dhaymoolenews.com
Gabood iyo Fu’aad: Muxuu yahay xabsigan Jabuuti ku yaalla?
June 12, 2020 - Written by wariye999

Xabsiga Gabood wuxuu ku yaalla Jabuuti, waxaa sannadkii 1960-kii dhisay isticmaarkii Faransiiska ee dalkaas gumeystay. Xabsiga wuxuu ku yaalla xaafadda Gabood.Baaxad ahaan waxa uu ku fadhiyaa dhul gaaraya 9000 oo mitir oo isku wareeg ah, wuxuuna qaadaa illaa 300 oo maxabiis ah. Wuxuu ka kooban yahay dhawr qeeybood oo ay ka mid tahay qeyb la yirahdo qolalka 12-ka kuwaas oo uu ku xiran yahay Fuaa’d.

Waa qolal uu gumeystuhu ku “ciqaabi jiray dadka”, sida ay sheegeen dadkii lagu soo xiray halkaas. Qolalkan ayaa ah kuwa aad u dhib-badan oo ay ciqaabtooda adag tahay. Waxa uu sidoo kale leeyahay qeybo kale oo ay ka mid yihiin kuwa dumarka lagu xiro, ragga, dadka da’da ah iyo carruurta.

Gudoomiyaha Guddiga Xuquuqul Insaanka Jabuuti, Suleymaan Cumar ayaa sheegay in Jabuuti ay ka mid tahay dalalka saxiixay Axdiga Xuquuqda Aadanaha ee Caalamka ayna dhowreyso xuquuqda maxaabiista.

“Hadda waxaan sheegayay axdiga jirdilka mamnuucaya iyo qofka bini-aadamka ah in xuquuqdiisa la dhowro oo wax dhib ah aan loo geysan; sharcigaa Jamhuuriyadda Jabuuti way ansixisay”, ayuu yiri.

Sheekh Giire Maydal oo 2013-kii lagu xiray kuna jiray sannad iyo bar ayaa sheegay “in ay sidoo kale jirto qeyb loogu talagalay in lagu xiro siyaasiyiinta iyo dadka mucaaradka ah”.

Xabsigaan waxaa lagu xiraa dadka lagu xukumo dambiyada waaweyn. Waxaa maamusha Wasaaradda Cadaaladda ee qaabilsan xabsiyada dalka Jabuuti balse ka hor 2008 inta aanan laga wareejin waxaa maamuli jiray booliska.

Xabsigan waxaa lagu soo xiray siyaasiyiin caan ka ahaa Jabuuti oo qaarkood xilal sare ay ka soo qabteen dowladdaWaxaa ka mid ahaa Yasiin Yaabe oo ahaa tiliyihii booliska, balse markii dambe lagu xiray Gabood. Wuxuu ka mid ahaa saraakiishii ugu awoodda badnayd balse markii uu mucaaradka noqday ayaa la xiray

Yaasiin intaan lagu xirin xabsiga ka hor, isaga ayaa dad kale oo siyaasiyiin mucaarad ah iyo wasiirro dowladda ka soo horjeestay ku xiray xabsigaas.

Muddo aan la cayimin ayuu ku xirnaa sida ay dad xabsigaas ka soo shaqeeyay sheegeenna, Yaasiin halkaas ayuu ku dhex xanuunsaday, waxaana ku dhacay cudurada kelyaha u dhintay sannadkii 2002-dii.

Waa sidee xaaladda xabsiga Gaboode?Ururada xuquuqul insaanka ayaa xabsigan inta badan ku eedeya iney ka dhex dhacaan taccadiyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha oo ay ka mid yihiin jirdil iyo ciqaab adag.

Waxaa sidoo kale xaaladda xabsigan ka sheekeyay Safaaradda Mareykanka ee dalkaasi Jabuuti sannadkii 2018-kii kaddib markii madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelleh mar afaraad dib loo soo doortay.

“Qeybta dumarka ee xabsiga Gaboode iyo qeybta ragga waa isku mid inkasta oo ay dad aad u tiro yar yihiin. Tirada maxaabista ku jirta xabsiga waxay ka badan tahay cadaddii loogu talagay. Baaxadda xabsiga oo aad u yar awgeed, waxaan lakala saarin dadka la dambiyada waaweyn lagu xukumay iyo kuwa kale”, ayaa lagu yiri qoraal soo baxay 2018-kii.

“Dadka loo xiro mucaaradnimada ayaa meel gaar ah lagu xiraa iyadoo sidoo kale aysan maamulku maxaabiista siinin iftiin iyo biyo ku filan. Maxaabiista dhanka maskaxda ka xanuunsan ayaa ku soo badanaya xabsiyada balse ma helaan daryeel gaar ah oo ku filan.”

Sheekh Giire Maydal oo ay isla xirnaayeen laba culimo ah oo kale ayaa sheegay in seddaxdeedo “la isugu geeyay qol yar oo ciriiri ah”.

