dhaymoolenews.com
ILAAHAYOW ansixinta xeer RIBBO ma ogolaan doono noloshayda, ummadana waan u sheegay!
January 16, 2016 - Written by wariye999

Qore: Maxamuud Cali Sheekh Maxamed (Walaaleye)

Salaanta islaamka ka dib, Ilaahay aayad qura’aanka waxuu inoogu sheegay “Waxaad tihiin ummadii ugu kheyrka badnayd (muslimiin)!  “Waxaad is-fartaa kheyrka, waxaanad iska reebtaan xumaanta”. Walaalayaal, ma isweydiinay sababta ilaahay derejada ugu yaboohay dadka muslimiinta, waa ficilka uu raaciyey haddaynu la nimaadno, laakiin, ogaada, hadii aynu ka leexano, waxba Ilaahay kuma ahaa, inuu hoos inoogu rido sida kuwa uu ku tilmaamay waa sida xoolaha ama ka sii hooseeya-Ilaahay ayeynu ka magan-gallee.

Maanta qoraalka maqaalkan waxa igu dhaliyey DHAGAR aduun iyo aakhiraba aynu ku halaagsamayno oo u muuqata mid la hadoodilayo, laakiin bulshadeenii iska fogeyn lahayd u muuqato mid aan dhaadsanayn, ama isku tuurtuuraya ka dhiidhigeedu, ilayn hadday inna haleesho ma jiri doono qof ka badbaadaya cawaaqibkeedee, waa XEER QABYO ah oo xilligan horyaala gollaha Baarlamaanka kuna saabsan BAANANKA GANACSIGA.

Walaalayaal, ummadahu iskuma jiraan, balse waxaa la kala yahay MUSLIM iyo GAALO, haddaba markaynu nahay muslimiin, isha aynu ugu aroorayno xalka wax kastoo innaga horyimaada waa kitaabka iyo axaadiista nebigeena CSW, sida Ilaahay qur’aanka kariimka inoogu sheegay aayad macnaheedu ahaa “Hadaad ku murantaan ARRIN, ula laabta ILAAHAY iyo RASUULKIISA CSW”, markaa miyaanay waajib innagu ahayn inaynu khilaafka maanta ka taagana xeerka aynu sare ku soo sheegnay ka raadino halkaa, mise waxa inoo banaan dariiq labaad? WALAAHI, inooma banana, sida Ilaahay aayad kale inoogu sheegay  macnaheedu ahaa “Idiinma banaan IKHTIYAAR, hadii Ilaahay iyo Rasuulkiisu wax gooyaan”.

Waxa isweydiinayaa, ummadana weydiinayaa inta Ilaahay quluubtooda qooyey, maanta marka CULIMADDII dalka iyo xubno golaha WAKIILADDA laba fikradooda ka kala qabaan ansixinta xeerkan lagu sheegay inuu ogolaanayo qaadida RIBBO, halkee ayuu caqligeena iyo aqoonta ilaahay innagu mutaystay inna faraysaa inaan garab istaagno,? Kolay anniga igama dhaadna, Ilaahay hortiina waxaan af iyo Addinba la garab taaganahay fikirka culimaddu iska taageen, waxaanan sifo kastoo ii suurtagasha kaga hortegayaa aqbalaada ansixinta XEERKA RIBBADA.

Waxaa layaab igu noqotay, ummadana jeclahay inaan la wadaago nin ka tirsan xubnaha gollaha Wakiilada Somaliland ayaan muddo hore oo baadilnimada xeerkan culimaddu ummada u bandhigeen, aan weydiiyey, Mudane- hadii culimadu caddeeyeen in xeerkaasi jidaynayo in baanan ku shaqeeya nidaamka RIBBADA dalka laga hirgeliyo, isla markaana Ilaahay XAARAANTIMEEYEY isticmaalka RIBBADA, maxaad uga joogsan weydeen? Waxuu iigu jawaabay  “HAA” laakiin, waxaan samaynaynaa inaan ummada uga digno inaanay ka qaadan RIBBADA baanankana waanu u sheegaynaa inaanay siin bulshada Somaliland lacago amah ribbo la socoto, laakiin shirkadaha iyo maalgashedayaasha kale dalka imanaya ayaa la macaamilaya, ” bal u fiirsada u qiilsamaynta fikirka khaldan iyo fasiraada liidata, laakiin isaga la toosan!, waxa ka sii darnaa doraad xildhibaan kaloo difaacayey ansixinta xeerkaa baadilka ah ayaa tusaale la mid ah ugu qiil sameeyey ansixinta xeerkan, isla markaana sheegay, “Waanu ka bedelay ereygii RIBBADA, waxaanan ku bedelnay KHIDMAD” waxaad moodaa inay soo minguuriyeen fikirkii qoom Ilaahay qur’aanka kariimka inoogu sheegay qisooyinka dembiyo ay sameeyeen, kana mid ahayd, in markii loo diiday shay  manaafacaadsigeeda, intay dhalanrogeen, dib u iibiyeen, qiilna ka dhigteen, maaha xaaladii naloogu diiday, ummadyahay, ninka inna leh magacii RIBADDA waxaan ku bedelay KHIDMAD, ma nasteex ayuu inoo yahay, mise waa mid sheydaan ku shaqeysanayo oo lunsan, intii raacdana la baadiyoobayso, Ilaahay baynu ka magan-gelaynaaye, isaga iyo kuwa la fikirka ahna uga baryeynaa inuu soo hadeeyee!

