dhaymoolenews.com
Golaha Guurtida oo soo Geba-gebeeyay Dood ay ku lafo Gurayeen Dhaqaalaha Dalka.
October 4, 2021 - Written by wariye999

Hargeysa (Dhaymoole) – Mudanayaasha Golaha Guurtida Somaliland ayaa soo geba gabeeyay dood ay ku lafo gurayeen dhaqaalaha dalka iyo sidii bulshadu ay xoogga u saari lahayd tacabka wax-soo-saarka ee Beeraha.

Fadhigii maanta ee golaha guurtida ee Somaliland oo uu shirguddoominaayay guddoomiye ku xigeenka koobaad ee golahaasi mudane Siciid Jaamac Cali ayaa mudanayaasha golahaasi waxay dood dheer ka yeesheen dhaqaalaha iyo waxsoosaarka beeraha ee dalka,  iyagoo soo jeediyay in dalagga waddanka xoogga la saaro si looga maarmo cuntooyinka waddanka dibaddiisa laga keeno.

Halka sidoo kale ay mudanayaashu ku doodeen in khayraadka ku jirra badda Somaliland laga faa’ideysto isla markaana laga illaaliyo shisheeyaha guranaya, si taasi ay u soortawdana la taageero ciidamada illaalada xeebaha ee Somaliland oo loo dhammaystiro waxii qalab iyo taageero ah ay u baahan yihiin, si ay u sugaan guud ahaan badda Somalialnd.

Dhanka kale, mudanayaashu waxay soo jeediyeen in maciishadda oo maalmihii u dambeeyay kor u kac samaysay ay mas’uuliyiinta baanka Soamaliland iyo ganacsatadu ay wax ka qabtaan, si aanay sicir barar u noqon.

COMMENTS
Latest News