dhaymoolenews.com
Siduu kuyimi KURSIGA Maayarnimo Mr Abdishakur Mohamoud Hassan (Cidin) Waa Su,aal Taagan?!‏
January 16, 2016 - Written by wariye999

Waxay timi mooraal jabkii ugu waynaa markii ay is casileen wasiiradii ugu badnaa dawlada oo uu hormuud ka yahay ninkii uu Shakuur u yaqaanay Madaxwaynaha
Waxaanu si guud mar ah idiinku soo gudbin doonaa xog baahsan kuna saabsan Maayorka Degmada Berbera waana qormo xiiso badan waxaana ka arki doontaa dhacdo in badan oo xiiso leh

Siduu kuyimi KURSIGA Mr Abdishakur Mohamoud Hassan (Cidin) Waa Su,aal Taagan?!

wuxuu bilaabay damaciisa gaar ka ah horaantii 2000 waxaanu ka bilaabmay damaciisa ama u ahaa TARGET inuu maruun berbera ka noqdo MASUUL kamida dadka TALADA berbera wax laga waydiiyo waxaanu go,aansaday inuu beesha uu kasoo jeedo uu ka dhex bilaabo olole uu ku KASBANAYO odayaasha & dhalinyarada isagoo usheegaya ama odhanaya hadii maruun ay timaado doorasho aniga halay siiyo Kursigaas reerka wakhtiga ay doonto ha gaadhee ama ha noqotee waxaana usuuragalay inuu dad badan QULUUBTOODA hantiyo oo ay ubadanyihiin ODAYAASHA sidoo kale waxaa dhinac socday

damaciisa doonista MANSABKA inuu ku dedaalo inuu GUNEEYO ama qayilsiiyo odayaasha AFMAALKA ah ee MISAGE-ka loogu dhiibo bulshada kuwaasoo usheega dadka aan xogta hayn laakiin laga doonayo maalinta ay gaadho inay bixiyaan CODKA waxaana bari & galbeed isgaadhay in layidhaahdo ninkaas ayaynu dooranaynaa XUBINTEENA maalinta ay timaado waxaana lasoo gaadhay DOORASHADII 2aad ee Golaha Deegaanka (Waxaan halkaas kudhaafayaa oo aan dib idiinka soo gudbin doonaa dhacdooyin xusuus leh oo wakhtigaas uu kujiray Raadinta Quluubta Dadka uu sameeyay oo Iyana mahadho noqday balse aan ugudbo doorashadan 2aad ee kadhacday Berbera)

Waxaa lasoo gaadhay dhamaadkii sanadkii 2012 oo ay joogtay ama lagaadhay doorashii 2aad ee Golayaasha Deegaanka Dalka, waxaana la bilaabay shirar googoos ah oo beel kastaa gooni uyeelanaysay si looga arinsado ninka lagaynayo Golaha Deegaanka wakhtigaas wuxuu nasiib uhelay inuu noqdo Ninka Keliya ee reerkiisu isku raaceen in ISAGA uun loo aqoonsado ninka xildhibaanka metela reerka, halkaas markay marayso oo uu yahay ninka keliya ee laysku raaacay ayuu sameeyay inuu markiiba ka talo goosto reerka oo uu iska Diiwaangeliyo Xisbiga Wadani, balse intii aan la shaacin Xubnaha Umetelaya URURADA Xildhibaanada ayaa waxaa soo baxay in uu yimaado Musharax Jamal Ali Huseein Oo ah Musharaxa Madaxwayne Ee Ururka/Xisbiga UCID iyadoo ay isku beel hoose (ARDAA) kasoo wada jeedaan Shakur waxaanu Jamaal yimi Berbera si uu ula soo tashado dadkiisa una soo xusho Xubnaha uu kaqaadanayo Berbera, isagoo hayay Dareenka Odhanaya Reerkaagii ninkaas ayay isku raaceen inuu umetelo Xildhibaan balse aan lasocon inuu yahay WADANI laakiin isku qanciyay adoo doonayo Madaxwayne inaadeerkaa ma meel kaluu marayaa waa MAYA

