (Dhaymoole) Dariskani waxa uu ka bilaabmaya ‘Suuratul Faatixa’, magacyo dhawra ayay leedahay, ILLAAHEYNA Kitaabka ayuu ku ikraamay, Umul Kitaabna waala yidhaah, Kitaabka Qur’aanka hooyaddi, oo Kitaabka Qur’aanka ahi waxa uu sida faahfaahsan uga hadlo ayay iyadu soo koobtay.

Qaybi waxa ay ka hadlaysa Qur’aanka ILLAAHEY tawxiidkiisa, iyo sifooyinkiisa iyo ammaanta wanaagsan ee uu leeyahay, qaybina waxa ay ka hadlaysa dadka wanaagsan ee saalixiinta ah, ee Qur’aanka ayay qaybi si faahfaahsan uga hadasha iyaduna way soo koobtay, qayb ka mid ahina waxa ay ka hadlaysa dadka liita ee guuldaradu ku dhacday, iyagana way iinshaaraysa.

Waxyaabaha Qur’aanku hadlo ee uu faahfaahiyo si guud ayay u tilmaantay, Alxamdulilaahna waala yidhaahda,  oo waata ALLE ku bilaabay Alxamdulilaahi Rabil caalamiin.

Waxa kale oo lagu magacaaba Suurada caafimaadka qofka xannuunku hayo ayaa lagu akhriyaa, sida ka sugan asxaabtii Nebiga Ridwaanulaahi Caley, qofkay ku akhriyaana ILLAAHEY ayaa caafiya.

Halkan kaga boggo

COMMENTS
Latest News