dhaymoolenews.com
Shirkii Wadatashiga Somalia Oo Ka Furmay Kismaayo
January 14, 2016 - Written by wariye999

Kismaayo  (Dhaymoole) Waxa maanta magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose ka furmay , Shirka Wada-tashiga Qaran oo ah mid lagaga tashanayo qaabka doorasho ee Soomaaliya ka dhacaysa sannadkan 2016-ka dhammaadkiisa

 

Furitaankii shirka ayaa waxa ka hadlay Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhammaan Madaxweynayaash maamul-goboleedyada Somalia, iyagoo hadalladooda ay u badnaayeen kuwo mahad-celin ah.

 

Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh ayaa sheegay in sihrkan uu yahay mid Soomaalidu ay isugu timid; ayna uga tashanayaan aayaha dalkooda, wuxuuna ku daray intaas in shirkan uu yahay guul u soo hayatay Soomaaliya.

 

“Shirkaan waxaa iska leh Soomaali, waxaana uu furmay maanta iyadoo aysan ku sugnayd madasha wax ajaanib ah, taasoo guul weyn u ah Soomaalida, waxaana rajo ka muujiyaa in ay shirkan kasoo bixi doonaan qodobbo loo aayo.” ayuu yidhi Madaxweyne Xasan  Sheekh oo hadal ka jeediyay furitaanka shirka.

Waxa kaloo furitaanka shirkaan ka hadlay Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo sheegay in shirkan looga tashan doono aayaha Somalia iyo doorashooyinka dalka ka dhici doona.

 

Geesta kale, waxaa hadlay madaxweynayaasha maamullada Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Puntland oo dhamaantood sheegay in shirkan ay ku go’aaminayaan doorashada dalka ka dhici doonta sannadka 2016-ka.

 

Ugu dambayn furitaanka shirka kaddib ayaa waxaa lagu wadaa inmas’uuliyiinta ka qayb-galaysa ay kulammo gooni-gooni ah ku yeeshaan guriga martida Kismaayo; kulammadaas oo aanay goobjoog ka noqon doonin saxaafadda.

 

Dhaymoole news.

COMMENTS
Latest News