dhaymoolenews.com
Madaxweynaha Somaliland Oo Ka Qab-galay Tartan Aan Hore Uga Qabsoomin Somaliland Oo Dhexmari Doona Geela Somaliland Iyo Ujeedada Laga Leeyahay
February 14, 2020 - Written by wariye999

Hargeysa-13-02-2020-(dhaymoole)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo saaka kormeer ku tegay xarun loogu talo-galay in lagu tartan siiyo Geela ugu caanaha badan Somaliland ee halkaasi ku sugnaa, waxaana arrintaasi geelayda ka caawiyey Xukuumadda Somaliland iyo Imaaraadka carabta oo u qabtay tartankan si loo helo caqabadaha keena caano yaraanta geela.

Waxaana maalmaha soo socda lagu dhawaaqi doonaa miisaanka ugu badan ee laga lisay labada wakhti ee galabtii iyo subaxdii, iyadoo isla goobtaasi lagu miisaamayo caanaha laga lisay hal kasta oo halkaasi ku sugan, waxaana loo kuurgeli doonaa wixii looga gudbi lahaa arrintaasi si loo helo kor u kaca miisaanka caanaha laga lisay geela Somaliland.

COMMENTS
Latest News