dhaymoolenews.com
Ganacsade Xadhig Ku Mutaystay Taageerida Xisbiga Kulmiye
March 22, 2020 - Written by wariye999

Hargeisa (dhaymoole):Dastuurka Ayaa Damaanad Qaaday In Bulshada Somaliland Guud Ahaanba U Siman Yihiin Sharciga Iyo Shuruucda Dalka U Yaala Sharciguna Qofkasta Ka Sareeyo Loona siman Yahay

Iyadoo Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane muuse biixi Cabdi Halkudhagiisu Ahaa Sharciga Ayaa Saraynaya ???  Madxwayne Ma Shaqsiga Mise Sharciga Mise Shaadhka ???

Balse Waxa Muuqata In Shaqsigu Sharciga Ka Sareeyo Kana Awood Badan Yahay  Qofkasta Oo Reer Somaliland Ah Waxa Uu Xaq U Leeyahay Inuu Wax Dacweeyo Lana Dacwayn Karo Iyadoo Eedaysanuhu Xaq U Leeyahay In Sharciga lagu hor geeyo Mudo Affar Iyo Labaatan Saacadood Gudahood ah si Ay Maxkamada Awooda U Lihi Uga Gar Naqdo Dooda ama Garta Labada Dhinacba, Waa Dhibanaha Iyo eedaysanaha Balse Ma Qabo Sharciggu In Maxkamad La Aan Mudo 10 Cisho IYO Dheerad ah  Qofku  Sifo sharci Daro Ah ugu Xidhnaado  Shaqsi Ama Kooxo Dano Gaar Ahaaneed Ka Leh Xadhigan Muwaadinkan La Dulmiyay ,Cadaalad Miyay Noqonaysaa Yaase Aakhiro Lagaga Xisaabtamayaa Qofka Ama Muqaadinka  Shaadhka Dawladnimo Lagu Dhibo ama logu Dulmo Maxaase Ka Dhalankara Dulmiga Lagu Gaysto Xilka Ama Shaadhka & Mansabka Xukuumadeed Ama Masuuliyadeed

Hadba Hadaan Hoos ugu Soo Dhaadhaco Dulucda aan Qalinka Ugu Qaatay Arinkani Shacab Gabiley Fajac Iyo Amakaaga Ku Noq Kaasi Oo Ah Kan Hoos Ku Xusan ,Waxa Mudo Magaalada Gabiley Sifo Aan Sharciga Waafaqsanayn  Ugu Xidhan Muwaadin Xuseen Gadhyare

oo u xidhan Wasiirka Wasaarada Isgaadhsiinta Cabdiwali Cabdilaahi Suufi Jibriil Iyo Kooxo Kale Oo Daaha Dabadiisa Soo Taagan oo Sida la Sheegay Ay isku Hayaan Arimo Siyaasadeed,

Arinta Xadhiga Ganacsade Xuseen Gadhyare iyo u Dhaxaysa Wasiir Cabdiwali ayaa ah mid salka ku haysa sida la sheegay in wasiirku sas ka qaaday kadib markii uu Ganacsade xuseen gadhyare shirar duceedyo la yeeshay cuqaasha iyo dadka ka soo jeeda deegaanada ay ka soo wada jeedaan labadani Mudane Waa Wasiirka Wasaarada Isgaadhsiinta Cabdiwali Cabdilaahi Suufi Jibriil Iyo Ganacsade Xuseen Gadhyare , Talaabadani uu wasiirku kula Kacay Ganacsadaha ayaa Noqonaysa Mid uu ugu Quus Goynaayo Cid Kasta oo Damac siyaasadeed ifafaalaheedu ka Soo Muuqdo oo Ka Soo Jeeda Jufadiisa . Amaba Uu Wasiirku U Arko Inuu Yahay

Qof Awood U  Leh Inuu Bari Kamaalin Badali Karo Masuulkani Islamarkaasina Han Siyaasadeed Leh

Iyadoo Sida Xogo Aanu Helnay Sheegayaan in Wasiir Abdiwali Arintani Ku Noqotay Gudkaagii Biyo Makugu Soo Galeen Taas Badalkeedana Uu Kaga Jawaabay In Uu Adeegsado Awoodi Masuuliyadeed Iyo Xilkii Qaranku U igmaday Oo Uu Ku Takri Falayo kuna Awood Sheeganayo

Waxana Xusid Mudan In Wasiirka Hawlihii Qaranku u Igmaday Uu Kaga Mashquulay Talaabooyin Uu U Arko Is Difaac Ama Difaaco Booskaga Ayaa Lagu Socdaaye Mar Hadiiba Han Siyaasadeed Laga Sheegayo Mudane Xuseen Gadhyare

Ilaa Hadana Lama Garankaro Halka Ay Arintani Salka Dhigi Doonto

Ganacsade Xuseen Gadhyare  Ayaa Kamid ah Dadka Magaca Iyo Maamusta Ku Dhexleh Bulshada Somaliland Gaar Ahaan Gobolka Gabiley Iyo waliba Kuwa reer somaliland ee Dalka Dibadiisa Ku Sugan.

Sidokale Xuseen Gadhyare Waxa Uu Kamid Yahay Dadka Faro Kutiriska ah ee Dalkooda Dib Ugu Soo Laabtay Si Ay U Maal Gashadan Islamarkaasina Goobo Ganacsi Uga Furtaan Dalka Ugana Faaideeyan Bulshada Somaliland Aqoontii Iyo Waayo Aragnimadii Ay Kusoo Arkeen Wadamada Horumaray Galiyaana Dalkooda Hantidii Ay Mudada Dheer Kusoo Tabcayeen Waxa U Baahan in La Sheego In Ganacsade Xuseen Gadhyare Uu Kamid Ahaa Dadkii Wakhtiga Iyo Maalkaba U Huray Tartankii Doorashooyinka Ee Uu Ku Guulaystay Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi Kaalin Lama ilaawanana Ka Ciyaaray Keenistii Cododkii Guushu Ku Raacday Xisbiga Kulmiye Sababayna Hogaaminta Madaxwayne  Muuse Biixi Cabdi

Wasiir Abdiwalow Falaadhi Gil Gilasho Kaagama Godo

Guntii iyo Gabo Gabdii waxaan Fariin u dirayaa Madxwaynha Somaliland Muuse Biixi oo aan Leeyahay Dalka Sharci Si Kale Loo Akhristay Ayaa Ka Socdee ee Halku Dhagaagii Ma Wuxuu Ahaa Shaqsiga Ayaa Saraynaya ???

Sabobta aan  Hadalkan U Leeyahayna Waa Mid U Bulshadu Inta Badan Is Waydiinayso Jawaabteeda Waana Mid Looga Fadhiyo Madaxwaynaha Qarankana,ee uu  Kitaabka Quraanka Ugu Dhaartay In Uu Daacad,  Sinaan ,Iyo Cadaalad ,Ugu Shaqaynayo Umada Reer Somaliland Guud Ahaanba.

Hargeisa Office Desk

 

 

COMMENTS
Latest News