dhaymoolenews.com
Maayarka Burco oo Amaro Culus Dul Dhigay Hudheelka Warsan Ee Sameeya Cuntooyinka Itoobiyaanka
September 5, 2019 - Written by wariye999

Hargaysa(dhaymoole)Maayarka Magaaladda Burco Maxamed yuusuf muraad ayaa amaro dul dhigay hudheelka Laga Cunteeyo oo ku yaala magaaladda burco ee xarunta gobolka Togdheer.

Maayarka oo warqad uu ku amarayo maamulka Hudheelka burco ee warsan kaasi oo sameeya cunto itoobiyaanka ayaa lagu sheegay inuu kala duwo goobaha ay raga iyo dumarku cuntooyinka ku cuni karaan.

Muraad ayaa sheegay in amarkaasi loo baahan yahay in maamulka hudheelku fuliyo madaama oo diinta islaamku farayso inaan dumarka iyo ragu meelaha cuntooyinka laga cuno is dhex fadhiisan Karin.

Hudheelka Warsan ayaa raga iyo dumarku is goob cuntooyinka ku cunaan taasi oo culimadda gobolku aad uga soo horjeesteen,waxaana go’aanka maayarku noqonayaa mid lagu ilaalinayo dhaqanka diinta islaamka.

COMMENTS
Latest News