dhaymoolenews.com
maxaa laga yidhi ahmiyada akhriska
January 29, 2016 - Written by wariye999

8. Akhrisku waa cibaado waana karaamayn bani’aadanimo; waana sabab lagu hanto aragti dheer iyo rabayn nafeed.

كتاب صناعة الثقافة

9. Maxaa ka farxad badan daalacashada buugaagta,marka aan arko buug cusub waxaabad moodaa sidii oo aan helay kansi.

ابن الجوزي

10. Akhrisku waa jimicsi nafeed oo abuura dareen wehelnimo iyo mid raaxo taas oo cilmibaadhisyada casriga ahi ay sugeen in akhrisku u raaxeeyo dareemayaasha qofka bani ‘aadamka ah.

كتاب صناعة الثقافة

11. Akhrisku wuxuu sameeyaa qof dhamays ah, sidoo kale wuxuu sameeyaa qof hiraalkiisu fogyahay, sidoo kalena wuxuu sameeyaa qof hadalkiisu cadyahay oo la fahmi karo.

فراكلين

12. Waxa la I waydiiyay uumiyaha cida hogaamin doonta? Waxaan ku jawaabay: “kuwa wax akhriya; waxna qora”.

فولتير

13. Faa’iidada akhriyuhu akhriska ka helaa waxay mid wayn noqotaa, marka uu garawsanyahay haybta buuga uu akhrinayo iyo ujeedooyinka uu xambaarsanyahay.

عبدالكريم بكار

14.  Akhristaha wanaagsani isma dhiibo markuu wax akhriyo, laakiin wuxuu naftiisa waydiiyaa, waa maxay dhibaatooyinka buugu isku dayay inuu xal u helo iyo sidookale hordhaca buugu muxuu ka hadlayaa.

عبدالكريم بكار

15. Buugaagtu waa minaarado kor uga mudhay badwaynta wakhtiyadii waawaynaa.

إدوين ويبل

COMMENTS
Latest News