dhaymoolenews.com
GODLIYAHA GARAADKA (qaybtii 2aad)
January 17, 2016 - Written by wariye999

Ahmiyada Akhriska iyo Faa’iidooyinkiisa
Akhrisku waa muftaaxa cilmiga, daliilna waxa inoogu filan, in akhrisku yahay wixii ugu horeeyay ee ilaahay rasuulkiisa amray N.N.K.H.A, lama amrin inuu sujuudo, lama amrin inuu rukuuco, lama amrin inuu cabo, lama amrin inuu cuno, lama amrin inuu soomo, laakiin waxa la amray inuu akhriyo. Sidaadarteed akhrisku waa wixii ugu horeeyay ee nabigeena suuban lagu soo dajiyay sida ku cad suurada Iqra, shanta aayadood ee ugu horeeya. Umadeenan islaamkana waxaba layidhaah, “Umatu-Iqra” oo ah umadii akhriska ama umadii cilmiga, waana fadli aynu umadaha kale dheernahay.
Ahmiyada akhriska iyo barashada cilmigana nabigu wuu ka waramay N.N.K.H.A. wuxuuna yidhi : barashada cilmigu waa ku waajib qofkasta oo muslim ah. Shakina kuma jiro in akhrintu ay tahay asbaabta ugu muhiimsan ee cilmiga lagu helo. Hadii basharku aanu akhriska baranlahayn muu xaqiijiyeen, xikmada jiritaankiisa ee arladan loo keenay, xikmadaas oo ah, inuu alle kaligii caabudo oo adeeco iyo inuu arlada camiro.
Intaakadib, akhrisku wuxuu basharka u suurto galiyaa inuu naftiisa barto iyo inuu daalacdo dhamaan wax kasta oo uu doonayo inuu wax ka barto, isagoon qofna gacan ka helin in badan oo noloshiisa ka mida. Akhriska waxaa laga helaa faa’iidooyin farabdan oo aan qalin lagu soo koobi Karin, laakiin in wax laga soo qaataa waa suurtogal, waxana kamida:
1. Akhriska oy qoristu la walaal tahay labadoodu waa muftaaxyada cilmiga, waayo akhrisku maskaxda ayuu godliyaa, dhankale qoristuna maskaxda ayay furfurtaa.
2. Akhrisku waa asbaabaha ugu waawayn ee ilaahay s.w.t lagu garto cibaadadiisa, adeecidiisa iyo adeecida rasuulkiisa suuban n.n.k.h.a.
3. Akhrisku waa asbaabaha ugu waawayn ee camiraada dhulka iyo hanashada cilmiyada la xidhiidha cimiraadaas.
4. Waa sababta fahmida taariikhda umadihii hore ee dunida soo maray iyo wax ka barashadooda.
5. Waa sababta kasbashada xirfado farabadan iyo sanaacado waxtar leh.
6. Waa sababta basharku ku kala saaro waxa nacfi u leh iyo waxa waxyeelada u leh dunidan culuumta taala.
7. Waa sababta lagu kasbado akhlaaq la mahadiyay, sifooyin sareeya iyo qiyam toosan.
8. Darteed basharku wuxuu ajar balaadhan iyo wanaag aan xisaab lahayn, kaliya markuu akhrisku yahay mid ku laxidhiidha kitaabka alle, sunada nabiga iyo kitaab kasta oo nafci leh, khayr ku tusiya sharna kuu diida.
9. Akhrisku waa sababta bina’aadamka kor u qaada aduun iyo aakhiroba, maxaa yeelay waa asbaabta cilmiga, sida rabigeen ku xusay kitaabkiisa, aayada 11aad ee Suurada Mujaadalah.
10. Waa looga guulaysto dhagaraha cadawga islaamka iyo muslimiinta ee kufaarta fogaatay iyo kooxaha lunsan adhaxjabkooda iyo ka digtoonaantooda.
11. Akhrisku waa sababta wehel u samaynta iyo u raaxaynta nafta, iyo ka faa’iidaysiga wakhtiga firaaqada wixii nafta anfac u leh. Waakii gabayaagii carbeed lahaa:
(cid qof la rafiiqo waxa u fiican kutub u faa’iidaynaysa, culuum iyo suugaan sida caqli ku tabantaabinaya)

Sikastaba ha-ahaatee, waxa inagu waajib ah in aynu markasta xusuusnaano qawlka rabigeen ku xusay kitaabkiisa, aayada 1aad ilaa aayada 5aad ee suurada Iqra iyo aayada 1aad ilaa aayada 4aad ee suurada Al-raxmaan.
Tilmaanta Kitaabku Leeyahay
Saacad qudha wehel lala joogo kitaabaa u fiican, dal shisheeye cid marti looga noqdana kitaabaa u fiican, waayo waa weel cilmi la ciirciiraya sidaadarteed, turjumaan ka fiicani majiro. Ma jiro geed ka cimri dheer oo ka midho wanaagsan kitaabka nafciga leh. Kitaabku waa wehel aan ku dacaayadaynayn, waa saaxiib aan ku canaananayn, waa rafiiq aan ku khiyaamaynayn oo kolkaad gudihiisa dhexgasho ku farxad galinaya, laabtaada balaadhinaya oo carabkaaga fidiniya, odhaahdaada wanaajinaya oo ruuxdaada quudinaya, sidookalena macluumaadkii aad hore u haysatay mid kale kuugu sii daraya. Kitaabku waa macalinka hadii aad wax uga baahato aan ku xaqirayn, hadaad ka maarantana markasta faa’iido kuula diyaarsan. Akhriste maxaa ka fiican kitaabka.
Maxaynu Kutubta U Akhrinaa?
Maxaa yeelay akhrinta waxaa ku duugan waxtar aad u tiro badan marka laga reebo intii aynu kor kaga soo waranay, si hadaba aynu uga jawaabno su’aasha maxaynu kutubta u akhrinaa? Kusoo dhawaw jawaabtii oo faahfaahsan.

