dhaymoolenews.com
Qaar kamida Suugaantii Cabdi Aadan Xaad (cabdi qays)
January 17, 2016 - Written by wariye999

ADUUN WAA GABAABSI
Aduun waa gabaabsiye
Bal aan kuu garsheegtee
Waxaan ahay galgalashiyo
Gawdiidsi mooyee
Hurdo nimay ka guurtee

Hadaad geesi tahay
Cadawgaaga guutoo
Kuu go’an ma waydide

Hadaad guunyo leedahay
Caydh lagu gaboobiyo
Gol-nugu ma waydide

Adna gacaladaydaay
Nacab ii guntadaybaad
Hanti ugu garawdoo
Gaagixisay cadhadaan
U soo qaatay gorofkoo
Godolkii ka waayee

Waa garasho naagood
Waa garasho naagood

Geedigaan ku baaqaad
Gurac ugu horseedoo
Markaan guri yagleeloba
Adaa gees banneeyee

Waa garasho naagood
Waa garasho naagood

Markaan guur idhaahdee
Awrka gibisha saaree
Guri doogle geeyaba
Adaa gees ka dhaafee

Markaan gooyo waabee
Geed hadhaca oodeen
Galabtii caraabaa
Adna iga garaacdaa

Waa garasho naagood
Waa garasho naagood

Gacaliyo xigaallaba
Adigaa iga gooyayoo
Godob aawadaabaa
Lay gooniyeeyee

Intaad galaba cayn tahay
Gali maayo taladoo
Gartaa layga helayaa

Anuu kuuma goynine
Yuu ku gabin jacaylkuye
Labadeena geesood
Gal-daloolo ka ogow

ADUUNYADU WAA SIDEE
Aduunyadu waa sidee
Sadkeedu wanaag miyaa
Haday saaka kuu wacnayd
Maxaa bari lagu sugaa

Ayaa laba subax dhexmaray
Salkeeda ayaa yaqaan
Si kala badan yaa ogaada oo
Sirteeda sacabada ku sida

Kol waa saaca iyo doog
Kol waa sool iyo abaar

Kol waa sagal iyo daruur
Kol waa saymiyo haraad
Ninkii guga sahansanaayee
Barwaaqo ku soof lahaayow
Sidaa gabalka iyo subaxa
Naftana wadku ula socdaa

Kolbay sare kuu dhigtaa
Dayaxa ay kula sintaa
Kolbay si xun kuu ridaa
Wakhtigu saxal kula galaa

Ayaa samo uga fadhiya oo
Aduun ka sugaaya nabadeey
Sareedo ninkii ka sugayoow
Ka samir ifku wuu socdaa
Aduunyadu waa sidaa
Aduunyadu waa silloon

ADUUNYOY XAALKAA BA’
Kii I xaman lahaayoow
Ama xaasidkaygoow
Kan xalay wanaajeee
I xumeeyay maantoow
Murtidaydu waa xubin
Waa hadal aan soo xulay
Xanuun iyo dardaarana
Xujo weeye dadow maqal
Xikmad weeye heestuye
Xifaalaha aduunyada

Aduunyoow xaalkaa be!
Xigsimaha daruurtiyo
Marbuu xaysku hooraa
Nimco lagu xusuustaa
Aduunyooy!

Marbaa xaaluf iyo boodh
Abaar laysku xiiraa
Dadku xagal wareegaa
Xumaadaa aduunyoow

Xiddigaa isdoorshoo
Ninkii xoolo lahaan jiray
Marbuu xaab ka waayaa
Xigsadaa asaagii
Aduunyooy!

Xoolahaaga oo nagi
Marbaad xoor ka maashaa
Xaragadu ku lumisaa
Aduunyoow!

Marbaad xaaqin iyo guluf
Duhur laga xabaadhaa
Caydheey lagu xusuustaa
Xumaataa aduunyoow

Xiddigaa isdoorshoo
Ninkii xoolo lahaan jiray
Marbuu xaab ka waayaa
Xigsadaa asaagii
Aduunyooy!

Marbaa xuubka biligiyo
Talo laga xayuubshaa
Xurmo beel ahaataa
Xumaataa aduunyoow

Wakhtigays xerinayoo
Marbuu sharafku xaydmaa
Ninkii laga xishoon jiray
Aan cidiba xaalayn
Ninkii laga xishoon jiray
Aan cidi ka xadhig xidhan
Aduunyooy xaalkaa ba’

 

Ninka Dooxo reer fura

Ninka Dooxo reer fura
Nin damqadayba taahyey
Nimuu degayb a heesyeey
Waa sida daruurtee
Danab dabayl iyo hilaac
Jacaylku igu daahyeey

Ninka dooxo reer fura
Daad kama fogaadee
Anoo taydii baw daran
Doox igu jabyeey

Doon raacayeey
Duufaan cir iyo
Doonidii badwayn
Ila durug tayeey

Dibnahooda ruux gala
Illeyn way dudubiyaan
Dumar waan ka quustee
Dabaday jiroow !!!