KULANKII 1AAD EE JAMAAL & SHAKUUR
waxay ahayd Maalina ISNIIN ah oo SALAASI soo gelasyo Bisha October tahay 01 Sanadkuna yahay 2012 markii uu Jamal Ali Hussein & Wefti lasocday ay yimaadeen Magaalada Berbera iyagoo usocda Xulashada xubnaha Ururkooda (UCID) uga qayb gelaya tartanka doorashada waxaana lasocday oo weheliyay Jamaal xubno dhawra oo beelaha degan Saaxil kala metelaya waxaana wakhtigaas ka mid ahaa ragaas lasocday Alle How Naxariistee Anwar Mohamed Egeh, waan inta aan kasii xasuusto, waxaana loo sheegay Jamaal inuu ninkaas beeshiisu (RAASKIISU) soo xulay uu yahay Wadani, waanu uqaadan waayay, waxaana lagu kulansiiyay Goob kamida Berbera isla habeenkiiba iyadoo ay isu keeneen Odayaal Dhalinyaro Reerka ay kasoo jeedaan ah waxaana bilaabmay hadalkii
GARNAQSIGII JAMAAL + GARAWSHIYIHII ODAYAASHA + GALIILYADII C/SHAKUUR wuxuu ku dooday Jamal Ali Sidan:
waaryaadhaheen maanta waxaan ahay Musharax madaxwayne ninkanina wuxuu doonayaa Xubin Golaha Deegaanka ah isku reerna waanu nahay, waxaana aad isla garateen in uu noqdo ninka keliya ee umetelaya reerka golaha deegaanka, markay sidaas tahay waxaad kala doorataan anoo madaxwayne doonaaya & ninkaas xubinta golaha deegaanka ah doonaaya, waxaanay ODAYAASHII/DHALINTII ku tiraabeen Madaxwaynaha wuxuu raaciyay Jamal Hadalkiisii hadaba marka ninkaasi doonaayo inuu xisbi kale galo ana aan Xisbi leeyahay siday usuuragelaysaa? Waxaana laysla qaatay in Shakuur uu kasoo baxo xisbigaas Wadani kuna soo wareego Xisbigan Jamaal ee UCID, waxaanu bilaabay Sakuur meeraysi & inuu yidhaahdo xisbibaa I aaminay oo aan u ahay masuulka 1aad ee aan war geliyo waa Shakuure isla markaas ayuu Jamaal ku hanjebay inuu Xisbigiisa ka sharaxayo 3-nin oo beeshiisa/reerkiisa ah si ay ula hadhaan Shakuur xisbigiisana ay ugu keenaan COD buuran, markaas ayuu quustay Shakur ogaadayna halka xaal maraayo waxaau ogolaaday amarkii Odayaasha & Jamaal iskastoo ay ku noqotay LAF DHUUN-GASHAY oo uu waayay dhan uu kadhaafo waxaanu dhawr jeer isku deyay inuu ku tiraabo waaban iska daynayaa Musharaxnimada Golaha Deegaanka balse wuu is qabtay hadana waa la tolay oo ay oloshay

