dhaymoolenews.com
Faa’iidooyinka Kaadhka Dhalashadda Muwaadinka
January 27, 2016 - Written by wariye999

1.    Kala saarid

Kaadhkani wuxuu  hagidoonaa, cadayndoonaa, qeexidoonaa, kala saari doonaa cida muwaadin ah iyo cida aan ahayn; wuxuuna ka dhabayn doonaa riyadii ictiraaf raadinta qarankeena, wuxuuna ka jawaabi doonaa su’aashii muwaadinka ee ahayd goormuu wadankani yeelandoonaa dal ku gal dunida oo dhami inoo aqoonsantahay? Goormuu muwaadinku helidoonaa xuquuqdiisii dhalasho ee 25ka sano ka maqnayd?.

 

Xuquuqdani maaha mid qof ka maqan, mid qoys ka maqan, iyo mid qabiil ka maqantoona, ee waa mid qaran ka maqan. Iyadoo ay taasi jirto, xuquuqdani waa mid aynu kala sinaandoono bulsho waynta caalamka oo dhan ku nool. In badan baynu aqoonsi raadinayaynay, laakiin intii hore oo dhan milil guudkii baynu dhayaynay, laakiin maanta dawladan talada haysaa waxay abaartay halkii ay sartu ka qudhunsanayd, aqoonsiga dibada laga raadin jirayna, ciriqiisu guduhuu yaalay, siyaasadeenii arimaha gudaha iyo tii dibaduba haday si fiican isula jaanqaadi karaan. laakiin indhaheenu hoostaba may eegi jirin ee waxaynu ahayn dad cirka loo calaamadiyay.

 

 

Sikastaba ha-ahaatee, dawladan madaxwayne siilaanyo bilawgii sanadkan 2014ka waxay si rasmiya daboolka uga qaaday in ay muwaadiniintu u diyaar garoobaan qaadashada kaadhka dhalashada ee lagu kala saarayo qofka wadanka u dhashay iyo ka aan u dhalan.  Soomaaliduna waxay ku maahmaahdaa, “talo iskuma kaa sheegto”, waayo wax hadaad raadinayso, dee wixii aad raadinaysay ku odhan maayo I hoo waykane, laakiin waxay u baahantahay inaad maskaxda rogrogto oo aad hesho ciriqii iyo wadadii yoolkaaga ku gaadhsiin lahayd, waayo soomaalidu waxay ku maahmaahdaa, “sidaad doonayso hadaad gaadhiwaydo, sidaad ka badinwaydo ayaa la yeelaa”, oo haduu yoolkaagu ahaa inaad hesho aqoonsi caalamiya, oo aad gaadhi kari waydo, waxa ka horaysa inaad ku dadaasho helida aqoonsi maxaliya, waayo soomaalidu waxay ku maahmaahdaa, “Oodo dhacameed siday u kala sareeyaanbaa, loo kala guraa”.

 

Sidaadarteed, maanta waxaynu helay ciriqii, qaadashada kaadhkanina waxay bar bilaw iyo bog cusub u tahay xaqiijinta himiladeenii qaran ee aynu raadinaynay 25ka sano, waayo kaadhkan dhalashadu waa aqoonsigii maxaliga ahaa diwaan galintuna waa gogolxaadhkii aqoonsiga, hadaba marka aynu kaadhkan wada qaadano isna diwaangalino, aqoonsigii maxaliga ahaa waynu haynaa, waxa qudha ee inoo hadhayna waa aqoonsigii caalamiga ahaa, sidaadarteed hadaynu gudaha ku guulaysano oo inagu dhexdeena is aqoonsano, dibadana waynu ku guulaysan karnaa.

la soco qaybaha dambe

Gar-Maxamed Cabdikariim Axmed (shiil)

COMMENTS
Latest News