Haween waa kuway dilay
Igu duwayna naaskoo
Waa belo rag loo diray
Mana dayn karaayee

Dahan raacayeey
Kas yar doontayeey
Dedan iyo hanfade
Damac igu xidhyeey

Haday dabacdo nacastuba
Walaal way u dirirtaa
Doqon waan ka quustee
Dabaday jiroow!!

Ninkii duulimaad taga
Dirir kama fogaadee
Anigoon digniin qabin
Laygu soo degyeey

Dirgan waayayeey
Dugaag igu shiryeey
Dad-qal iyo libaax
Dibad iga helyeey

Dibnahooda ruux gala
Illeyn way dudubiyaan
Dumar waan ka quustee
Dabaday jiroow!!!

Haday dabacdo nacastuba
Walaal way u dirirtaa
Doqon waan ka quustee
Dabaday jiroow!!
Waa iga dardaarane
Dabaday jiroow!!!

HADAAN BARI GUNTII TEGAY
Hadaan bari guntii tegay
Adna aad galbeed u guurtay
Garkaygiyo halbawlahaygu
Hadii ay is gaadhi waayeen
Inagoo guniyo baar
Ka gudboon jacaylkii
Hadaan gacal is necebiyo
Is-afgarasho waa nahay

Maxaan gali maxaad gudi
Adna guri cadaawaad
Ku gaboobi doontaa
Anna geli shisheeyaan
Ku go’doomi doonnaa

Waxaan ahay qof laba gobol
Isagoon u kala go’in
Badhba geed ku xidhan yahay
Hadaan guban kasoo iimeeyay
Adna aad garduur ka oyday
Sidaan kuugu golongolay
Hadaad iigu godantahay
Jacaylkaa I goobaayee
Oo gedaanka kuu sudhan
Hadaan laba gardiidiyo
Isla garasho waa nahay

Maxaan garan maxaad gudan
Adiguna gayaankaa
Waad ka gaabin doontaa
Aniguna gankay iyo
Filkay gaadhimaayo

Waxaan ahay qof laba gobol
Isagoon u kala go’in
Badhba geed ku xidhanyahay

Hadii lay gunaanaday
Adna aad dartay go’ayso
Godkaygiyo xabaal-galkaagu
Hadaanay kala goor ahaanayn
Inagoo isku geeriya
Oo nafteenu gaar tahay

Hadaan gacal isnecebihyo
Isla garasho waa nahay

Maxaan goyn maxaad guri
Adna gogol doc kale iyo
Gol baad seexan doontaa
Anna goob ardaa iyo
Gegaan jiifsandoonaa

Waxaan ahay qof laba gobol
Isagoon u kala go’in
Badhba geed ku xidhanyahay

Waxaan nahay dad guul jecel
Oo hadana ganbinayoo
Garaadkoogu liitee

   Goray
Aduunbaaba gabadh yahay
Gedafeeyay timahoo
Gego lagu bulsheeyiyo
Guur u feedhanaayee

Miyuu wiil gayaan ahi
Go’dooy maanta joogaa
Geeri weeye cadhaduye
Sow tan laysay gaajadu
Nimaad garabka saartiyo
Miyuu geesi nool yahay

Adigaa gargooryow
Wabigii ganaaniyo
Gal dur-dur ah ku yaaloo
Nabar uu ku gaadhine
Gaboodkii dhulkeenaba
Miyaad geed ku aragtaa
Gurmo go’ankii mooyee
Aaway lagama guuraan
Galoolkiyo maraagii
Sow kan gooyay jiilaal

Adigaaba geenyooy
Guluf iyo colaad iyo
Weerar geli karaayoo
Itaalkaagu gaadhee
Geestayda miyuu faras
Gaashaan-qaadi joogaa
Sow kan caato gaabshee
Hiigsanaaya geediga
Hadii guunyo lala tago
Miyaa laguu gurmanayaa

Adigaaba goroyooy
Gunyadii shabeelliyo
Nimco goosanaayoo
Gurigaa samaadaye
Gubanka iyo hawdkiyo
Xoolihii geyigu maye
Afarteeda geesood
Miyay hali ka guuxdaa
Waheey guulka oomaa
Miyuu ceelba gaadhaa

Aduunbaaba gabanyahow
Sabankii la go’ay iyo
Galagalaha jiilaal
Wali sii gocanayee
Gu’ga iyo fadkiisii
Sowkan waqalka soo guray
Sowkan cirirkii guuree
Reerkii gadh-qabad helay
Ubaxiyo mankii go’ay
Sowkan soo gadaal baxay

COMMENTS
Latest News