dhaymoolenews.com
Maxamed Bin Salmaan Oo Safaro Qarsoodi Ah Ku Tegey Israel
October 8, 2020 - Written by wariye999

Hargysa (Dhaymoole news)Sucuudiga: Maxamed Bin Salmaan Oo Safaro Qarsoodi Ah Ku Tegey Israel.

Waa kuma Maxamed Bin Salmaan (MBS)

Dhax -sugaha Boqortooyada Sacuudiga, Maxamed Bin Salmaan, ayaa dhawaanahan dhowr jeer booqasho ku tagay Israa’iil, sida ay tabiyeen warbaahinta Bariga Dhexe.

Dadka indhaindheeya xaaladda gobolkaas ayaa aaminsan in xiriir qarsoodi ah uu horay uga dhaxeeyay Sacuudiga iyo Israa’iil, laakiin ilaa hadda ma jiraan safarro la xaqiijiyay ilaa hadda.

Warka ku saabsan Booqashooyinka qarsoodiga ah ee Maxamed Bin Salmaan waxaa laga shaaciyay Al Mayadeen TV, oo la hadlay saraakiil ka tirsan laamaha amniga Israa’iil.

Hase yeeshee lama magacaabin saraakiisha reer Israa’iil ee telefishinka laga warrayystay.

“Warar la xidhiidha arrimaha dibadda ayaa sheegay in Maxamed Bin Salmaan uu ku istareexay qorraxda magaalada Tel Avid, dhowr jeer,” ayuu telefishinka ku yiri sarkaal horay uga tirsanaa hay’adda amniga Israa’iil ee lagu magacaabo Shin Bet.

Warbaahinta Iran ayaa sidoo kale aad u hadal heysa sheekadan.

Sacuudiga ayaa lagu yaqaannaa in uusan Israa’iil u dhaleeceynin sida ay u dhaliilaan Iiraan iyo Turkiga.

 

Maxamed Bin Salmaan ayaa loo arkaa inuu daaha-dabadiisa a ka maamulo Boqortooyada Sacuudiga

 

Waxaa loo arkaa Maxamed Bin Salmaan inuu yahay ninka wakhtigan ugu awoodda badan Sacuudiga

Xigashada Sawirka, Reuters Qoraalka sawirka, Waxaa loo arkaa Maxamed Bin Salmaan inuu yahay ninka wakhtigan ugu awoodda badan Sacuudiga

Marka la eego Sacuudiga dibaddiisa, dad kooban ayaa yaqaannay magaca Maxamed Bin Salman Aala Sucuud, ka hor inta uusan aabihiis boqorka noqonin sannadkii 2015-kii. Balse hadda, 33 jirkan dhaxal sugaha boqortooyada ah waxaa loo aqoonsan yahay inuu yahay qofka rasmiga ah ee gacanta ku haya maamulka waddanka dhoofiya saliidda ugu badan ee caalamka.

Wuxuu hantay qalbiyada hogaamiyeyaasha reer galbeedka ka dib markii uu ku dhaqaaqay tallaabooyin uu isbaddallo uga sameeyay Sucuudiga, oo ah waddan sharci adag, waxaana isbadalladaas ka mid ahaa xayiraaddii uu ka qaaday gaari wadista dumarka iyo dadaalkii uu ku raadinayay sidii loo ballaarin lahaa dhinacyada kala duwan ee dhaqaalaha.

Laakiin waxaa si weyn loogu dhaliilay arrimo ay ka mid yihiin:-

  • Dagaalkii uu ku qaaday dalka dariska la ah ee Yemen, kaasoo sababay xadgudubyo waaweyn oo bani’aadannimo.
  • Inuu billaabay muranka siyaasadeed ee Qadar iyo Sucuudiga, oo kala qeybiyay midnimadii golaha iskaashiga khaliijka ee (GCC).
  • Inuu xoojiyay howlgalka adag ee ka dhanka ah dadka ka soo horjeeda siyaasadda Sucuudiga.
Hoteelkan oo ah mid loogu tala galay raaxada waxaa bilooyin ku xirnaa amiirro uu Maxamed Bin Salmaan xarigooda amray

Xigashada Sawirka, Reuters Qoraalka sawirka, Hoteelkan oo ah mid loogu tala galay raaxada waxaa bilooyin ku xirnaa amiirro uu Maxamed Bin Salmaan xarigooda amray

 

Xitaa waxaa isa soo taraya talooyinka ku saabsan in laga baddalo xilka uu hayo ee ah dhaxal sugaha boqortooyada, wixii ka dambeeyay markii uu soo shaac baxay dilka Jamaal Khaashuqji oo ahaa wariye caan ah oo ka soo horjeeday siyaasadaha Sucuudiga.

