dhaymoolenews.com
“HADDII AY XILDHIBAANADII WAKIILADDU YIDHAAHDEEN MA SAMAYNAYNO SHARCIGA FURITAANKA BANGIYADDA, WAXA FIICAN INAY GOLAHA BANEEYAAN” CALI KUBAD
January 16, 2016 - Written by wariye999

Hargeysa(Dhaymoole):- Horta waa su’aale Afartan wadaad qeylinaya iyaga yaa dirtay?. maxayse kaga duwan yihiin muwaadiniinta kale ee reer Somaliland, miyaanay xeerarka iyo shuruucda ka soo baxa goleyaasha sharci dejinta ula sinayn muwaadiniinta kale? Yaa ii sheegi kara waxa gaarka ah ee iyaga ka maqan? Ma baarlamanka ayay ka tirsan yihiin oo waa xildhibaanno shacbigu soo doortay ileyn waa kuwan Goleyaashii Baarlamanka shaqadoodii ku haysta’e?.

Somaliland ma wadankii ugu horeeyey ee keligii wadamada Islaamka ah ee xeerkan oo kale iyo Bangiyadan ay ka qaylinayaan dalkiisa ka hirgeliyey baa? Miyaanay ogeyn in Sucuudiga oo Xaramkii Illaahay iyo goobihii kale ee ugu fadliga badnaa oo dhammi ku yaaleenba ay dalkiisa ka jiraan, kana shaqeeyaan boqolaal Bank oo la mid ah kuwan ay ka qeylinayaan?.

Waa yaabe Afartan wadaad ee reer Somaliland diinta miyay uga cilmi badan yihiin culimada Islaamka oo dhan? Bal car ha innoo sheegaan waxa ay Bankiyadan xeerka loo samaynayo ku diidan yihiin ee ay ku diidi waayeen culimada caalamka ugu waaweyn, uguna aqoonta badan ee dunida oo dhami wax ka weydiiso arrimaha la xidhiidha dhinaca shareecada iyo diinta islaamka, kuwaas oo mid kastaba dalkiisa ay ka shaqeeyaan boqolaal Bank oo kuwan la mid ahi? Maxaase aynu maalin qudha aynu u arki weynay Wadaadan qeylinaya iyaga oo ka hadlaya oo Baanankan ay diidan yihiin kuwa la midka ah ee ku yaala Sacuudi Carabiya oo ah xaruntii Islaamka ugu weynayd, uguna fadliga iyo xasanaadka badnayd? Diinta Islaamku mid keliya  miyaanay ahayn? Wax kasta oo diinta Islaamku xaaraantimaysay miyaanay muslimiinta oo dhan, iyo dalalka Islaamka ah oo dhanba xaaraan ka ahayn? Maxaynu u arki weynay iyaga oo dawladaha Islaamka ah ee Sucuudigu ugu horeeyo iyo Madaxdoodaba ku cambaaraynaya in ay dalalkooda u ogolaadeen Bankiyo xaaraan ah?.

Sidoo kale waxa la ogyahay oo xaqiiq ah in wadaada reer Somaliland ee maanta aynu qeyladooda ka fadhiyi la’ nahay intooda badani ku xidhan yihiin dalalka islaamka ah ee bangiyadani ka shaqeeyaan.

 

Bal aynu eegno qoraal kooban oo uu Guddoomiye Ku-xigeenkii hore ee Komishanka doorashooyinka qaranka Cali Xasan Cismaan (Cali Kubad) uu kaga hadlay mowduucan iyo arragtidiisa la xidhiidha waajibka Golaha Wakiiladda ka saaran meel marinta xeerarka danta caamka ah ee bulshaddu ku jirto. Qoraalka uu ka qoray Cali Kubad waxa uu ku baahiyay bartiisa Face-book-ga, waxaanu u dhignaa sidan:-

 

“Kol haddii ay xildhibaanadii Somaliland ay yidhaahdeen, Culimadii baa nagula talisay inaanaan samaynin sharci ruqsad iyo ogolaansho siinaya furitaanka Bangiyadda  tijaariga ah (commercial Bank), talladoodiina ay qaateen oo aqbaleen. Waxa fiican inay Golaha baneeyaan, ilayn ma noqon karaan gole sharci dejineede. ilayn waa kuwan Culimadii ay ka tudh tudh bateen xildhibaanadii’e . Addunyadoo dhan waddan Muslim iyo mid Gaalba meel aanu Bank-gi  ka jirin ma jirto. Waxase had iyo jeer iga yaabiya, markuu qof u tago Bangiyada Islaamiga ah ee dhulkeenna, ee uu weydiisto inay amaahiyaan lacag uu wax ku soo iibsado, waxay ku yidhaahdaan annagaa ku soo iibineyna waxaad rabto, waxaanuse ku dul saaraynaa khidmad iyo faa’iido yar oo dul saar ah.

