dhaymoolenews.com
Faa'iidooyinka kaadhka dhalashada muwaadinka (qaybtii 4aad)
January 30, 2016 - Written by wariye999

 

4.             Kantarool

Kaadhkani wuxuu s/land dhexdeeda ka abuuridoonaa kantarool lamida ka kajira jabuuti iyo itoobiya. Ugu horayn waa in aynu dareeno in xaq wayni inaga maqanyahay, kaas oo ah wax aynu faa’iidadiisa garan lahayn hadii aynu safar ugu bixi lahayn wadamadan deriskeena, waayo wadamada deriska waxa ka jira kantarool aan ka jirin wadankeena s/land, wadamaasna ma sina qofka muwaadinka ah iyo qofka ajanaanibka ahi waayo waxay samaysteen wax kala saaraya, waxaasina wax kale maaha ee waa baasaboorka iyo dal ku galka. Sikastaba ha-ahaatee, kantaroolka ka jira wadamada deriskeena mid lamid ahi inuu ka hirgalo wadankeenan s/landna, muwaadin suurtogalinteedu waa mid adiga kugu xidhan, oo la rabo inaad hormood ka noqotee qaado kaadhka; isna diwaangali.

5.             Ilaalinta nabadgelyada

Kaadhkani Wuxuu si buuxda u hawlgalindoonaa dhamaan ciidamada kala duwan ee amaanka inoo qaabilsan. Kaas oo siindoona fursad balaadhan oo ay kaga faa’iidaysan karaan sugida amaanka wadanka. Wadanka aanay bulshadiisu lahayn kaadhka dhalashadu, waa sida kombiyuutar bilaa anti-virus ah, sidaadarteed, kaadhkan dhalashadu wuxuu kaa iskaan garaynayaa cadawga kugu soo dhex gabanaya; ee muwaadin qaado kaadhka; isnadiwaangali.

 

6.             Gooni isku taag cadaan ah

Kaadhkani Waa calaamad muujindoonta in aynu siyaasad ahaan soomaaliya si dhab ah uga go’nay. Waayo waxaynu buuxinay dhamaan shuruudihii looga baahnaa wadan gooni uga go’aya wadan kale, kaasoo doonaya aqoonsi caalami ah. Shuruudahaasna waxa kamid ah:

  1. Waa inuu dhul haysto
  2. Waa inuu dad haysto
  3. Waa inuu dawlad haysto
  4. Waa in gudihiisa uu ka jiro aqoonsi maxaliya, oo muwaadinku huwiyad kaga soocan yahay galtiga aan ku dhalan.

Maadaama aynu soomaaliya ka go’nay 25 sano ka hor, Waxa jabay salaankii ama biriishkii u dhexeeyay qabiilka iyo qaranimada, waayo markii aynu soomaaliya ka go’nay oo hada laga joogo 25sano, mudadaas oo dhan waxaynu ku taamaynay sidii aynu qabiil uga guuri lahayn, ee aynu u gaadhi lahayn qaranimo buuxda, laakiin maanta waxaynu rabnaa in aynu riyadaas ka dhabayno, dalkeenuna uu helo qaranimo buuxda; taasna waxa shardi u ah in aynu qaadano kaadhka isna diwaangalino, taasi waa biriishkii aynu ku gaadhi lahayn yoolkeena mustaqbal.

Yoolkeena mustaqbal maaha wax meel iska yaala oo miis la inoo dul dhigay, laakiin waa yool cadaw badani ku wareegsanyahay, caqabado farabadanina ay ka sokeeyaan, gaadhidiisuna waxay u baahantahay tacab farabadan, fikir farabadan, kharash farabadan iyo niyad wanaagsan oo nifaaq ka fog; raganimaduna meel adagbay ku jirtaa. Iyadoo ay jirto xaqiiqada ah in aynu soomaaliya ka go’nay 25sano ka hor, qaadashada kaadhkan dhalashadu waxay si dhab ah oo waadix ah uga marag kacaysaa in inaga iyo soomaaliya wax isugu keen hadhay aanu jirin xag siyaasadeed, oo aynu kala nahay laba dawladood.

Gar-Maxamed Cabdikariim Axmed (Shiil)

COMMENTS
Latest News