Isagoo ka sheekeynayay qeybta lagu xiray wuxuu yiri: “Waxaa jirtay qeyb yara dhaanto qeybaha kale oo loo diyaariyay in wasiirrada dowladda mucaarada iyo dadka siyaasiyiinta ah lagy xiro; meeshaa ayaa nalagu xiray”.

Xilligii ay xirnaayeen, waxaa jiray isu soo baxyo ka dhacay Jabuuti oo lagu dalbanayay in la soo daayo culimadan oo lagu eedeynayay in mucaaradka ay taageeraan.

Qolalka 12-ka ah ee qeybta uu Fu’aad ku xiran yahay

Sida ay xaqiijiyeen qaar ka ka mid ah dadkii kale ee xabsigaa lagu xiray, Gabood kama jirto ciqaab jirdil ah oo gudihiisa laga geysto balse “waxaa jiro dad lagala baxo xabsiga oo lagu soo jirdilo meelo kale oo bannaanka ah”.

Sheekh Giirre oo sharaxayay qolalka 12-ka ah ee ah qeybta uu Fu’aad ku xiran yahay wuxuu sheegay: “Waa qolal isku xiran. Qofka markii jiifto wuxuu lugihiisa dul dhiganayaa kaniifka (suulliga)”.

Qolalkaas waa ciriiri saa’id ah, waxaana dhacdo in mararka qaar lagu xiro illaa laba ama seddax qof, taas oo caqabad ku noqota maxaabiista.

Suleymaan Cumar Cudin, Gudoomiyaha Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Jabuuti wuxuu sheegay in qolalkaas ay yihiin kuwo loogu talagalay in lagu xiro maxaabiista laga ilaalinayo dadka kale ee xabsiga ku jira ay la kulmaan.

“Fu’aad wuxuu ku jiray qolka 5-aad. Qolalka kalena waxaa ku jira maxaabiis kale”, ayuu yiri Suleymaan. “Qol-walba dherirkiisa waa 4m, ballaciisuna waa 2m”, ayuu hadalka ku sii daray.

Sheekh Giirre wuxuu sheegay in ay yihiin qolal ka fog qeybaha kale ee xabsiga, loona maro dhinac gaar ah. “Xabsiga dhinac kale bay ka xigaan oo meel kalaa laga wareegaa”, ayuu yiri.

Dhibaatada ay maxaabiista kale la kulmaan waxaa ka mid ah in “firaashyo fiican oo lagu seexdo uusan lahayn xabsiga iyo in dadka qaar loo dhigo baco ay ku seexdaan”, sida ay sheegeen dad kale oo dhowaan lagu xiray.

“Qof kasta waxaa la oranayaa jiifkaaga bacdaa ma dhaafi karo, wayna kala jeesanayaa dadka oo dhan. Illaa 80 qof ayaa meelaha hoolalka ah lagu xiraa”.

Gudoomiyaha Guddiga Xuquuqul Insaanka Jabuuti wuxuu sheegay in Musqusha (kanifka ama suulliga) uu kor uga kacsan yahay qolka. Maxbuuskana ay u bannaan tahay qeyb uu jiifto iyo meel uu ku tukan karo”.

“Kacdoon baa dhacay ka dib markii nala xiray”

Gabood waa xabsiga ugu caansan Jabuuti, waxaana lagu bartay in lagu xiro dadka dowladda ka soo horjeedo, in kastoo dad kale oo dembiyo kala duwan galay ay ku xiran yihiin.

“Xabsiga waxa uu raacsan yahay wasaaradda cadaaladda”, ayuu yiri Sheekh Giirre oo shaki geliyay in maamul ahaan uusan sidaan ahayn. Wuxuu sheegay in “hay’adda sirdoonka ay si aan toos ahayn u maamusho Gabood”.

Xabsigan waxaa gacanta ku hayn jiray Booliska balse hadda wuxuu leeyahay ciidamo u gaar ah oo dariis gaar ah xiran.

“Sida Fu’aad oo kale, markii nala xiray, mudaaharaadyo is daba joog ah baa dibadda ka socday. marka maynan suuragaleyn in bannaanka naloola baxo”, ayuu yiri Sheekh Giirre.

“Annagu 2013-kii, mucaaradku way isu tageen. Waxaan ahayn dad culima ah oo dadku ay aad u dhageystaan,” ayuu yiri isagoo ka hadlayay sababta loo xiray.

“TV-ga Jabuuti baan ka hadli jirnay. Masaajiddaan ka hadli jirnay; Meelaha la isugu yimaado baan ka hadli jirnay. Marka taageero ayaan mucaaradkii siinay marka doorashadaa bay mucaaradku guulo ka gaareen”.

“Dowladda waxay u aragtay in cidda mucaaradka u geysay dadka in aan anagu nahay, marka ciqaab baa nalaagu dhigayay, sababtaa baana naloo xiray,” ayuu yiri Sheekh Giire Maydal oo BBC Somali la hadlay.

Labo ka mid ah Culimadaas ayaa hadda Jabuuti ka qaxay oo ku nool qurbaha halka mid ka kalena weli uu ku sugan yahay dalkaas

COMMENTS
Latest News