dhaymoolenews.com
Raysal Wasaaraha Somaliya Oo Muqdisho Ku Laabtay Muqdisho
August 3, 2019 - Written by wariye999

Muqdisho (dhaymoole) Raysal Wasaaraha Somaliya Xasan Cali Khayre iyo Wafdi uu hogaaminayo

oo mudo bil iyo badh ah ugu maqnaa deegaano ka tirsan maamul Goboleedka Galmudug ayaa maanta dib ugu noqday magaalada Muqdisho ee caasimada Somaliya.

 

Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ku soo dhaweeyay xubno ka tirsan Golihiisa Wasiirada iyo Xildhibaano ka tirsan labada gole.

 

Mudadii uu ku maqnaa Raysal Wasaaruhu deegaano ka tirsan Galmudug ayaa waxa uu booqday magaalooyin dhowr ah oo ka tirsan maamulkaas.

Ujeedada booqashada ra’iisul wasaare Kheyre ee Galmudug ayaa ahayd sidii loo qaban lahaa shir dib u heshiisiin ah iyo doorashada madaxweynaha Galmudug.

Intii uu joogay raysal wasaaruhu Galmudug ayaa waxaa uu ku guulaystay in heshiisyo ay la gaadho dawlada Somaliya ururka Ahlu Sunna, heshiiskaasi oo sababay in ciidamada Ahlu Sunna ku biiraan ciidamada dawlada Somaliya

COMMENTS
Latest News