dhaymoolenews.com
Daawo Qaabkii ay u dhacday Doorashadii iyo Buuxintii Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye
February 26, 2019 - Written by wariye999

waxana ay cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen go’aankaas uu xisbigu hore u gaadhay.

Intaas kaddib xubnaha golaha dhexe, ayaa gudo galay buuxinta jagooyin  guddoomiyaha iyo guddoomiye-ku-xigeenka golaha dhexe oo bannaanaaday, waxana  madasha laga iclaamiyey inay badka is keenaan cidkasta oo hunguri ka hayo  qabashada jagooyinka  bannaanaaday, iyada oo ay jagada guddoomiyaha iyo ku-xigeenkaba si furan ugu tartameen tiro  xubno golaha dhexe ahi.

Guddoomiyaha golaha dhexe, ayaa loo doortay xildhibaan Maxamuud Jaamac Warfaa oo hore iskaga casilay jagada guddoomiye-ku-xigeenka, kaas oo helay  257-xubnood oo golaha dhexe ah, halka Shariif Abokor Maxamed oo jagadan kula tartamay uu ka helay 13-cod, iyada oo jagada guddoomiye-ku-xigeenka golaha dhexe loo doortay Aqoonyahan Cali Maxamed Cali (Cali Caliyow).

COMMENTS
Latest News