Xubno ka tirsan sirdoonka Sucuudiga ayaa la rumeysan yahay in ay Khaashuqji ku dileen gudaha qunsuliyadda Sucuudiga uu ku leeyahay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, horraantii bishan Oktoobar ee 2018-ka.

Waa kuma Maxamed Bin Salmaan (MBS)

Maxamed Bin Salmaan wuxuu magaalada Jeddah ee dalka Sacuudiga ku dhashay 31-kii bishii Agoosto ee sannadkii 1985-kii.

Wuxuu ahaa wiilka curadka ah ee uu dhalay boqor Salmaan Bin Cabdul Casiis Aala Sucuud oo xilliga uu Maxamed dhalanayay ahaa mid ka mid ah dhaxal sugeyaasha boqortooyada.

Hooyadiis waa xaaska saddexaad ee boqor Salmaan, waxaana lagu magacaabaa Fahdah bint Falah bin Sultan.

Ka dib markii uu shahaadada 1aad ee waxbarashada jaamacadeed ka qaatay Jaamacadda King Saud ee ku taalla magaalo madaxda Sucuudiga ee Riyaad, wuxuu ka soo shaqeeyay hay’ado kala duwan oo ay leedahay boqortooyada.

Sannadkii 2009-kii, waxaa loo magacaabay inuu la taliye khaas ah u noqdo aabihiis, oo xilligaas ahaa Duqa magaalada Riyaad.

Maxamed Bin Salman ayaa awoodda boqortooyada lugta la soo galay sannadkii 2013-kii, markaasoo loo magacaabay madaxa qasriga dhaxal sugaha boqortooyada, isagoo darajadiisu ay ahayd heer wasiir.

Amiir Al Waliid bin Talaal wuxuu ka mid yahay dadka fara ku tiriska ah ee dunida ugu hodansan, sawirkanna waxaa laga qaaday isagoo ku xiran hotelka Ritz Carlton.

Xigashada Sawirka, Reuters Qoraalka sawirka, Amiir Al Waliid bin Talaal wuxuu ka mid yahay dadka fara ku tiriska ah ee dunida ugu hodansan, sawirkanna waxaa laga qaaday isagoo ku xiran hotelka Ritz Carlton.

Sannadkii ka horreeyay ee 2012-kii, ayaa aabihiis loo xushay inuu noqdo dhaxal sugaha taajka boqortooyada, ka dib geeridii Nayef bin Cabdul Casiis, oo ahaa qofka dhaxalka xilkaas ugu sokeeyay.

Bishii Janaayo ee sannadkii 2015-kii ayuu geeriyooday boqor Cabdalla bin Cabdul Casiis, Salmaan ayaana xilka boqortooyada la wareegay isagoo markaas ay da’diisu ahayd 79 sano.

Boqorka cusub ayaa si deg deg ah u sameeyay labo go’aan oo ay la yaabeen dadka kormeera xaaladda maamulka boqortooyada, ka dib markii uu wiilkiisa ka dhigay dhaxal sugaha ugu sokeeya ee taajka ahna wasiirka gaashaandhigga, halka wiilka uu adeerka u yahay ee Maxamed Bin Nayef uu ka dhigay ku xigeenka dhaxal sugaha boqortooyada.

Maxamed Bin Nayef ayaa markaas ahaa qofka xiga ee mudnaanta ku leh taajka.

Warqadda lagu qeexay go’aannadaas ayaa noqotay tii ugu horreysay ee xilka dhaxal sugaha boqortooyada loogu kala wareejiyo wiilashada uu awoowga u yahay Ibnu Sacuud, oo ah ninkii aasaasay boqortooyada.

COMMENTS
Latest News