dhaymoolenews.com
GODLIYAHA GARAADKA
January 14, 2016 - Written by wariye999

MAXAA YEELAY HOOYO AYAA AKHRISKA BARTAY—HOOYO DARTEEDNA DUNIDA AYUU NALKA U SHIDAY!

 

wuxuu ku dhashay magaalada Milano ee gobolka ohayo, sanadkii 1847kii. Todobadii sano ee noloshiisa u horeysay ma uu haysan walaal ama saaxiib uu la ciyaaro, waana waqtiga caruurtu ugu ciyaar jeceshahay. Gabadh ay walaala ahaayeen way guursatay, walaalkiisii waynaana wuu shaqo tagay. Kaliya waxaa guriga ugu wehelyeelaysay hooyadii iyo habaryartii oo marmar soo booqanjirtay.

wuxuu ahaa ilmo yar oo su’aalo badan; oo dooni jiray inuu wax ka ogaado wax kasta oo uu arko. Magaciisu muxuu yahay? Faa’iidadiisu maxay tahay? Muxuu sidaa ugu samaysanyahay? Su’aalihiisu waxay ahaayeen qaar isdaba joog ah oo aad u badan. Hadii markaa jawaabtu ay qancin waydo mar labaad ayuu su’aasha dib ugu celin jiray. Hooyadii aad ayay u jeclayd, marka uu su’aal waydiiyana dhoolacadayn ayay ugu jawaabi jirtay. kumuu gaabsan jirin su’aal kaliya ee wuxuu isku dayi jiray inuu tijaabo ku sameeyo shayga, si uu u xaqiijiyo in jawaabta la siiyay tahay mid saxan iyo inkale.

Markii da’diisu ahayd todoba jir qoyskiisu waxay u guureen magaalo kale oo la yidhaahdo MASHIGAN halkaasoo madarasad lagu daray, laakiin saddex bilood kuma wada jirin madarasadaas. Wax kasta oo loo dhigo wuu iloobi jiray, wuxuuna mar walba noqon jiray ardayga ugu hooseeya fasalka, sidaa awgeed macalimiintiisii way quusteen, waxayna ku tilmaameen inuu yahay mid caqligiisu aad u hooseeyo, mustaqbal waxbarashona aanu marnaba yeelandoonin. Maalinkii wuxuu guriga ku soo noqon jiray isaga oo ooyaya oo ilmadu ka da’ayso , maxaa yeelay macalinkii ayaa ardayda hortooda ku caayay oo ku yidhi: adigu waxaad tahay ilmo yar oo saaqida oo bilaa faa’iido ah. Xataa dhakhaatiirtu waxay saadaaliyeen in maskaxda wax  ay uga dhimanyihiin markay arkeen madaxiisa aadka u wayn ee qariibka ah.

Saddex bilood markuu dhiganayay madarasadii, macalinkii waa ka soo eryay, wuxuuna hooyadii ku yidhi (inankaagu maaha mid wax baran kara, raali naga ahaw madarasadayadana looguma talagalin dadka ay maskaxda wax uga dhimanyihiin). Ka waran ilmo yar oo todoba jir ah oo hadaladaas ka maqlaya macalinkiisii. Hooyadii arinkaa aad bay uga xumaatay waxayna ku jawaabtay: inankaygu maaha saaqid waxna wuu baran karaa, aniga ayaana baraya. Waxay abuurtay kalsooni buuxda si uu wax u barto, iyada ayaana macalimad ugu noqotay guriga dhexdiisa, waxayna ku guulaysatay inay barto wax akhriska, kadib markii uu wax akhriska bartay wuxuu bilaabay inuu akhriyo xataa hadii hooyadii isku daydo inay dhar u iibiso waa diidi jiray oo lacagta kitaab ayuu ku iibsan jiray. Hooyadii mudo saddex sano ah ayay sidaa wax u baraysay inkasta oo ay ahayd mudo gaaban hadana sida uu sheegay: (hooyaday waxay naftayda ku beertay jacaylka cilmiga waxayna I fahansiisay ahmiyadiisa).

Sanad guuradii tobnaad ee dhalashadiisa aabihii wuxuu u iibiyay kitaab saynis ah oo ay ku jiraan cilmi badan oo ka hadlaayay cilmiyadii la daah furay qarnigii sagaal iyo tobnaad sida tareenada, telegramka iwm. Kitaabkaasi marka la eego wuxuu noloshiisa u furay albaab cusub. Kitaabkaasi ayuu si fiican u akhriyay una fahmay culuumtii ku jirtay.

