dhaymoolenews.com
Muse Biixi ma Musharaxbaa Mise Waa Dhaxalsuge…W.Q Kaptanka
January 17, 2016 - Written by wariye999

 

Muuse Biixi oo takhasuska ugu wayn ee uu ka faa,iday 12kii sano ee uu mucaarid ahaa waxa ugu wayn sida doorasho wax laysu daba marayo iyo kushabasho Muuse waa Ninka isagoo mucaarida ku shubtay doorashadii ugu danbaysay ee Siilaanyo ku guulaystay isagoo muxaafida oo awoodii iyo dhaqaalihii dowlada gacanta ku haya doorasho xora magali karaa jawaabtu waxay u caday sida cadceed casar maya, Muse iyo group kii ay isla yaqaaneen sida wax loo farsameeyo oo uu ka mid yahay gudoomiye kuxigaankiisa Maxamed Kahin iyo gudoonkii sare ee Kulmiye intiisii badnayd,

 

Muse iyo wafti sare oo uu hogaaminayo ayaa baryahanba socdaal ku joogay gobalka Togdheer ujeedada ugu wayn ee socdaalkooduna waxay ahayd inay kusoo beegan gobalka waqtiga ay ka bilaabanto diiwaan galinta codbixiyaha, Muse iyo Teamkiisa waxaa u meel yaal inay si toosa uga shaqaystaan gobalka inta diiwaan galintu socoto, oo si olole iyo waliba wax isdaba marina uga bilaaban gobalka togdheer oo ah gobal xasaasiya,

 

Muse Bixi oo sidii uu oday Siilaanyo ugu cumaamaday musharaxa xisbiga Kulmiye u dhaqmaayay sidii dhaxal suge ama taladii dalkaba la wareegay isagoo aan madaxweyne noqon waxaad mooda inuu isagu yahay wiil uu dhalay hogaamiye mayal adag oo carbeed isla markaana la yidhi wadanka adiga qabsanayee lasii qabso maamulkiisa waxaa la arkaayay waayahan danbe isagoo meelo badan xadhiga ka jaraaya isaga iyo Madaxweyne Ku xigeenka Saylici oo ay jaanta isla heleen,

 

Madaxweyne Siilaanyo inkastoo uu si toosa u sheegay inuu u dhexyahay musharaxiinta hadana waxa uu si dadban ugu sheegay Muse inuu talada dalka si bila hadala ugu wareejin doono siday doonto haku qaadato odaygee xaaraan iyo xalaal habkii usuuragalaba waxayna kala saxeexdeen waxyaabo aad u badan waxay ku heshiiyeen in ay noqdaan Muuse iyo Siilaanyo sidii Guuled Abtidoon AHN iyo Mr Geelaha Djibouti, hadaba tii Allah meelbay taalaa tay qorsheeyeena waa sidaa,

 

Muse iyo Ololihiisa qayru sharciga ah kuma koobnaan doonan Burco waxa u qorshaysan gobalwalba inay ku beegaan waqtiga Diiwaangalinta si ay uga faa,idaystaan hadaba waa yaabe maxay talaabo uga qaadi wayeen komishanku tolow miyay ka xishoonayaan xisbul xaakinka mise sidan ayaabu arin ka yahay qoladan kumishanka.

 

Allaah Mahad leh

 

Abdiqani Salaf (Kaptanka)

 

COMMENTS
Latest News