dhaymoolenews.com
Nebilyoon Iyo Cabirkiisa Gabadha
August 1, 2019 - Written by wariye999

Naabilyoonkii mar dunida islaamka weerarka ku ekeeyay ayaa waxa laga sheegay inuu yidhi saacaddu waxay leedahay lixdan daqiiqo, daqiiqadduna waxay leedahay lixdan ilbidhiqsi, gabadhuna ilbidhiqsi kasta waxay leedahay ra’yi aan ahayn keedii hore. Inkasta oo hadalka Nabeliyoon xag jir yahay haddana caadifadda gabadhu way ka xoog badan tahay ta ninka, sidaas awgeed bay uga naxariis badan tahay waalidkeed iyo carruurteeda marka loo eego raga.

Caaddifadda iyo dareenkeedu waa mid si dag-dag ah u shaqeeya,oo waxaa laga yaabaa inay si fudud u cadhoon karto, haddii la taabto shaqsiyaddeeda wax la xidhiidha. Waxa iyan jirta in rabitaanka gabadhu ka daciifsan yahay ka raga. aad buu u badan yahay waxay gabadhu doontaa haddana aad buu u badan yahay inay illawdo waxay doontay oo ay u wareegto wax kale, si deg-deg ah ayuu muraadkeedu isu bedbeddeli karaa.

Ceebna maaha kala duwanaanshaha caadifadeed ee raga iyo haweenku, waa mid mid is dhamaystir iyo qurux u ah labada dhinac waana sida ay noloshu ku dhisan tahay xikmadda ilaahayna doontay.

( KItaabka  gabadha Iyo Qanunka Sh.Mustafe Subaaci)

COMMENTS
Latest News