dhaymoolenews.com
Nuxurka kulan Dhexmaray Wasiirka Qorshaynta iyo madaxda hay’addaha Wadamada Carabta
October 11, 2021 - Written by wariye999

Hargeysa (Dhaymoole) Wasiirka wasaaradda Qorshaynta iyo horumarinta Qaranka 𝗠udane 𝗖𝘂𝗺𝗮𝗿 𝗖𝗮𝗹𝗶 𝗖𝗮𝗯𝗱𝗶𝗹la𝗮𝗵𝗶 ayaa xafiiskiisa ku qaabilay, madaxda  hay’addaha Wadamada Carabta ee Somaliland ka taageera Mashaariicda Gargaarka bini’aadantinimo iyo mashaariicda horumarineed ee khayriga ah.

Sidoo kale waxaa layska xog waraysatay sidii mashaariicda ay fulinayaan loogu salayn lahaa baahiyaha aasaasiga ee waddanka ka jira iyo in la waafajiyo Qorshayaasha horumarineed uu Qaranku leeyahay.

Kulankan oo wakhti qaatay ayaa waxa laysla qaatay in la sameeyo Dallad guud oo ay ku midaysan yihiin dhammaan Ururada Waddamada Islaamku, iyo in la xoojiyo xidhiidhka wada shaqayneed ee u dhaxeeya wasaaradda Qorshaynta iyo horumarinta Qaranka iyo hay’addaha waddamada Islaamka.

COMMENTS
Latest News