dhaymoolenews.com
Kordhinta mudada diwaan galinta barnamijka courserar
October 5, 2020 - Written by wariye999

(Dhaymoole news)

Wasaaradda Shaqo-gelinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska Somaliland, ayaa shaacisay in la kordhiyay mudada ka mid noqoshada Barnaamijka Coursera.

Barnaamijka Coursera ee waxabarashadda Onile-ka ah oo lacag la’aan ah, waxa iska diiwaangeliyay 50, 000 oo ah dhalinyarada Somaliland, sidaa awgeed codsi ay samaysay Wasaaradda Shaqo-gelinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska Somaliland oo ku dalbatay in loo kordhiyo tirada, isla markaana mudada is diiwaangelinta lagu daray ilaa 31  October 2020.

Sidaana waxa ku xaqiijiyay Fariin uu la wadaagayo dhalinyarada Somaliland Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Abdirashid Ibrahim, Agaasimaha Guud, wuxuuna nuqul ka mid ah Fariintaa oo soo gaadhay Shebekaddaha Araweelo News Network, ku yidhi, sidan:-

“Waxa farxad ah in wakhtiga ugu dambeeyay ee dhalinyarada cusub ay ku soo biirayeen barnaamijka Coursera in la innoo ogolaaday in ay noqoto 31 October 2020. Waxa iyana farxad ah in 50,000 dhalinyar ah ay barnaamijkii si rasmi ah uga mid noqdeen, taasi oo suuro galisay in tirada Ardayda barnaamijkan ka faa’iidaysan karta la innoo kordhiyay.”

 

Sidaasi darteed, akhyaarta ku xidhan barnaamijka ha la wadaageen dhalinyarada kale ee asxaabtooda ah si ay iyaguna fursadahan uga faaiidaystaan, ayuu yidhi, Agaasime Cabdirashiid

COMMENTS
Latest News