dhaymoolenews.com
Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga, Oo Ka Hadlay Is-af-garad Laga Gaadhay Khilaaf Ka Dhex-taagnaa Ganacsatada iyo Shirkada DPW
March 19, 2019 - Written by wariye999

Hargeysa(dhaymoole)-Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga,Beeraha iyo Warshadaha Somaliland Md.Jamaal Caydiid Ibraahin oo maalmihii ugu danbeeyey ku hawlanaa xalinta khilaaf xoogan oo ka dhex qarxay ganacsatada kala duwan ee Somaliland iyo shirkada maamusha dekeda Berbera ee DPW, ayaa warbaahinta uga waramay kulan dhex maray ganacsatada waa-weyn ee Somaliland iyo madaxweynaha Somaliland Md.Muuse Biixi Cabdi.

Kulanka oo ujeedadiisu daaranayd sidii xal degdeg ah looga gaadhi lahaa xaalada cakiran ee maalmihii u danbaysay ka taagnayd dekeda Berbera, ayaa waxa uu ganacsatada Somaliland iyo guud ahaan ummadda Somaliland ugu bushaareeyey in xal ded-deg ah iyo is-afgarad buuxa laga gaadhay arintan.

Gudoomiye Jamaa Caydiid ayaa waxa uu ugu horeyn si weyn ugu mahadnaqay Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland oo uu tilmaamay inuu si qadarin leh u qaabilay ugana dhagaystay cabashadii ay qabeen .

Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga,Beeraha iyo Warshadaha Somaliland Md.Jamaal Caydiid Ibraahin  oo si qoto dheer uga waramaayey qaabkii loo xaliyey arintan ayaa waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “Runtii wakhti badan ayaanu isku qaadanay si wanaagsan oo ah sidii dhaqanka inoo ahayd oo saraaxiya oo dhan u wada jeedno ayaanu u wada hadalnay, dano badan oo dalka khuseeyana waanu ka wada hadalnay dhamaantoodna waanu isku afgaranay iyada oo shaqadiina ay saaka bilaabantay.”

Gudoomiye Jamaal oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu intaas raaciyey “Waxaanu ka wada hadalnay qodobada, In DP World oo ka cabatay sarifka hoos dhaca ah ee ku yimaada marka ay naga qaadaan lacagta somaliland ee iyagu dib ugu badalayaan doolarka, kaas oo aanu ka heshiinay, laba waji ayeyna ahayd kaas oo wajiga hore bilaabmayey 12 March oo lagu darayey sarifka lacag dhan 1500 iyo wajiba labaad oo ah 12 June in lagu daro 1500 oo kale, Madaxweynuhu cabashadayadii wuu tixgeliyey waxaanu ka saaray 1500 ee June la kordhin doono, kordhiskiina wuu noo soo jeediyey anaguna waanu aqbalnay.”

Sidoo kale Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga,Beeraha iyo Warshadaha Somaliland Md.Jamaal Caydiid Ibraahin  waxa uu sheegay in heshiis laga gaadhay cabasho ay ka qabeen liisamada ganacsiga ee ay ganacsatada dalka la siiyo waxaanu yidhi “Waxa soo raaca cabashooyin aanu ka qabnay liisamada ganacsatada la siin jiray oo dhibaato ka taagnayd gobol walbana ogyahay, dhibaatadaasi waxay ahayd liisamada ganacsatada la liisan jiray oo sadex nooc ahaa kuwaas oo kala xadayntoodii muran keenay, sadexdaas liisana hay’adihii dawlada ee ay kala khusaysay ee ganacsiga, maaliyada iyo dawlada hoose dukaamadii iyo bakhaaradii isku waydaarteen taas oo keentay in meherado badani xidhmaan qaarna muran keenaan halka kuwo kalana handidaad la kulmeen, madaxweynuhuna arintaas go’aan ayuu ka gaadhay wada hadal noo socdayna wuu sii xoojiyey.”

Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga,Beeraha iyo Warshadaha Somaliland Md.Jamaal Caydiid Ibraahin oo mudo kooban hayey xilka gudoomiye-nimada Rugta ayaa mudadii koobnayd ee uu joogay xafiiska waxa laga dareemay isbedel culus iyo dar-dar xoogan oo dhinaca shaqada iyo horumarinta Rugta ah iyo isku-xidh baaxadle oo dhinaca Ganacsatada kala duwan ee Rugta Ganacsigu u adeegto ah.

COMMENTS
Latest News