dhaymoolenews.com
Faysal Cali Waraabe Oo Sheegay In Uu Maraykanka Kala Hadlay Gobollada Bariga Somaliland
January 27, 2016 - Written by wariye999

Hargeyska:(Dhaymoole)- Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in  u dawladda Maraykanka kala hadlay  siyaasadda Somaliland ka leedahay goballada bari ee dalka.

Faysal Cali Waraabe oo ku sugan dalka Finland ee qaarada Yurub, ayaa ka warbixiyay socdaal uu dhawaan ku tagay dalka Maraykanka. Waxaana uu tilmaamay in uu la kulmay wasaarada arrimaha dibada ee dalka Maraykanka. is la markaana ay ka wada hadleen xaaladaha goballada bari ee Somaliland.

Eng. Faysal Cali Waraabe waxa uu sidaasi ka sheegay hadal uu u jeediyay taageereyaasha xisbigiisa oo  ku soo dhaweeyay dalka Finland, waxaanu yidhi “Waad mahad santihiin dadkiina isoo dhaweeeyay iyo dhalinyartan iga hortimid. sannadkii 1992-kii, bishii February ayay ahayd markaan bilaabay halganka xaqdoonka Somaliland ee ictiraafka 24 sanno ayaana ii buuxsamaya.”

  “Halganka halkan ayaan ka bilaabay, hadda waxa aan ka imid Maraykanka, waa tii aan  socdaal ku soo maray goballada bari ee dalka, socdaalkii la oo dhan jiray nabada iyo midaynta Somaliland, markaan baxayay waan u sheegay dawladda Maraykanka in aan goballadaas bari tagayo waanay la socdeen, haddana warbixintii ayaan soo siinayay wasaarada arimaha dibada ee Maraykanka.”

“Gobolada bariga Somaliland annagu xisbi ahaan siyaasad ayaanu ka leenahy, siyaasadaasi oo ah sidii dalka loo midayn lahaa, sidii diwaan-gelinta loo geli lahaa iyo sidii khayraadka wadanka loo wada qeybsan lahaa,” ayuu yidhi Guddoomiye  Eng. Faysal Cali Waraabe, hase yeeshee tafaasiil kama uu bixin nooca warbixinta uu siiyay dawladda Maraykanka waxay ahayd.

 

 

 

COMMENTS
Latest News