Akhris kali-ihi kuma filnayn. Wuxuu bilaabay inuu isaga laftiisu tijaabo ku sameeyo cilmigii ku jiray kitaabkaas, si uu taas u hirgaliyana wuxuu ka fikiray inuu sameeyo shaybaadh yar oo uu wax ku tijaabiyo, hooyadiina wuu u sheegay, laakiin hooyadii waa diiday iyada oo u baqaysa inay dhibaato ka soo gaadho. Ugu danbayntiise sidii uu ugu celcelinayay way ka aqbashay, waxayna siisay qol gaara oo uu ku tijaabsado cilmigiisa, mudo yar kadibna qolkii yaraa wuxuuba isku badalay shaybaadh wayn, wuxuu u samaystay khaanado uu isagu gacantiisa ku sameeyay waxaa kale oo urursaday quraarado uu ku shubto kimikada. Lacag kasta oo uu helana wuxuu ku iibsadaa kolba wixii uu alaab u baahanyahay si uu tijaabo ugu sameeyo si fiicana shaybaadhkiisa wuu u habeeyay.

Sanad kadib reerkii waxa ku dhacay shaqo la’aan iyo faqri adag, markaa wuxuu dareemay inay waajib tahay inuu shaqo raadiyo. Hooyadii ayuu arintaa u sheegay, hooyadiina waxay waydiisay shaqada uu doonayaa nooca ay tahay? Hooyo jaraa’idka ayaan ku iibinayaa meesha tareenku ka baxo, sidaana lacag ayaan ku helayaa, isaga oo hadalka sii wata wuxuu yidhi: waxaa kale oo intaa ii dheer inaan jaraa’idka akhristo aniga oo aan lacag ka bixinaynin, wakhtigayga firaaqada ahna waxaan fursad u helayaa inaan akhristo kutubta taala maktabadaha bilaashka ah. Hooyadii arintaa way ka fikirtay iyada oo nafteeda la hadlaysana waxay tidhi: cimrigiisu imika waa 12jir wax kastaa ku dhici kara, waxaa laga yaabaa inuu tareenka ka dhaco, mayee inuu tareenka laftiisu rogmado amase uu habeenkii dib u dhacao oo goor dambe soo hoyo is yidhaahdo oo ay wax ku dhacaan, ilayn waa hooyee intaas oo su’aalood ayay is waydiisay. Aabihii laftiisu si cad ayuu arinkaa u diiday, laakiin wiilku arintaa wuu ku adkaystay, dood adagna wuu ka galay, ugu danbayntiina wuxuu ku guulaystay inuu ku qanciyo waalidkiisa arintaas, wuxuuna u balan qaaday inuu naftiisa aad u ilaalin doono. Intaa kadibna wuxuu bilaabay inuu iibiyo kutubta iyo jaraa’idka, taasina waxay fursad u siisay inuu maalgaliyo shaybaadhkiisii. Waqtiyada uu firaaqada helana makatabada guud ayuu tagaa oo uu wax iskaga akhristaa.

markii dambe wuxuu la saaxiibay ninkii ilaaliyaha u ahaa tareenka, qolkiisiina wuxuu ku samaystay shaybaadh, si uu tijaabooyinkiisa ugu samysto. Mudo yar kadibna wuxuu  helay lacag uu ku iibsado madbacad yar, taasina waxay u suuragalisay in isaga laftiisu soo saaro jariirad isagu qoraa ka yahay oo hadana isagu daabacanayo, isaga oo aanay cidina caawinayn. Jariiradiisii waxay noqotay mid aad loola dhacay, wuxuuna ka helay faa’iido aad u badan, laakiin waxaa dhacay waxaan la filayn; tareenkii ayaa shil galay, alaabtiisii oo dhan ayaa wada jajabtay oo daadatay. Tareenkiina dab ayaa qabsaday laakiin ugu dambayn waa lagu guulaystay in la bakhtiiyo. Markii tareenkii gaadhay isteeshinkii ayaa maamulkii tareenku wiilkii ka eryay tareenka, alaabtiisii wixii meesha ku hadhayna banaanka ugu daadiyay, laakiin wiilkii waxba ma argagixin. Mar labaad ayuuna bilaabay inuu isteeshinka ku iibiyo jaraa’idka, shaybaadhkii gurigiisa yaalayna iska isticmaalo.

