dhaymoolenews.com
Hor-joogihii Hore Ee Kooxda Nabad Diidka Ah Ee Khaatumo Oo Muqdisho Ka Sheegay Inay Ka Quusteen Taageero Ay Ka Helaan Dawladda Soomaaliya “Dawladda Soomaaliya Ka Jirtaa Ma Ogola Khaatumo, Ixtiraam Iyo Xurmo Midna Kuma Haysano Sababtu Waxay Doonto Ha Noqotee”
January 28, 2016 - Written by wariye999

Muqdisho(Dhaymoole)-Horjoogihii hore ee kooxda nabad diidka ah ee Khaatumo Maxamed Yuusuf (Indho-sheel), ayaa sheegay inay quus ka joogaan  in dawladda Muqdisho ay maamul u aqoonsato kooxdiisa falaagada ah.

Mr. Indho-sheel waxa uu sidaasi ka sheegay xaflad ay taageereyaasha kooxdaasi ku qabsadeen magaaladda Muqdisho ee dalka Soomaaliya, halkaasi oo su’aalo kala duwan lagu weydiiyay horjoogihii hore ee kooxda nabad-diidka ah.

“Maamulkani wuxuu ahaa mid ku samaysmay rabitaanka shacabka hase ahaatee ma ahayn maamul leh kaabe dhaqaale oo uu dhinaca saaro, taasi waxay noqotay caqabada ugu weyn ee hano-qaadka maamulkaa hortaagan, sidoo kale waxa uu ahaa maamul ay labada dhinac ka xigaan Somaliland iyo Puntland oo aanu midna raali-gelinayn taasina waxay ahayd caqabada labaad  ee hortaagan,”ayuu yidhi Maxamed Yuusuf Indho-sheel.

Indho-sheel oo la weydiiyay sababaha dawladda Muqdisho wax ula qaban wayday maamulkooda gacan ku rimiska ah, waxa uu si quus ah u yidhi   “Haddii ay Khaatumo afar  sannadood ay  soo gaadhay way adkaysi  badan tahay sidaan qabo. Anigu shakhsi  ahaan hadda waxaan wakiil uga ahay  maamulka Khaatumo dawladda federaalka, mana jirto tix-gelin ,martinimo iyo maamuus kale oo aanu ku qabnaa subixii baanu kacnaa waxaanu tagnaa xafiisyadda ururadda bulshadda, ka dibna waanu soo laabanaa. dawladdan federaalka ee hadda jirta Soomaaliya ma aha mid raali ka ah samaysanka Khaatumo, ama ha noqoto awoodda gacantooda ku jirta oo iska yar ama dano siyaasadeed-ba ha noqoto sababtuye ma ogola Khaatumo.”

 

Horjoogaha kooxda Khaatumo Cali Khaliif Galaydh ayaa beryahan dambe ku sugnaa magaaladda Buuhoodle, halkaasi  oo waxgaradka deegaankaasi ay wadaan qorshe si salmi ah ay doonayaan inuu uga baxo magaaladda iyadoo Wasiirka caafimaadka Somaliland Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xaglatoosiye) oo isna ku sugan magaaladdu uu gabi ahaanba xadiday dhaqdhaqaaqa Cali Khaliif oo uu ku sifeeyay dagaal ooge duulaan ku ah nabad-gelyadda gobolka Buuhuudle iyo guud ahaan Somaliland-ba.

 

Dhaymoolenews/hargeysa

Dhaymoole999@hotmail.com

COMMENTS
Latest News