dhaymoolenews.com
Garbo Diiri Nin Daguugan Ma’weydo (Q/2-aad)
October 30, 2019 - Written by wariye999

 

Qoraaga wanaagsan waa ka fahma waxa ay xiiseynayaan akhristayaashiisu, riyooyinkooda, cabsidooda iyo xoggaha qarsoon ee ay ku farxayaan, waxaanu dhiirigaliyaa wanaaga.

Hab-qoraaleedka wanaagsan waxa uu leeyahay qaab-dhismeed la raaco oo ah, sida gogol-dhig, duluc iyo gun-dhig, ayuu hadalka kiisa toolmoon ee la jeediyaana u leeyahay milgo, qurux, qiimeyn, qaab-dhismeed u qaabaysan,  aaraar, ubuc iyo af-meer.

Sababtoo ah, hadalku waa farshaxan u baahan in la saxartiro oo laga  fiirsado heerka awoodda erayada fariimaha uu xanbaarsan yahay in ay ku sar iyo jaan go;an yihiin, ujeedada aad doonayso inaad u  gudbiso dhageystayaasha, sidaa awgeedbaa, Soomaalidu ugu maahmaahdaa “Hadal aan fiirsi loo odhan iyo caano aan fiiqsi loo dhamin labaduba feedhahay wax yeelaan”,

Isla markaana, waxa haboon in la kala fahmo, hadallada af-waajiga ah, kuwa af-gobaadsiga ah, kuwa mutuxan, kuwa maldahan, hadallada hubantida ah ee ku salaysan xaqiiqada dhabta ah, hadallada habowga ah ee loo tiraabo sida loo faro ee ka tagan murtida iyo maangalnimada, sida Wasiir Ku Xigeenkii Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ee yidhi”, “Saddexdii qofba qofbaa waalan Dadka reer Somaliland iyo Madaxweynihii yidhi”, “Doqonimada iyo Dulqaadku waa walaalo”.

Hadallada xanbaarasan kalgacayl laga dheehan karayo fikir caqli galka ah oo ujeedadoodu wanaagsan tahay, kuwa wax tarka leh, kuwa caafimaadka qaba ee kobciya xidhiidhka iskaashiga wadanoolaansha bulshada, kuwa dahsoon, kuwa maangalka ah, kuwa xannafta leh ee abuura ficillada kakan, kuwa deel-qaafka ah, kuwa cunfiga leh ee hagaasiya abuurka fahamka nollosha, kuwa guud-mar ka’ah, kuwa garrowga leh iyo kuwa gunuuska ah,

Inkastoo, noollaha uu isku af-gartaan urta, haddana ma’laha awood dhawaaq oo ka badan dhawr xaraf, sida, marka geellu uu reemayo ama uu ololaayo ama uu dunuunucaayo, Adhiguna uu taahayo, Lo’duna ay dinnaahinayso, Farduhuna dannanayaan ama xaraabinayo, Dacawaduna ay xareedinayso, Waraabuhuna uu wishiirrirayo iyo haddii Libaaxu uu qawdhamayo ama uu gurxamayo.

Laakiinse, dadkuna waxa ay leeyihiin doob codka sifaysa oo leh onkod dhawaaq u gaar ah, oo u baahan hawo uu raaco, isla markaana, haysta taxane shaqallo iyo shibbaneyaal isku-xidha weedho leh ereyo cuddoon oo ay ku dhidban yihiin tiraab ku socota hannaan iyo habdhac toolmoon, sarbeeb humaag maldahan oo midhaha ku duugani ay xanbaarsan yihiin muuqaallo dhab ah oo la isku af-garto ama la isku fahmo, ayuu hadalka kiisa wacan ee la jeedinayaana u leeyahay qaab-dhismeed ka kooban, aaraar, ubuc iyo af-meer.

Araartuna waa gogol-dhiga hadalada dhaliya himilada guusha la hiigsanaayo midho-dhalkeeda, waxaana muhiim ah in la  soo bandhigto araar ujeedadeedu ku salaysan tahay mawduuca laga hadlaayo, oo ay ku ladhan yihiin weedho xiiso badan oo soo jiidanayaa dareenka dhageystayaasha, su’aalo lagaga jawaabo aarraa, weedho la xidhiidha odhaahyada dhaliya murannada,  hal-ku dhegyo, sheekooyin kaftan ah, ka dibna, isla markaad hantido dheggaha dheggeystayaasha, ayaa loo gudo-gallaa dulucda hadalka.

Dhibic ka mid ah dulucda hadalku waxa ay noqon kartaa baaq ama war qeexaya muuqaal wanaagsan oo macnihiisu aanu shaki ku jirin,  qodobo muhiim ah oo wax tar leh, kuwo wax ku ool ah,  kuwo la xidhiidha dhacdooyin dhab ah oo la taaban karo, sheekooyin dhacay oo aad u xiiso badan, kaftan ku saabsan aroos, xusuusasho gudoon wacan, hadallo qodobaysan oo macquul ah oo loo qorsheeyey nidaam wanaagsan,  xikmad, tusaalooyin,  baadhitaano iyo xogo la soo ururiyey, ka dibna, loo diyaar garoowbo inaad maqasho murannada fikradahaagii ama hadallo habow ah oo aan haysan meelnaba iyo kuwo aan ku jirin ujeedada hadalkaagii, gabo-gabaduna waa qodobo kooban oo ka hadla gunaanadka ujeedadaada iyo dardaaran.

 

Ka dib, marka uu dhamaado kulankaasi, waxa la sameeyaa qiimeyn guud oo ku saabsan qaabkii uu u qabsoomay kulankaas iyo wakhtigii loo qoondeeyey, in si fiican loo xushay ujeedadii laga hadlaayey ama in ay ku timid caqabad, iyo inay qaateen fariintii iyagoo xiiseynaya dhageystayaashu.

Gabo-gabadii dhibic ka mid ah qormadeenan waxaan u dhaafayaa in ay sidaas ku qiimeeyaan akhristayaashu, khudbaddii ugu dheerayd ee uu jeediyo Alla ha u naxariistee Madaxweynihii labaad ee Jamhuuriyadda Somaliland, Maxamed. X. I. Ciggaal, muddo haatan laga joogo siddeed iyo toban sannadood, khudbaddaas oo socotay laba saacadood iyo toban daqiiqadood.

Gogol-dhiga ujeedada nuxurka khudbadaas oo u qaabeysneyd afar-qodob, waxaanu yidhi:- Aftida Distoorka loo qaadayo ee aynu sugayno in ay dhowr iyo tobanka cisho ee innagu soo aadan inay ka dhacdo dalka Jamhuuriyadda Somaliland oo dhan…… La soco………

 

 

Qoraa: Maxamed Faarax Qoti

mfqoti@gmail.com

 

COMMENTS
Latest News