Odhaah baa tidhaahda haddii uu xayawaan afar lugood leeyahay, oo weliba labada lugood ee dambena habeed ku leeyahay, kurusna leeyahay, markuu qooqana uu doobta soo tuuro, wax kale maaha ee waa Baarqab Qooqay. Markaas, Khidmad iyo faa’iido yar oo dulsaar ahi miyaanay Ribo magac kale uun loo bixi ahayn? Ta kale, haddii Ribada (interest rate) iyo khidmada oo ay la socoto faa’iidada yar ee dulsaarka ahi , xisaab ahaan la kala jaro labadaas, tolow hadhaagu imisuu noqon lahaa? Marmarka qaarkood Waxaan isweydiiyaa tolow marka labadaas la kala jaro ta Hal dheerida yeelan lahayd. Wax is weydiini ma xumee, wax is weydaaris baa darran.”

 

Geesta kalena, Haweenay magaceeda ku sheegtay Drs. Hoodo Yuusuf, ayaa qoraal ay ku baahiyay mareegaha internet-ka waxay si kooban uga faalootay mowduucan koox ka tirsan aqalka wakiiladda iyo afartan wadaad ay buuqa geliyeen, waxaanu qoraalkeedu u dhignaa sidan:-

“Xeer-dejinta waxa  loo egmaday  Golaha Wakiilada, waana qalad in gacan kale la geliyo.  Waxaan arkay dood sawaxan badan oo xubnaha qaarkood foodhyayaan, qaarna miiska garaacayaan. Waxaan kale oo aan  dhegaystay  Xildhibaan akhriyaya tallooyin laga soo ururiyay 12 Wadaad oo ka soo  jeeda  Qaadiriya, Saalixiya iyo Soofiyaa  Wuxuu sheegay inay dhammaantood isku raaceen  inay xaaran tahay  ogolaanshaha  Bangiyadda  ganacsigu  “commercial Banks “

Guddigaas loo xil-saaray xeerka baanka, daraasad kumay samayn sababta   Sacuudigu u ogaalatay  in laga furo  magaalooyinka  Makka,Medina, & Jeddah 24 baan “Commercial Banks.  “Waxa ka mid ah    Duetcshe Bank , State Bank of India,  BNB Paribas ,  JP Morgan chase, Saudi British Bank, Hollandi Bank iyo qaar kale .  Guddigaasi daraasad  kumay samayn sabata  51 Dal  oo Islaam ahi ay u ogolaadeen in  dalalkooda laga furo “Commercial Banks” iyo  shareecda  islaamka ee ay u cuskadeen. Dalalkaas waxa ka mid ah Egypt, Pakistan, Djibouti, Yemen, Af-qaanistan , Somalia,Qatar, Bahrain, etc. Guddigaasi may raadin  axkaamta iyo tallooyinka ay soo sareen hay’adaha ugu waaweyn  cilmi-baadhista Islaamka, sida  Al-Azhar University, Centre for Islam and Science;Islamic University of Medina IWM.

Somaliland horumar dhaqaale ma gaadhi karto haddii la dhegaysto  koox   wadaado ah. Waxaynu dib ugu noqonaynaa casrigii   wadadadu ishor-taageen in Ingriisku  dhiso  iskuulo   loona wareejyay Suudan . Waxa ka mid ahaa iskuulka  la diiday  “University of Bakhtalruda” , Sudan, waxaana  kasoo qalin jebiyay Aabahii Tacliinta Somaliland  Maxamuud Axmed Cali.

Haddaba, Shacabka Somaliland wuxuu la xisaabtamyaa Golaha Wakiiladda,  waxaana   habboon si dhakhso ah loo dhaqan geliyo xeerka Baananka, oo aan  tallada gacanta loo gelin  wadaado aanay ciddi dooranin.”

 

Golaha Wakiiladda Somaliland waxa looga fadhiyaa inaanay waajibaadkooda shaqo cid u dabo fadhiisanin, isla markaana aanay siyaasadeynin xeerka baananka oo ah mid dalku baahi weyn u qabo. Haddii kale waxay noqon doontaa in shacbigu ka tashado oo ay kalsoonida marka horeba liidatay ee ay ka qabeen Golaha Wakiiladda ay kala noqdaan.

 

 

COMMENTS
Latest News