dhaymoolenews.com
Maxamed Xaashi Oo Ka Hadlay Khudbad Sannadeedkii Madaxweynaha Somaliland
January 14, 2016 - Written by wariye999

Hargeysa (Dhaymoomle) Wasiirkii hore ee Wasaaradda Maaliyadda Eng: Maxamed Xaashi Cilmi oo hadda ka tirsan Madasha,  ayaa ka hadlay xaalada uu dalka marayo, Siyaasada Arrimaha Dibada ee Somaliland, Khudbadii sannadlaha ahayd ee uu Madaxweynuhu dhawaan ka hor jeediyey labada Gole Qaran, Doorashooyinka soo socdo, nidaamka cusub ee Dekada, xeerka banaanka ee muranka dhaliyey, wada hadalada Somaliland iyo Somaliya iyo qodobo kale.

download

Xasan Guure iyo Eng: Maxamed Xaashi oo Shir jaraa’iid qabtay ayaa ugu horeyn  Guddoomiyaha Madasha Xasan Guure waxa uu hadalkiisi ku bilaabay sidan  “Dalka marka aad eegto maalinba maalinta ka sii dambaysay  wax sii dhacay mooye wax u soo kordhaya ma jiraan,arrimaha dibada marka aad eegto intii Xukuumadda Axmed Maxamed Maxamuud aanay imanin, dalal badan oo Yurub iyo Afrikaba leh, ayaa dad badani inooga ololayn jiray, dad badan oo Barlamaanada ku jira ayaa inoo ololayn jiray,waxay gaadhay imika Saaxibkii weynaa ee aynu lahayn ilaa markii aynu Jabhada ahayn oo dalka Itoobiya ahaa, saaxibtinimadii inaga iyo Itoobiya ayaa cidhiidhi ku jirta, Somaliland iyo Itoobiya waxa ay ahaayeen laba dal oo aad moodo inay isku mid yihiin, saaxibitinmadeenu halkay gaadhsiisnayd iyo ololaha ay inoogu jireen.” Ayuu yidhi Maxamed Xaashi Cilmi

 

Waxaanu intaas ku daray “Maantana Fiisihi ayey inaga xidheen, waxa ay ahayd Waddada kaliya ee aynu Adduunyada u marno, marka Xukuumaddani albaabadii khaarajiga wey inoo xidhay, waxa aan odhan lahayn saani aynu isaga badheedhno oo Xamar aynu iska qabano, malaa meel kale qaban maynee, Xaajigu haddii uu sidaas rumaysan yahay inay dani ku jirto ha inoo sheego, weynu ka tashan doonaana, waana aynu ka wada hadli doonaanaye”.

 

Dhaymoole news. Hargeysa

 

COMMENTS
Latest News