Waxaa bilaabmay Ololihii Ururada waxaana muuqday Shakuur oo Hulaaban CALANKA & ASTAANKA Xisbiga UCID isla markaana Baabuurtiisa waxaa lagu xardhay Sawirada Jamal Ali Hussein sidoo kale wuxuu Jamaal isla dhinac taagay Hiil & Hooba isaga u gaar ah maadaama reerkiisii (Raaskiisii) ninkaas kuwada socdaan waxaanu noqday Shakur ninka ugu cad-cad maalmaha Ururkiisu ololaynayo xaga xildhibaanada Maciisa ah marka laga reerbo mid ama laba xildhibaan waxaanu noqday XUBINTA keliya ee tuulooyinka aad loogu arko Sawiradiisa waxaana lagaadhay dhamaadkii olaha & codayntii doorashada waxaanu noqday xubinta ugu codka badan xubnihii soo baxay, waxaana lasoo gaadhay wakhtigii la dooranaayay Mayor ka Berbera oo ahayd 20-kii December Sanadkii 2012 waxaana si Xamaasadaysan loogu doortay C/shakur Cidin iyadoo lawada ogaa qaabkii loo doortay oo ahaa mid beelaysan oo QUDH & QABIIL lagu doortay waxaanau la wareegay Kursi NADIIF ah oo aan lagu lahayn wax Dayna iyadoo nasiibkiisu siiyay Kursigaas wakhtigu uu ahaa sanad dhamaaday & mid cusub waxaanu la wareegay Miisaaniyada Cusub oo bilow ah Xafiis aan Dayni oolin & shaqaale howl kar ah oo Khimrad huwan waxaanu kursiga Mayor nimo kala wareegay Mr Abdale Mohamed Ali (san-deere) oo ahaa masuul lagu yaqaanay cadaalad, sinaanso, dulqaad, waaya araganimo & Etc

BILOWGII SHAQADA wuxuu ku bilaabay shqadada dardar & xowli xoogan isagoo ku dedaalayay inuu wax qabto balse nasiib daro wuxuu waayay ama uu ka madhnaa xaga aqoonta Maadiga ah taasoo ka caawin lahayd howlaha baaxada leh ee loo doortay sidoo kalena wuxuu ka mdhanyahay xaga talada wanaagsan & inuu cid la SHARE gareeyo howshan balaadhan ee uu ku yahay UGUBKA, waxaana markiiba soo baxay dhaliilo xoogan oo dhanka shaqada & xidhiidhkii bulshada & dawlada dhexe waxaanu bilaabay Mayor Shakur inuu xidhiidh la sameeyo qaar kamida Masuuliyiinta dawlada oo uu kow kayahay Wasiirkii hore Ee Madaxtooyada Mr Xirsi isagoo guud ahaanba dafiray xisbigii uu kasoo baxay isla markaana marka uu Jamal safarada kuyimaado magaalada berbera ula dhaqma si foolxun isla markaana qofkii salaama yidhaahda waan kaa eryayaa shaqada, waxaana isku aragti ka noqday Odayaashii & Beeshii kursiga saartay Guud ahaanba waxaana lawaayay qof kaliya oo ka mahad sheegta ama uu abaalkiisii 1% ka guday ama uba ogyaay CAJIIB!! Intaas kadib iyadoo uu badanyahay TUHUNKA & DAREENKA laga qabo Mayor shakur ee aan laga filayn ayuu si cad ubadheedhay waxaana Xaflad ILYARTU is qabatay loogu qabtay Berberaa Maansoor Hotel 20 September 2014 xafladaas oo loogu wanqalay Kubiirista KULMIYE ee mayor shakur & xildhibaan C/rashiid taasaana noqotay mid aan cidina filayn qof kastana ku noqotay ANFARIIR waxaana sii yaraaday kalsoonidii & taareegaradii loo hayay Shakur waxaana ka dareeray oo cidla kaga wada tegay dhamaan beeshiisii guud ahaanba waxaanay arkeen inuu yahay nin kamadhan wixii laga filaayay ama lagu doortay waxaana mid mid uga siibtay xubnihii uu kalsoonida badan ku qabay ee golihiisa ahaa waxaanu bilaabay inuu kelidii maroorsado taladii Guud ahaanba degmada & golaha isla markaana uu ku tunto xeerkii golaha sidoo kale wuxuu guud ahaanba meesha ka saaray shaqaalihii asaasay D/hoose ee aqoonta u lahaa waxaana muuqatay dhibta & carqalada aqoon la,aaneed ee ku baahday maamulkii D/hoose waxaana ka baydhay oo kasoo hor jeestay miisaakii golaha deegaanka intii ugu aqoonta badnayd waxaanay usheegeen inaanay sii eegan Karin qaabkan uu wax uwado waxaanay ku noqotay AFKALA QAAD & UQAADAN WAA waxaanu ku dhex dhacay odayaashii & bulshadii dalka balse dabada ayaa loosoo jeediyay ilayn isagaa markii hore ninba meel kaga tegaye waxaanu quus iska taagay golihiiisii Maxaa Dhacay Hadaba