Maalin maalmaha kamida wiilkii oo jooga istaankii tareenada ayaa waxaa dhacday in tareenkii oo ordayaa soo baxo, mise waxaaba dariiqa taagan wiil yar oo uu dhalay ninka maamula tareenku. Wiilkaas yar oo wax waraba aan u hayn tareenka.

wiilkii oo taagnaa meel u dhaw ayaa arkay cunuga yaree khatarta ku jira ee tareenku dulmarayo, wiilkii si lama filaana intuu u booday ayuu cunugii yaraa gaf soo siiyay. Hadii aanu sidaa samayn lahayn, dhimashadiisu waxay ahayd mid la hubo. Aabihii dhalay cunuga yar ayaa arintii ogaaday, aadna ugu mahadceliyay wiilkii, abaalgudna u siiyay lacag fiican, laakiin wiilkii wuu diiday lacagtaas, wuxuuna yidhi hadii aad ii abaal gudayso waxaan kaa codsanayaa inaad ii sharaxdo sida uu u shaqeeyo telegramku. Ninkii waa aqbalay codsigiisii wuuna baray. wiilkii mudo yar kadib wuxuu noqday caalim yaqaana telegramka iyo shaqadiisa, intaa kadibna ninkii shaqo ayuu siiyay. Waqtigaa wiilka da’diisu waxay ahayd lix iyo toban sano, taasina wiilka waxay u furtay albaab aad u wayn oo cilmi.

Kadib wuxuu bilaabay wiilkii inuu horumarin ku sameeyo telegramka oo uu ka dhigay mid ka awood badan oo ka degdeg iyo qaadis wayn intii hore.

Mudo yar kadibna wuxuu ku guulaystay daahfuryo dhawr ah oo lagu qiimeeyay ilaa todobaatan kun oo doolar, waxaana ka iibsatay shirkada la yidhaahdo western union, lacagtaasna wuxuu ku hirgaliyay shaybaadhkiisii waynaa eek u yaalay magaalada manloobarik ee gobolka new jersi.

wiilku halgankiisii daahfurka waa sii waday marka uu mid dhamaystiraba mid kale ayuu u gudbaa, mar ay congreska maraykanku qiimayn ku sameeyeen daahfurada uu wiilkani sameeyay waxaa laga dhigay tiradooda in ka badan 1093 daahfur oo qiimihiisu gaadhayo shan iyo toban malyuun oo dollar oo waqtigaas taagnayd, waxayna go’aamiyeen in wiilka la siiyo abaalmarintii ugu qiimaha badnayd abid ee la siiyo nin wax daahfura. Marka aad eegto halka uu safarkiisa ka soo bilaabay iyo halka uu soo gaadhay, farqi aad u wayn ayaa u dhexeeya, sababtoo ah Hooyo ayaa akhriska bartay—sida soo socotana hooyo darteed, dunida ayuu nalka u shidi doonaa.

Barigii hore majirin laambada yar ee qolalka lagu shito. Waxa la sheegaa in maalin maalmaha kamida wiilkii yaraa hooyadii bukootay dhakhtarkana loo qaaday, markii arinteeda la baadhay waxaa dhakhaatiirtii ku taliyeen in qaliin ay u baahantahay, laakiin habeenbaa soo galay. wiilkii oo hooyadii aad u jeclaa ayaa dhakhaatiirtii ka codsaday in isla habeenka la qalo, waayo xanuunku inuu ku siyaado oo dhib u gaysto ayuu ka baqay, laakiin dhakhaatiirtii waxay sheegeen inaan habeenkii qaliin la samayn Karin, maadaama aan iftiin ku filan oo wax lagu arki karo aanu jirin, islamarkiiba waxaa maskaxdiisa ku soo dhacday inay waajib tahay in si degdeg loo helo dariiqad lagu sameeyo laambad iftiin wayn leh oo wax lagu arko.

Habeen habeenada kamida ayaa wiilkii wuxuu fuulay meel sare oo magaalada kamida, kadibna magaalada ayuu hoos u soo eegay, wuxuu arkay magaalo madaw. Wuxuu maskaxdiisa ka sawirtay; isaga oo soo saaray laambad iftiimisa magaalada. Laambad ay isticmaali karaan faqiirka iyo taajirkuba oo iftiinkeedu yahay mid macquul ah. Riyadaasi waxay ahayd mid wiilka maskaxdiisa aan marnaba ka faaruqin.