Qodobka Saddexaad, farqadiisa 6aad ee XEERKA BANKIGA DHEXE wuxuu odhanayaa “Xeerka Baanka Dhexe ee Somaliland waxaa saldhig (Applicable Law) u ah Shareecadda Islaamka iyo Dastuurka JSL. Isla qodobkaas farqadiisa 8aad waxay odhanaysaa “Maadaama saldhiga, maamulka iyo adeega Baanka Dhexe ee Somaliland yahay SHAREECADDA ISLAAMKA, waxaa reeban amaah kasta oo jideynaysa manfac DULSAAR”.

Shuruucdaas dhamaan waxaa ansixiyey baarlamaanka, baarlamaanka uu ka tirsan yahay Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble.

Sideynu ogsoonahayba, marka laga hadlaayo BU’DA AASAASKA BAANAN AAN ISLAAM AHAYN (Conventional Banks), waxaa weeyaan in ay faa’ido ka sameeyaan farqiga (margin) u dhaxeeya Dulsaarka ay siiyaan lacag-dhigtaha (depositor) iyo Amaah qaataha (Deposit rate lowers Lending rate). Inkasta oo shaqooyinka ay baanankaasi qabtaan ay badan yihiin, hadana aasaas waxaa shaqadooda u ah oo ay il-dakhli (source of finance) u ah farqiga ribooyinkaas.

Su’aasha isweydiinta leh waxay tahay, Bu’da aasaaska baanankaas ee Xildhibaanku ula baxay KHIDMAD, maxay kaga duwan tahay Bu’da Aasaaska aragtidaas aynu sheegnay?

Xildhibaanku wuxuu sheegay in hadalkiisu uu xaq yahay, balse ninka Quraan xafidka ah ee hadalkiisu dadka jar ka tuuraayo. Sidoo kale Xildhibaanku wuxuu sheegay in culimadda hadda ka hadlaysa doodda in Ribaddu ay xaaraan tahay, ay Aayadaha qaar sheegeen qaarna ka tageen. Ma waxaa uu u jeedaa in ay jirto Aayad Ribadda xalaaleynaysa, illeyn tii xaaraan ka dhigaysay la sheegbee?

Waxaynu maqlaynay ashkhaas dhaliilo iyo been-abuur kula dulkufay, culimaddiii dalkeena iyo ummada islaamkuba ku faanaysay, laakiin, u muuqda kuwo ka dhaadan ama fududeysanaya cawaaqibkeedee, hadii ay dareensanaan lahaayeen goodiga iyo digniinta ILAAHAY u yaboohay, aanay ku dhiiradeen, xadiis Nebigeenii Maxamed CSW ka weriyey ILAAHAY, ayaa macnahiisu ahaa, “Qofkii la colooba walli aan leeyahay, ha u diyaargaroobo DAGAALKAYGA” Subxaana-laah, Ilaahay baa xumaan dhamaanteed ka nasahane, yaa u badheedhi kara dagaalka Ilaahay?

Ilaahay ma simmin qof aqoon leh (diini iyo maadi) iyo ka aan lahayne, waxaynu maqlaynaa dad u soo daliishanaya u qiilsamaynta ansixinta xeerkan RIBADDA in wadamadda Islaamkaba ay ka shaqeeyaa BAANAN nidaamkan RIBBADA adeegsada, ama u soo daliishanaya waxuu ansixinta xeerka ka-ganacsiga baananku ee RIBADDA ku shaqeeya inoo sahlayaa inaan caalamka ku xidhmano, ama ictiraafku inoogu soo dhowaadee, laakiin, miyeynaan odhan karin ways shaabahaan iyaga iyo qisooyinka qoomam hore oo xumaan qiil u samaystay sida Ilaahay inoo sheegay, oo anbiyadoodii ku yidhi “Noo samee ILAAHYO, sida qolyaha kaleba u leeyahiin” anniguse waxaan leeyahay ILAAHOW hadii ansixinta shay aad ummada islaamka uga digtay cawaaqibkeeda waa RIBADEE aqbalaadeeda aan ku helayo ICTIRAAF iyo inaan ADUUNKA ku Xidhmo, WALAAHI uma baahniye, ILAAHOW adigaan kaa magan galay in laygu dhagro.

Waxaan kaga baxayaa dhamaanteen waajib ayaa inna saaran, qofkii gudan waaya maalinta aakhiro la weydiin doono, oo ah sida micnahii xadiis nebigeena Maxamed CSW ahaa “Qofkii xumaan arka, haku suuliyo gacantiisa, haduu awoodi waayo afkiisa, haduu awoodi waayo haka naco qalbiga…” haddaba, maxaa innagu waajib ah anniga, shacabka Somaliland iyo guud ahaan ummada islaamkaba? Waa DIIDITAANKA iyo ka dhiidhiga in la ansixiyo xeer jidaynaya XAARAAN ILAAHAY u yaboohay DAGAAL qofkii aqbala oo AF iyo ADDIN, midkaan awoodnaba kaga hortagno, anniguna ninba waa ku naftiisee waxaan magaca ILAAHAY ugu dhaaranayaa inaan AF, ADDIN iyo AWOOD kastoo suurtagal inoo noqota aan ku diido, kagana hortago in dalka laga ogolaado adeegsiga RIBBO, ummadanna gaadhsiinayaa ka digtoonaanteeda, iyo diiditaankeedaba. Ilaahay wanaaga iyo kheyrka ha  waafajiyo aduun iyo aakhiraba dhamaan UMADDA ISLAAMKA. AAMIN.

 

 

COMMENTS
Latest News