IS CASILAADII WASIIRADA + CABSIDII SHAKUUR + CARARKII MALXIISKA
Waxay timi mooraal jabkii ugu waynaa markii ay is casileen wasiiradii ugu badnaa dawlada oo uu hormuud ka yahay ninkii uu Shakuur u yaqaanay Madaxwaynaha dalka ee uu isku halaynayay waa Xirsi,ye waxaana soo food saartay rajo-xumadii ugu waynayd, waxaanu bilaabay inuu u cararo Hargeisa si uu WASTO ugu helo ninka lagu bedely Xirsi & Muuse Biixi oo hogaanka Kulmiye ah isagoo halkaasna kala kulmay WEJI GABAX isagoo Marwada Qaranka ugu tegay Madaxtooyada kana qayb galay Xaflad URURKA SODRA shahaadooyinku kusiinay qaar kamida masuuliyiinta dalka waxaanu lasoo galay SAWIR Marwada isagoo sheegay In lasiiyay Shaaado sharaf iyadoo lasoo xaqiijiyay in muuqaalka sawirkaas & Shahaado Beenaadaas uu kubixiyay Lacag badan si baalmarsan owsii socotayna loogu daray Munaasibadaas balse waxaa lasoo seegay in Marwadu kutidhi EEDO howlaa golaha ma dhexgeli karaayo Ee iska tag oo golahaaga Ururso balse waxuu weli ku meeraysanayaa Hargeisa & labadaas nin isagoo dhaqaale xoogana ku bixiyay oo AMAAH ah qabashadii Shirka Golaha Dhexe Ee kulmiye balse weli kama hayo wax natiijo ah, isagoo dhinac LUUDAYA ninka saaxiibkiisa gaarka ah uu uyaqaano balse ah nin nooc kale u shaqeeya dhawaana loo bixiyay magac cusub oo ah MALXIISKA ahna xildhibaan ka tirsan golaha deegaanka waa C/rashiid Mohamed Xaaji Yuusuf kaasoo masuuliyiinta uu lakulmo Mayor Shakuur ee uu HIILKA ka doonayo kaga dambeeya  kunayidhaahda waar ninkani waa nin waalane anaa meesha kala wareegaya ee ila shaqeeya waana astaamo UGUB ah oo aan hore loo arag, kana mida ASTAAMA munaafaqiinta ee layidhi ka dheeraada  si kastaba ha ahaatee waxaa hada lasugaaa ayaamahan in Mooshin ay keenaan Golaha deegaanku aan CAADI ahayn oo xilka lagaga qaadayo Shakuur waana mid ay balan ku qaadeen miisaanka Xildhibaanada goluhu oo ay hormuud ka yihiin ilaa 13-xildhibaan oo kuwii ugu cuslaa ah waxaana dul hoganaya Shakuur dhaliilo kala duwan & werwer xoogan oo dhinacyo badan leh sida daynta lagu leeyahay oo xad-dhaaf ah + dhulkii oo laysku wada haysto + golihii oo kawada baydhay + godob badheedh ah oo uu galay + xajiinta uu ka tegi doono + Lacagta sharci darada ah ee uu galay + Mashaariicda aan la marin sharciyada Ee uu bixiyay + Miisaaniydii Sanadka 2016 oo aanu weli gudbin kuna taagan & Etc  Waxaanaanu si xatane ah idiinku soo bandhigi doonaa qodobadaas oo faah faahsan xaqiiqna ah watana dhamaan cadaymihii markhaatiyeed ee dhabta ahaaaaa
LASOCO QAYBAHA DAMBE
Cabdirashiid Saleebaan
Freelance Journalisam
Sankabari@gmail.com

COMMENTS
Latest News