dhaymoolenews.com
Madaxweyne Muuse Biixi Oo Safar Ugu Baxaya Wadanka Sucuudiga Iyo Xaalada Uu Ku Soo Beegmayo.
August 2, 2019 - Written by wariye999

Hargeysa(dhaymoole):-Madaxweynaha somaliland Md Muuse Biixi Cabdi ayaa safar ugu baxaya wadanka Sucuudiga.

Wararka laga helayo safarkan ayaa sheegaya in madaxweyne Biixi uu sanadkan soo gudan doono waajibaadka xajka

Safarka madaxweynaha somaliland ugu baxayo wadanka Sucuudiga ayaa ku soo beegmaya wakhti uu wada hadal u socdo madax dhaqameed ka soo jeeda gobolka Sanaag iyo jabhada uu hogaaminayo Kornayl Caare kuwaas oo ilaa hada aan gaadhin wax natiijo ah.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in madax dhaqameedka dhexdhexaadinta wadaa aanay wax balan ah ka sidin xukuumada taas oo ay ku soo dhawayn karaan kornayl Caare iyo jabhada uu hogaaminayo.

Si kastaba ha ahaatee waxa la dhawrayaa natiijada ka soo baxda madax dhaqaameedkan iyo jabhada Kornayl Caare iyo qorshaha uu madaxweyne Biixi ka tagi doono ee uu ugu tala galay in lagu wajaho wada hadalka labada dhinac.

COMMENTS
Latest News