Maalin maalmaha kamida ayuu soo booqday saaxiibadii farmar iyo walas isla waqtigaas oo ay ka tashanayeen sidii ay suuragal u noqon lahayd in la soo saaro laambad (saaxiib soo dhawoow waxaad timid waqti munaasiba oo laguu baahnaa aan ka sheekaysano sidii aan xal ugu heli lahayn mushkiladan laydhka) ayay ku yidhaahdeen.

wiilkii wuxuu soo jeediyay fikrado iyo talooyin lagu samayn karo laambad iftiimaysa, laakiin labadii kale aad bay uga hor yimaadeen fikirkiisii, iyaga oo u arkayay in fikirkaasi aanu soconayn, laakiin wiilkii isaga oo aaminsan in fikirkiisu soconayo ayuu soo gabagabeeyay hadalkiisii (waan idiin samayn doonaa laambad ku haboon guryaha iyo xafiisyada), kadibna wiilkii arintii ayuu shaaca ka qaaday, taas oo ah inuu mashruucaa gudo galayo, taasi waxay keentay in labadii nin ee saaxiibadii ay ka hor yimaadeen heer arintoodu gaadhay in saxaafada la isku weeraro. wiilkii culays badan ayaa soo foodsaaray, gaar ahaan shirikaadkii gaaska oo u arkayay hadii uu wiilku ku guulaysto fikirkiisa in sharikaadkooda ay shaqo la’aan iyo khasaare ku dhici doono, maxaa yeelay dadku waxay isticmaali doonaan laambada oo uma baahnaan doonaan inay gaas isticmaalaan, sidaas awgeed weerar culus ayay ku qaadeen wiilkii, si ay ugu yaraan dadkii maalgalin lahaa u niyad jabiyaan, hadii uu waayo cid maalgalisana halkaa uu mashruuciisu ku baaba’o.

Waxaa lagu tuhmay wiilku inuu yahay mid waalan oo ku riyoonaya wax aan macquul ahayn. Wax kasta oo soo waajaha wiilku dheg uma dhigin, wuxuuna bilaabay hirgalinta mashruuciisii, habeen iyo maalina wuu waday sidii uu hawshaa guul uga gaadhi lahaa. wiilkii iyo shaqaalihiisii waxay bilaabeen in macdan kasta oo dhulka taala ay tijaabiyaan, marka mid ay ku fashilmaanba mid kale tijaabiyaan, shaqaalihiisuna ayna marnaba shaqada joojin oo cuntadana ay ku cunaan miisaska shaqada dushooda, isaga oo wiilkuna uu dul taaganyahay oo dhiirigalinayo. Siligyada ay adeegsanayeen kolba way gubtaan oo way baaba’aan ilaa uu gaadhay heer dadkii caawinayay ay quusteen oo niyad jabeen. Waxaa taas kasii darayd in dadkii mashruuciisa maalgalinayay ay ugu hanjabeen inay maalgalinta is degdega uga joojindoonaan hadii uu guul ka gaadhi waayo mashruuca. Markasta oo cidii maalgalinaysay joojiso maalgalintaba hadana wuxuu raadiyaa cid kale oo maalgalisa, maxaa yeelay mashruucu wuxuu u baahanyahay maal fara badan si uu usii socdo oo uu u xaqiijiyo hadafkiisa, ugu dambayn wuxuu u bandhigay mashruuciisii mid kamida raga bankiyada leh ee New York, wuxuuna balan ugu qaaday in mashruuciisa ku dhamaystiridoono mudo yar oo gaadhaysa lix usbuuc.

Maamulihii bankiga ee morgan ogaysiis ayuu ku bixiyay inuu aasaasayo shirkad caawisa wiilka mashruuciisa, sheerarkii shirkadana suuqa ayuu ku sii daayay, laakiin nasiib daro cidina ma iibsan. Kadib wiilkii wuxuu ka fikiray inuu qaab xeelad ah sameeyo oo uu sheego inuu ku guulaystay soo saarida laambada, isla markiiba waxaa la iibsaday sheerarkii shirkadiisa, sidaana ku helo lacag fara badan. wiilkii markaas ayuu shaqadii u dabgaliyay hurdana way isdaayeen, waayo wakhti mahaysto. Dadkii wuxuu u sheegay inuu hawsha dhameeyay. Wuxuu u dhexeeyay dhimasho iyo guul. Ugudambayn wuxuu helay dariiqadii saxda ahayd ee laambada. Akhriste inaba magaranaysaa wiilka qisadu kasoo sheekaysay? Waa Thomas Addison.

