dhaymoolenews.com
Madaxweynaha Somaliland Oo Kulan la qaatay wefti ka socda Hay’adda Caalamiga Ah Ee Laanqayrta Cas
March 20, 2019 - Written by wariye999

Hargeysa(dhaymoole)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu xafiiskiisa ku qaabiley wefti ka socda Hay’adda Caalamiga ah Ee laanqayrta Cas ee (ICRC), oo ay hoggaaminayso agaasimaha Africa u qaabilsan ICRC, Patricia Danzi.

Kulankaasi waxa lagaga wada hadlay arrimo ay ka mid ahaayeen xoojinta xidhiidhka wada shaqayneed ee hay’adda caalamiga ah eeICRC iyo Jamhuuriyadda Somaliland.
Waxa kale oo kulankaasi lagaga wada hadlay dardar-gelinta xafiiska ICRC ay dhawaan ka furatay gudaha Somaliland iyo sdii laysaga kaashan lahaa deegyada Aas-aasiga & gurmadka deg-dega ah, iyadoo Wasaaraddaha Horumarinta Caafimaadka iyo qorshaynta iyo horumarinta qaranka Somaliland iyo Hay’addu si gaara uga wada shaqayn doona arrimahaasi.

 

COMMENTS
Latest News