1. Akhrinta waxa ku duugan, raaxo nafeed iyo quud aqooneed oo caqliga iyo ruuxdu ka helaan nasiino nololeed.
2. Akhrinta waxa ku duugan aasaarta iyo taariikhda sabano qadiima, umado dunidan korkeeda soo maray. Sidaadarteed, laga soo bilaabo nabi aadam c.s ilaa sabankeenan maanta, hore iyo dambeba akhristuhu wuxuu la noolaan karaa xadaarad kasta oo dunida soo martay.
3. Akhrinta waxaa ku duugan durduro xikmadeed oo saafiya, kuwaas oo laga helikaro waayo-aragnimada mid kastoo basharka kamida oo wax soo tijaabiyay. Durduradaasi waxay ina waraabiyaan hadaayad, hanuun iyo waano; iyo waliba sidookale garasho iyo hogaamin.
4. Akhrintu waxay ina siisaa booqasho maskaxeed oo caqligeenu safar indha-indhayna ugu bixitimo soo siyaarashada bustaanada nolosha, raadadka taariikheed ee soo hadhay dunida inteedii tagtay iyo waliba rajooyinka mustaqbal eek u soo aawan dunida dunida inta soo hadhay.
5. Akhrisku wuxuu inaga raraa caalam cidhiidhi ah oo daafihiisu ay diiq yihiin, wuxuuna inoo raraa caalam kale oo ka balaadhan kii hore xaga jihooyinka; xaga rajadana ka fog kii hore. Tusaale ahaan hadaad soo akhriday qisadii aynu hordhaca kaga soo sheekaynay—waxay kawaramaysaa wiil markii hore ku noolaa caalam cidhiidhi ah, laakiin markii uu wax akhriyay kadib, uu akhrisku u raray duni ka balaadhan tii uu markii hore ku noolaa. Wiilkaasi wuxuu dhib soo maray marka laga waramo, haduu aakhirana sidaa ugu dedaali lahaa, akhrisku wuxuu u rari lahaa meel aanu waligii ku riyoonin.
6. Markaynu akhriyayno warbixinada laga diyaariyay safarada loogu bixitimay daafaha kala duwan ee dunida, kol qoraagu wuxuu inoo rari guudka buuraha, kol wuxuu inoola qulquli xaga waadiyada, hadana si aynu indhaha uga doogsano wuxuu ina soo dhexmariyaa xaga beeraha iyo bustaanada ilwaadka leh, intaakadib, hadana wuxuu inoola kicitimaa xagaa iyo lamadegaano bootaan wayn, amintaas waxaabad moodaa in aynu taaganahay goonyihiisa, isku wakhti iyo isku meelna aynu ku wada noolnahay.
7. Akhrintu waxay ku bartaa tafsiirka hadalka eebe, oo ah ka ugu muhiimsan ee aad ka helikarto waxkastoo aad uga baahato, sida waanooyinka, bushaarooyinka, xikmada, digniinaha, qisooyin iyo tusaalayaal tirabadan, iwm.
8. Akhrintu waxay ku bartaa sunada rasuulkeena (c.s.w) oo ah marjaca labaad ee sharci dejinta islaamka.
9. Akhrintu waxay ina bartaa siirada rasuulkeena (c.s.w) iyo akhlaaqdiisii suubanayd oo waano iyo cibro inoo ah, ku dayashana inoogu sugantahay.
10. Akhrintu waxay ina bartaa waxkastoo bashar ku horemaray.
11. Akhrinta waxa lagu ogaadaa farqiga u dhexeeya xalaasha iyo xaraanta.
12. Akhriska waxa lagu ogaadaa dariiqa khayrka iyo liibaanta, dariiqa sharka iyo halaaga, camalka ehelu janaha iyo camalka ehelu naarka, waxa sidookale lagu gartaa sifooyinka janada iyo ehelkeeda, iyo sifooyinka naarta iyo ehelkeeda.
13. Akhriska waxaa lagu gartaa abaalmarinta loo qoondeeyay kuwa adeecay alle iyo rasuul iyo ciqaabta loo qoondeeyay kuwa caasiyay alle iyo rasuul.
14. Akhris iyo ku camal falkii waxa lagu helaa liibaan aduunyo iyo mid aakhiro, iyo ka nabadgelida belaayo aduun iyo mid aakhiro. Sidaadarteed, cilmigu waa badwayn aan lahayn xeeli, maadaama oo cimriga basharkuna uu gaabanyahay, waxa laga rabaa, firaaqadiisa inuu akhriska ku maalo wixii anfac u leh; kuna dhaqmo, isagoo u kala guraya oodo dhacameed sida ay u kala sareeyaan. Ugu horeysiiyo kitaabka alle iyo tafsiirkii, iyo ku dhaqankii; sunada rasuulka alle (c.s.w) iyo sharaxyadiisa, iyo ku dhaqankii. Labadaas oo lagu mitido waxa ku sugan liibaan iyo badbaado wayn. Nabiguna wuxuu yidhi (c.s.w): (waxaan dhexdiina idiinka tegay, wax hadii aydun qabsataan aydaan lumayn waligiin, oo ah alle kitaabkiisa iyo sunada nebigiisa). Waxa wariyay xaakim, sanadkiisuna waa saxeex.

lasoco qaybaha dambe………………….

Gar.Mohamed C.A.Shiil

solaado@gmail.com

COMMENTS
Latest News