dhaymoolenews.com
Wasiirka wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland Mudame Axmed Maxamed Diiriye (Toorno) ayaa uga digay bulsha weynta Somaliland khataraha ka iman kara xannuunka Corona Virus
October 9, 2021 - Written by wariye999

Hargeya (Dhaymoole) – Xaflad ay soo qaban qaabiyeen ardayda kuliyada Injineerinka  Elaktaronikada   ee  jaamacada Hargaysa  ayaa lagu maamuusayay arday deeq waxbarsho ka heshay dalka Jabuuti.

Waxaana ka qeyb galay maayir ku xigeenka magaalada hargaysa iyo gudoomiyaha komishanka tamarta  arday iyo waaldiin waxaana ugu horyen halkaasi ka hadlay maayir xigeenka magaalada hargaysa Khadar Nuur oo ardayda ku dardaaray in ay dadaal dheer u yeeshaan sidii ay uga soo midho dhalin laahaayeen geediga waxbarsho ee ay u baxeen

Gudoomiyaha komishanka tamarta Axmed Faarax Cadare oo isna dhankiisa ka hadlay ayaa  sheegay in arday ahaan ay yihiin safiiro waxbarsho  kuwaasoo oo gaadhi doona dalkoodii labaad isagoo u mahad celiyay waaldiinta iyo macalimiinta kusoo tabacday

Gabgabadii waxa iyaguna hadalo dardaaran iyo duco u jeediyay ardayda deeqda waxbarsho heshay masuuliyiinta jamaacada iyo qaar ka mida waaldiinta ardaydaasi oo dhamaantood u rajeeyay in ALLE kusoo guuleeyo yoolkooda waxbarsho

COMMENTS
Latest News