dhaymoolenews.com
Dhagayso: Oday Reer Hargeysa ah Ka Waramay Dhibaato Culus Oo Kasoo Gaadhay Golaha Degaanka Hargeysa, Iyo Gabayo Layaab leh Oo uu Ka Tiriyay Rafaadka Ka Gaadhay Dhul uu lahaa Oo laga Qaaday.
January 14, 2016 - Written by wariye999

Oday, Cumar C/Salaan Xaaji Digaale. Oo lagu Naanayso (Cumar Yuuri) Ayaa ka waramay Dhibaatoyin badan Oo Kasoo Gaadhay  D.H.H Mudadii Ay joogeen Golaha Deegaanka Hargeysa, Taasoo uu sheegay in Dhul sharci ah Oo lahaa isla markaana Xalaal ah Oo laga qaadi jiray Cashuurtiisa, seesna lahaa Faylkiisa sharciga dhulkana  uu haystay in laga qaaday dhulkaasi Isla markaana Haba yaraate aanay jirin mudo saddex sano ah ku kalahaayay D.H.H Wax arintaa looga qabtayna aanay jirin iyadoo ilaa hada Dhulkaasi kamaqan yahay Lu gooyo iyo kharash, iyo waqti badana kaga baxay daba socodka iyo ka dhursiga arintaasi.

Hadaba Oday, Cumar C/Salaan Xaaji Digaale, Oo ah Aftahan ayaa Suugaan, ama Gabay Ku Sifeeyay Golaha Deegaanka Hargeysa D.H.H iyo Nooca ay yihiin, iyo Dhibaatada ay ku hayaan maalin walba Bulshadii soo dooratay ee uga fadhiday haakah yidhaahaan Oo ay ku nasato, iyo Xafiisyadii loogu tala galay in loogu adeego ummada oo askar laysaga dhigay Rayidkii ubaahnaa in loo adeego, marna Cidla ah Oo haawanaya.

Waxaa Arimahaa Oo dhan uu Oday Cumar yuuri ku faah faahiyay Tix Gabay ah oo  dhinacyo badan  Oo murugo iyo Qosolba isugu jirta uu Kaga hadlay dhibta isaga gaadhay iyo tan umadaba ay u Gaysteen Golaha deegaanka Hargeysa Taasoo uu ugu magac daray DAMQASHO.

Tuducyo kamid ah Gabayga (DAMQASHO) Ee Loo tiriyay Golaha Deegaanka Hargeysa.

*Dulmiga iyo Dunuubaha ka dhaca Dawladaha Hoose*

*Da’yarta iyo Caruuraha Qabsaday Golahii Deegaanka*

*Ee shicibku soo Doortay Ayaan kaaga soo digay*

*Duqii Cawl ahaa iyo Jiciir ima Danqaabeene*

*Ina xaashibaan igu dayeen Damaca qaarkiiye*

*Yaw yaw is daawanaya Oo darajo loo yeelay*

*Daqli iyo dhaqalana helay Oon duniba falaynin*

*Oo layidhi Dadbaa madax u tihiin aya kugu daran show*

 

Halkan ka dhagayso Codka Gabayga Oo dhamays tiran.

 

 

 

 

 

COMMENTS
Latest News