dhaymoolenews.com
Ganacsato Beenisay in ay Xanuun Qabaan Xoolo lagu Soo Celiyay Berbera
July 7, 2022 - Written by wariye999

Berbera (Dhaymoole): Markab saddex habeen ka hor xoolo nool ka qaaday dekadda magaaladda Berbera ayaa isla xalay dib ugu soo celiyay xoolihii uu siday dekadda Berbera, kadib markii ay cilad ku timid.

Sababta keentay in markabkaasi uu xoolaha dib ugu soo celiyo Berbera ayaa la sheegay in ay la xidhiidho cilad ku timid markabkaasi markii uu qiyaastii 70 Mile ka socday dekadda magaaladda Berbera.

Markabkaasi oo siday 11400, oo neef oo Adhi ah, una waday dalka yemen, ayaa ciladiisu la xidhiidhay kadib markii uu Dabayl aad u xoogan kala kulmay Bad-weynta, taasoo ku qasabtay inuu markabkaasi socon kari waayo.

Waxaana jiray warar sheegayay in sababta markabkaasi xoolihii uu siday Berbera uu ugu soo celiyay ay tahay xanuuno lagu arkay xoolaha iyo waxyaabo kale.

Hase yeeshee waxaa arrintaasi beeniyay masuuliyiinta wasaaradda Xanaanadda Xoolaha iyo Kalluumaysiga ee Somaliland iyo qaar ka mid ah ganacsatadda ka shaqaysta dhoofinta xoolaha nool.

Xubno ka mid ah wakiiladda Maraakiibta dekadda Berbera ka shaqeeya oo shalay shir jaraa’id ku qabtay magaaladda Berbera, ayaa sheegay in aanay jirin haba yaraatee wax xanuuno ah oo sababay soo noqoshadda markabkaasi.

Basle sababta uu markabka xoolaha Berbera ka qaaday hadana dib ugu soo celiyay xoolihii ay la xidhiidho cilad fudud oo markabka soo gaadhay, iyadoo markii la ogaadayna la isla qaatay inuu xoolaha dib ugu soo celiyo Berbera.

Waxay sheegeen masuuliyiintaasi in xoolihii uu siday Markabkaasi la filayo in ay caawa ka baxaan dekadda Berbera, iyadoo uu qaadi doono Markab kale oo ay Mataanno yihiin markabka ciladoobay.

Isuduwaha wasaaradda Xanaanadda Xoolaha iyo Kalluumaysiga ee gobolka Saaxil C/kariin Cismaan Cawaale, ayaa si adag uga hadlay wararka laga baahiyay xoolaha uu siday markabkaasi.

Waxaanu yidhi, “Wasaaradu waxay meesha u joogtaa in ay sumcadda xoolaheenna iyo dalkeenaba ilaaliso. Sumcadda dalkeenuna waa dhoofinta xoolaha, iyo caafimaadkoodda in la ilaaliyo. Arrintaasi mid lagu ciyaaro maaha, iyo in been laga sheego xoolaha oo aanay waxba ka jirin, in wax xanuuno ahi ay xoolaheena ku soo kordheen, in warbaahinta laga sheegana maaha”.

Sidoo kale dhakhtarka dekadda Berbera iyo dhoofka xoolaha Dr. Dawlad Maxamed Faarax, ayaa isna ka warbixiyay sababta keentay in markabkaasi uu Berbera dib ugu soo celiyo xoolihii uu hore uga qaaday.

“Waxaa jira Markab magaciisa la yidhaahdo Nopa2 oo xoolo qaaday, oo naga baxay habeen hore, ooDabaylaha jiraa ay ku keeneen cilad. Waxay agancsatadiii xoolaha lahayd iyo wakiilkii markabku go’aamiyeen in dib loo soo celiyo, oo xoolihiina lagu wareejiyo Markab kale oo isla ninka kan leh uu isna leeyahay, oo la yidhaahdo Nopa1.

Muddo 24 saacadood ah ayaa xoolahaasi lagu kala bedelay, caawa (xalay) ayaana la kala wareejin doonaa xoolahaasi, oo laga wareejin doonaa Nopa2, laguna wareejin doonaa Nopa1” ayuu yidhi Dr. Dawlad Maxamed Faarax.

Geesta kale Kabtan Yuusuf Cali Nuur, wakiilka markabka Nopa1, ayaa isna sheegay in aanu jirin wax xanuun ah oo xoolahaasi lagu soo celiyay, xoolaha uu siday na ay caafimaad qabaan. Balse markii la ogaaday in aanu markabkaasi gaadhaynin dalka Yemen oo uu xoolaha ku waday in dib loo soo celiyay.

“Markabka Mishiinku ma ciladoobin, balse Dabayl xoogan ayaa ka hor yimid, sidaas ayaanu ku socon kari waayay, 70 Mile, markii uu socday, dib ayaana loo soo celiyay. Markabka Nopa2, oo laba maalmood ka hor xoolo ka qaaday dekadda Berbera, wuxuuna qaaday 11400, oo neef oo Adhi ah. Markii uu socday muddo 10 saacadood ah, Dabayshaasi ayaa qabatay, wuuna socon kari waayay.

Markaa waxaa go’aanki noqday in aanu markabkaasi soo celino, maadaama oo aanu socon Karin shiidaalkuna uu ka sii yaraanayo, maadaama uu Berbera u dhaw yahay. Markii uu 70 Mile ka socday dekadda Berbera ayaanan soo celinay” ayuu yidhi Kabtan Yuusuf Cali Nuur, wakiilka markabka Nopa1.

 

COMMENTS
Latest News