Sikastaba ha-ahaatee, aduunka oo dhami wuxuu isku dayay inuu jabiyo niyada iyo mooralka Thomas Edison, laakiin Thomas su’aashaas jawaabteedii oo dhamaystiran ayuu aduunka u soo bandhigay wuxuuna sidaa ku noqday mid martabad sare ka gaadhay nolosha aduunka. Markii macalinkiisii niyad jibiyay hooyadii ayaa niyada u dhistay;bartayna sida wax loo akhriyo; isaguna wuxuu aduunka baray cashar lama ilaawaan ah. Isagoon ka bixin dugsi hoose, mid dhexe, mid sare iyo jaamacad toona. Wuxuu helay dhiirigalin, wuxuu bartay sida wax loo akhriyo, wuxuu akhriyay wax farabadan, war la helyaaba qorshe la helye akhriskii faraha badnaana wuxuu godliyay garaadkiisa. Maxaa yeelay hooyo ayaa akhriska bartay—hooyo darteedna, dunida ayuu nalka u shiday. Akhriste waxa suurtagala in adiguna hadii aad dadaasho oo aad akhriska joogtayso, aduun iyo aakhiroba inaad ku liibaanayso, halkaa iyo meel ka saraysana aad gaadhidoonto’e la saaxiib akhriska oo godli garaadkaaga.

 

Waa maxay akhrisku?

“Akhrisku waa cibaado waana furaha cilmiga, wuxuuna naftaada ku abuuraa cilmiga jacaylkiisa iyo baahida ah in cilmi la baadho sidookalena wax la qoro. Wuxuu sameeyaa qof dhamays ah wuxuuna ku baraa saaxiibo wanaagsan.  Akhrisku Waa dawada xifdiga, wuxuu koriyaa garashadaada iyo hal-curintaada maskaxeed; wuxuuna ku siiyaa jimicsi nafeed, dareen wehelnimo iyo mid raaxo”.

Qofna cilmibaadhis masamayn karo hadaanu wax soo akhriyin Qofna wax ma qori karo hadaanu wax soo akhriyin, Qofna ma khudbadayn karo hadaanu wax soo akhriyin,Cilmi in la baadhaa haday akhris ku xidhantahay Buug in laqoraa haday akhris ku xidhantahay Khudbad in la jeediyaa haday akhris ku xidhantahay Maxaa akhris inaga hortaagan?

Ka buuga qoray iyo ka muxaadarada soo jeediyayba waa kuwo intay wax soo akhriyeen hadana wax soo baadhay, intaa kadibna buug qoray ama muxaadaro jeediyay. Akhriste inaad buug qorto ama muxaadaro jeediso kaliya waxa kaa xiga akhris iyo cilmibaadhis. Miyaanay kula ahayn inaad wax akhrido si aad wax u baadho, miyaanay kula ahayn inaad wax soo baadho si aad buug u qorto ama muxaadaro u jeediso. Akhriska iyo cilmi-baadhista hadaad joogtayso waxa biyo kama dhibcaana oo la hubaa in aad noqondoonto aqoonyahan wax curin kara, wax falanqayn kara, wax naqdin kara, oo wax kaqori kara dhamaan funuunta jirta ee diin leh, akhlaaq leh, suugaan leh, ee dhaqaale leh, ee maamul leh, ee qaanuun leh, ee taariikh leh, ee dhaqan leh, ee horumar leh, iyo dhamaan wax kastoo nafci leh.

Goormaynu cilmi baadhis samayn karnaa?

Goormaynu wax qori karnaa?

Goormaynu khudbadayn karnaa?

Goormayn wax curin karnaa?

Goormaynu wax falanqayn karnaa?

Goormaynu wax naqdin karnaa?

Goormaynu nolosha wax ka badali karnaa?

Kaliya goorta aynu wax soo akhrino. Sidaadarteed, akhristaha maantu waa hogaamiyihii beriye, akhriste ku dedaal akhriska.

lasoco qaybaha dambe…………..

Gar.Mohamed C.A.Shiil

solaado@gmail.com

COMMENTS
Latest News