dhaymoolenews.com
Saylac: Go’aamo Laga soo Saaray Nabadayntii Beelaha Degmadda Gargaara Bari ee Gobolka Selel
November 3, 2019 - Written by wariye999

Saylac (Dhaymoole): Guddigii nabadaynta ee dhex dhexaadinayay laba beelood oo dhawaan shaqaaqo ku dhex martay degaanka degmadda Gar-gaara Bari ee gobolka Selel ayaa shalay go’aamo ka soo saaray xalinta arrintaasi.

Iyadoo shirar iyo kulamo lagu xalinayo shaqaaqadda beelahaasi ay maalmahanba ku hawlanaayeen xubno wasiirro ah oo uu hogaaminayay wasiirka wasaaradda khayraadka Biyaha Somaliland Saleebaan Cali Koore. Waxaa guddigaasi xubno ka ahaa wasiirrada wasaarradaha Beeraha, Gaashaandhiga, Caafimaadka, wasiir ku-xigeenka arrimaha gudaha, badhasaabka gobolka Selel iyo maayarka Saylac.

Labadan beelood ayaa bishii hore ku diriray dhul beereed ku yaalla degmadda Gar-gaarra Bari ee gobolka Selel, halkaas oo ay dhawr qof kaga kala dhinteen labadda dhinac qaar kale-na ku dhaawacmeen.

Waxaanay guddigan ka socday xukuumadu ay isa soo hor fadhiisiyiin, isla markaana ay kulamo la yeesheen madax dhaqameedka iyo waxgaradka labadda beelood ee shaqaaqadu dhex martay.

Wasiirka wasaaradda khayraadka biyaha Somaliland Saleebaan Cali Koore, ayaa halkaas ka akhriyay go’aamadda laga soo saaray xalinta muranka u dhexeeyay labadda beelood.

Waxaanu yidhi “Waxaanu go’aaminay sidan: in dhulka cabirkiisu yahay 1600 ee Mitir, in loo qaybiyo labadda beelood, ee ba Ada-raxmaan iyo Bahar Muuse. Iyadoo beesha Bahar Muuse ay beeran doonto 1 KM iyo 100 Mitir, oo ah 1100 Mitir.

In beesha ba Ada-raxmaan, ay beerato 500 oo Mitir, loogu-na darro 200 oo Mitir oo fidin ah. Taasoo macnaheedu yahay 700 oo Mitir.

In goobta Maqaamku ku yaallo ay guddigu u aqoonsadeen dhul-daaqsin iyo meel lagu qabsado Siyaarradaa iyo dhul kayd ah, oo aan sinaba loo beerayn karin.

Ceelka la qoday dhulka Galbeedka ka xigaa, waa beer. In aan sinaba loo beeran karin jihadda Galbeedka Qabri Baxar, oo ah qaybta ay xooluhu kaga soo Arroorayaan Gar-gaara Bari. Maadaama ay ka soo Arrooraan xooluhu, degaanku-na yahay degaan Kulul.

In aan wax beer ah cidi ku samayn karin degaamadaasi, iyadoo aanay ogolaanshiyo laga helin wasaaradda beeraha”.

Sidoo kale odayaasha labadda beelood ee saxeexay go’aamadaasi ayaa la faray in ay adkeeyaan nabadgeliyadda iyo wada noolaanshiyaha bulshadda, isla markaana ay u fuliyaan go’aamadda guddiga nabadaynta oo ah go’aan dawladeed.

“Hadaba waxaa la farayaa, odayaasha labadda beelood ee magacyadoodu kor ku xusan yihiin, in ay adkeeyaan nabadgeliyadda, wada noolaanshiyaha bulshadda walaalaha ah, isla markaana ay sidaa u fuliyaan go’aamadda guddiga nabadaynta, oo ah go’aan dawladeed.

Waxaa la farayaa dhamaanba masuuliyiinta go’aankani sida tooska ah ugu socdo, in ay fuliyaan go’aankaa. Sidoo kale-na tallaabo ka qaadaan cid alla cidii ka hor timaadda”ayuu yidhi wasiirka biyaha Somaliland.

Geesta kale Saleebaan Cali Koore, waxa kaloo uu halkaa ka akhriyay magacyadda odayaasha labadda beelood ee go’aankaasi saxeexay, waxaanu yidhi “Odayaasha beesha Bahar-Muuse, waxaa saxeexay Jiif caaqil Muuse Ceelaabe Abaar, Xuseen Cabdi, Xasan Cabdi Rayaale, Cali Faarax Xoosh, Ducaale Isir Abrraar iyo Ismaaciil Axmed Samaale.

Odayaasha beesha ba Ada-raxmaan waxaa saxeexay, Jiif caaqil Cilmi Maxamed Warsame, Caawiye Aw Faarax Bulaale, Rooble Yuusuf Barre, Siciid Xasan Aarayte iyo Godane Xasan Qawdhan”.

Dhinaca kale qaar ka mid ahaa odayaasha iyo madax dhaqameedka labadda beelood ee la dhex dhexaadinayay ayaa iyag-na halkaas ka sheegay in ay u hogaansamayaan go’aamadaasi, isla markaana ku qanacsan yihiin soona dhawaynayaan.

Iyagoo arrimahaas ka hadlayayna waxay yidhaahdeen, “Anagu amarka waanu qaadanay, waanan fulinaynaa, sideedda ayaanan u qaadanay”.

“Arrinkaa ay gaadhay dawladu, wasiirrada iyo intii la hogaaminaysay iyo siday u dhigeen, waan ku qanacsan nahay, haddii aanu nahay beesha ba Ada-raxmaan. Waanan saxeexnay, waanan waadanay”.

“Duuduub ayaan ku qaadanay, kol haddii la wadaajiyay, oo Fandhaalka gacanta wada geliya la yidhi, hareerahana ka fadhiista. Aad iyo aad ayaan idiinku mahad naqayaa”.

“Haddii aanay dawladi jirin, madaxi ma jirto. Anagu-na marag baan ka nahay, guddidii halkan murmaysayna waanu ahayn. Waanan ku qanacsan nahay”.

COMMENTS
Latest News