dhaymoolenews.com
Guddoomiyaha KULMIYE oo Kormeeray Habsami-u-socodka Hawsha Diiwaangelinta Codbixiyaasha ee ka Bilaabantay Gobolka Togdheer
January 17, 2016 - Written by wariye999

Weftiga Guddoomiyaha oo ka qaybgalay shaacinta bilowga rasmiga ah ee Diiwaangelinta Gobolka Togdheer

Burco ( dhaymoole)- Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa jagada madaxweynaha ee xisbigaasi Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa kormeeray habsami-u-socodka hawlaha diiwaangelinta codbixiyayaasha doorashooyinka Somaliland ee sida rasmiga ah uga bilaabantay Gobolka Togdheer saaka.

Guddoomiye Muuse Biixi oo isaga wefti uu hoggaaminayo oo ka kooban xisbiga KULMIYE iyo xukuumadda oo baryahanba hawlaha wacyigelinta diiwaangelinta codbixiyayaasha u joogaan Gobolka Togdheer, ayaa kormeer indho-indhayn ah ku sameeyey goobo dadweynaha laga diiwaanglinayey oo ku yaal magaalada Burco, kadib markii uu ka qaybgalay shaacinta bilowgeeda oo kulan ay ka qaybgaleen Guddiga Doorashooyinka, axsaabta siyaasadda, wakiilo ka socday dalalka qaadhaanbixiyayaasha, madaxda heer gobol iyo degmo iyo daneeyayaasha hawlaha doorashooyinka loogu sameeyey xarunta Jimciyadda Mujaahidiinta Sooyaal ee magaalo-madaxda oo ah goob diiwaangalineed.

Murrashax Muuse Biixi oo hadal kooban ka jeediyey madashaasi, waxa uu bilaabista diiwaangelinta uga mahadceliyey shacabka Somaliland iyo dhinacyada ka wadashaqeeyey, waxaannu yidhi, “Waxaan dhammaan hambalyeynayaa ummadda Jamhuuriyadda Somaliland iyo cid kastoo ka qaybqaadatay diiwaangelintan codbixiyayaasha doorashooyinka Somaliland, ha ugu horreeyaan qaadhaan-bixiyayaashu iyo xukuumaddaba, waxa kaloo aan aad u hambalyeynayaa Guddiga Doorashooyinka oo ilaa hadda hawshooda si fiican u wata, waxaannan leeyahay halkaa ka sii wada.”

Md. Muuse Biixi waxa uu ugu baaqay shacabka reer Somaliland inay si buuxda uga wada qaybgalaan is-diiwaangelintan oo faa’iidooyin badan u leh Jamhuuriyadda Somaliland, “Waxa maanta innagu waajib ah dhammaanteen in aynu ka wada qaybqaadanno diiwaangelinta codbixiyayaasha meel aynu joognaba, dadweynahana taas ayaan ku dhiirrigelinayaa.”

Sidoo kale, waxa kulankaasi hadallo dhiirrigelin iyo dardaaran ah ka jeediyey Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada Somaliland Md. Cismaan Cabdillaahi Saxardiid, Xildhibaan Abubakar Sh. Cabdiraxmaan Good oo ka mid ah Golaha Wakiillada iyo Guddoomiyaha Garabka Haweenka heer Qaran ee xisbiga KULMIYE Marwo Canab Cumar Ileeye, kuwaas oo shacabka ugu baaqay inay is-diiwaangeliyaan.

Intaasi kadib, Guddoomiyaha iyo weftigiisu waxay kormeereen sida hawsha diiwaangelintu ku bilaabantay, iyagoo booqday dhawr goobood oo ka mid ah kuwa dadweynaha laga diiwaangelinayey ee gudaha magaalada Burco oo ay ka mid ahaayeen goobaha ku kala yaal dugsiga hoose/dhexe ee Sheekh Yuusuf Kawniin, Garoonka kubadda cagta ee Alamzey iyo kuwo kale, waxaannu ka xog-waraysanayey hawlwadeennada ka shaqaynaya siday hawshu ugu socoto iyo inay jiraan wax caqabado ahi, isla markaana waxa uu ku dhiirrigelinayey dadweynaha safafka ku jiray inay samraan oo ay wada qaataan kaadhka codbixinta.

 

COMMENTS
Latest News