|
|||||
dhaymoolenews.com
Dawladda Yugaandha oo meel Fagaare ah ku gubtay Hub sharci darro ah
May 3, 2022 - Written by wariye999Hargeysa (Dhaymoole) Dowladda Yugaandha ayaa meel fagaara ah waxa ay ku gubtay 378 qori oo sifo sharci darro ah dalka lagu soo geliyay, kadib markii ay gacanta ku soo dhigeen ciidamada ammaanku. Saraakiisha ciidamada Yugaandha oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in hubka sharci daradda ah, lagu gaysto dhibaato xoogan oo isku jira dhaca iyo dilalka dadka shacabka ah iyo khal-khal galinta amniga. Arrintan ayaa noqonaysa mid ay dhanka sugista abniga u qaadeen, ciidamada ammaanka ee waddanka Yugaandha.
COMMENTS
|
Latest News
|