dhaymoolenews.com
“Habarbaa Iska Haw-hawlee Heelada Inoo Tuma” Hambalyo Madaxweyne Qisaasta Aad Fulisay. W/Q: Khadar Cabdiraxmaan‏
January 14, 2016 - Written by wariye999

Horta sheekaba sheeko ayey keentaye’e qoladan reer Yurub mar kasta oo ay Somaliland talaabo u qaado dhanka ciqaabta aadanaha waxay la soo istaagnaa Somaliland waxay ku tumatay xuquuqdii aadanaha iyo wax aan dhaamin. Horta miyaanay ogayn in Somaliland tahay wadan Islaam ah oo ku dhaqama shareecada?

 

Ilaahay ayaa horta bixiya deeq iyo wax kasta, waxay ilaabeen in Rabi qaybio arsaaqda noole kasta oo dunida guud keeda ku nool. Haday taas rumaysan lahaayeen deeq bixiyayaal iskumay sheegeen reer Yurub iyo wixii la hal maalaaba.

 

Somaliland iyo madaxweynaha shacabka Somaliland maanta waxay leeyihiin hambalyo, gaar ahaan madaxweynaha oo noqday madaxweyne u taagan u hiilinta kitaabka Alle oo ah  nolosha aadamaha meesha marjaca u ah.

 

Mudane, Madaxweyne waxaan talo ahaan ku odhan lahaa halkaas aad ka taagan tahay cadaalada xooji oo go’aanada ku saabsan qisaaqsa kordhi, mar kasta oo kitaabka Alle loo hiiliyo waxaa soo baxda oo dhab ah in Alle sharaf iyo cisi kuu yeelayo, taas cagsigeeda mar kasta oo aad awaamiirta Alle ka baydho waa jab iyo leeleel.

 

Umadda reer Somaliland waxay majeerteen geesinimada aad qaatay Mudane, Madaxweyne oo ah in aad dadka u kala xaq soorto. Mudane, Madaxweyne sharaf iyo cisi mooyee xumaan kama heli doontid waajibaadka aad ka gudatay qisaasta aad ku fulisay dadka dhiigooda xalaashaday cida ay laayeen.

 

Dhawaaqa ka soo yeedhay reeraha ku midoobay Yurub waxaan odhan lahaa yaan dhag loo dhigin “habarbaa iska hawhawlee heelada inoo tuma” Gaal naf kuuma hayo. Casirgan la joogo waa xiligii gumaysiga dhaqaalaha, duul Alle u baahani xoolo bini’aadan ma sugaan ee fadhiga inta laga kaco dadweynow wax soo saar iyo dhaqaale abuur ha loo diyaar garoobo.

 

Ugu danbayntii waxaan ku soo uruurinayaa aragtidayda Somaliland haddii sidaa ay ku wado dadaalka kala xakamaynta bini’aadamka waxay noqon doonto wadan qani ah oo leh ilo dhaqaale iyo awood buuxda idamka Alle.

 

W/Q: Khadar Cabdiraxmaan

Khadarc16@gmail.com

 

COMMENTS
Latest News