dhaymoolenews.com
Faa'iidooyinka kaadhka dhalashada muwaadinka (qaybtii 3aad)
January 29, 2016 - Written by wariye999

 

    3.         Lexejeclo iyo niyadsami

 

Kaadhkani wuxuu Muwaadiniinta dibad iyo gudoba dareensiindoonaa jacayl wadaniyadeed oo ku qotoma lexejeclo iyo niyadsami.

 

Lexejeclo laba nin kama wada qoslisee kuwa gudaha ku nool kaadhkani wuxuu dareensiindoonaa lexejeclo wadaniyadeed wuxuuna kaadhkani meesha ka saarayaa lexejeclo qabiil, wuxuuna aasaasayaa jacayl wadan ama waxa afka carbeed lagu yidhaahdo (xubul wadan), taasoo aad moodo  inay ku yartahay dhiiga bulshada, wuxuuna meesha kasaarayaa qabyaalada oo ah maadad aad ugu badan dhiiga bulshada. Tusaale hadaynu soo qaadano, bal ka waran guriga qoysku ku jiro, haduu qof qoyska kamid ahi arko, qof dab qabadsiinaya, maku daawanayaa? Jawaabtu waa maya, waayo shakhsiyaadka qoysku ka koobanyahay waxay ku midaysan yihiin qoyskii reer hebel, qofkastoo qoyska kamid ahna lexejceladiisu waa inuu guriga qoysku ku jiro ka ilaaliyo cid kasta oo waxyeelo u gaysanaysa. Sidaadarteed, ujeedada guud ee aynu maanta ku midoobi karnaa waa jinsiyad ama kaadhka dhalashada, iyadoo ay taasi jirto, hadaynu ujeedadii guud hayno, maxaynu lexejeclo u yeelanaynaa? Lexejecladeenii waxay noqonaysaa lexejeclo qaran.

Dhanka kale, kaadhkani wuxuu muwaadiniinta dibada dareensiindoonaa jacayl wadaniyadeed oo ku qotoma niyadsami. Waayo maadaama ay joogaan wadamo shisheeye su’aasha ugu badan ee la waydiiyaa waa mee baasaboorkaagii? Waxaanay inta badan isku ciil kaambiyaan, marka dhibaato loo gaysto maxaa tolow wadankaaga loogu samaynwaayay waxan mar walba lagu waydiinayo, adigana sidaasaa laguula dhaqmaa, wadankaagiina sida adhigaa looga buuxaa. Sikastaba ha-ahaatee, kaadhkan dhalashadu wuxuu kor u qaadi doonaa niyadsamida muwaadiniinta ku nool dalka dibadiisa, waxaanay heli doonaan ixtiraam iyo niyadsami ka badan intii ay markii hore ahayd, sidaadarteed, muwaadin qaado kaadhka dhalashada; isna diwaangali.

Gar-Maxamed C/kariim Axmed (shiil)

 

COMMENTS
Latest News