dhaymoolenews.com
Somaliland Oo Bandhigtay Maado Cusub Oo Lagu Darayo Man-hajka Waxbarasho Ee Ilaa Heer Jaamacadeed.
September 2, 2019 - Written by wariye999

Hargeysa(dhaymoole):-Xukuumada somaliland ayaa shaaca ka qaaday in manhajka waxbarashada ee dalka lagu darayo barashada dastuurka.

Wasiirka xidhiidhka goleyaasha iyo arimaha dastuurka Maxamed Xaaji Aadan Cilmi oo hortagay guddida joogtada ah ee golaha guurtida somaliland ayaa sheegay in xukuumadu ay manhajka waxbarasho ee dalka ku darayso barashada dastuurka.

Wasiir Maxamed Xaaji Aadan Cilmi oo ka hadlaya arintaasi ayaa waxa uu yidhi “In barashada dastuurka lagu daro manhajka waxbarashada somaliland oo sida aynu ognahay qaran kasta oo aduunka ka jira wadaniyadiisu waxay ku kortaa in waxbarashada ay ardaydu ku soo barato dastuurka iyo wadaniyada ilaa heer jaamacadeed taas oo inaga maqnayd iyada oo aynu isku canaano dhinaca wadaniyada.”

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa soo bandhigay ilaa heerka waxbarasho ee lagu darayo barashada dastuurka dalka ayaa waxa uu yidhi “Dhamaystirka dejinta manhajka wadaniyada oo lagu baranayo dastuurku waxay ka mid noqonaysaa waxyaabaha ugu waa weyn ee dalkani ku talaabsaday maadaama oo dastuurkiisii iyo barashada wadaniyada uu ku daray manhajka waxbarasho ee ilaa heer jaamacadeed taas oo aanu doonayno inay dhamaystiranto inta ka horaysa bisha December.”

COMMENTS
Latest News